.


SOMALITALK.COM | Home | FreeWeb | FreeEmail | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m

SOMALITALK NEWS

SHIRKII  IGAD MAXAAY DOWLADIHII KA SOO QEEYB GALAY KALA KULMEEN

Wq. C/qaadir Maxamed Caanooy(Barnamij)
Khartuum .Sudan
Email. barnamij@hotmail.com

Waxaa Urur Goboleedka  IGAD ku jira  Dalalka Soomaaliya ,Jibuuti, Kenya , Itoobiya, Erateriya, Ugndha iyo Sudan,Waxaa Shirkii madaxweeynayaasha dhawaan (10-11 Janaayo,2002) Lagu qabtay Magaalada Khartoum ee Dalka Sudan, Waxaana ka soo qeeyb galay dhamaan dalalka xubnaha ka ahaa , hadaba maxaay kala kulmeen dalalkaasi shirka IGAD.

SOOMAALIYA :-

Soomaaliya Waxaa uga soo qeeyb galay wafdi uu Hogaaminayay Madaxweynaha ku meel gaarka Soomaaliya Mudane C/Qaasim , waxaa wehlinayay  Wasiirka arimaha dibada Mudane , Ismaaciil (BUUBAA),Wasiirka Warfaafinta , Mudane Sakariya ,Safiir Maxamed Cusmaan Porotocoolka Madaxweynaha , Safiir Yuusuf Dheeg, Prof C/raxmaan Ibi (Madaxa  Gudiga Arimaha Dibada ee Parlamaanka ) Mudan Axmed Rashiid Xanafi , Mudane C/raxmaan Diinaari,(Madax Warfaafinta Madxweynaha ) Mudane Suudi Xasan , Suudi (Xoghayaha Madxweynaha ),Mudane Maxamed Axmed  Cawaale .

             Wafdiga soomaaliya waxaay la kulmeen iska hor imaad dhex maray iyaga iyo wafdiga Itoobiya , taasoo hareeysay shirka ,waxaa garab istaagay dowladaha Jibuuti Kenya Eratariya si toosa si dadban waxaa u garab istaagay Ugandha .

Waxaa ,warmurtiyeedkii shirka lagu muujiyay si gooni ah go,aano laga qaatay arinta soomaaliya oo uu ugu muhiimsanaa go,aan ah in shir nabadeed kale oo  dhameeys tira lagu qabto dalka  Kenya  Laba bilood gudohood . dhanka kale waxaa isku day heshiisiin sameeyay Albashiir   oo si gooni ah u kulmiyay Ra,iisul Wasaaraha Itoobiya Milis Zinaawi iyo Md C/qaasim .

Madaxweyne C/qaasim iyo Wafdigiisu waxaay kulamo Gooni Gooni ah la yeesheen madaxdii ka soo qeeyb gashy waxaa ugu muuqday , Mudane Maxammed Saxnuun , Mud Camar Muusaa ,wafuud Talyaani ah iyo Ameerikaan . waxaa kale oo aay la kulmeen madaxda Suudaan  Waxaana soomaaliya iyo Sudan aay ku heshiiyeen Iskaashi iyo Isdhaafsi Khibradaha , waxaa soomaaliya loogu Deeqay deeq wax barasho oo ah Master iyo Diktooraa , taasoo Ururka Ardayda Soomaaliyeed ee Sudan uu u gudbiyay wafdiga , Madxweynuhu wuxuu ku tilmaamay in shirku guul u ahaa  raalina ka yahay wixii ka soo baxay .

Soomaliya waxaa aay xaga warfaafinta kala Kulantay Xiiso aad u Dheer waxaa intii aan ku jiray Shirka iyo ka diba aay Suxufiyiinta aduun weynaha ka kala yimi iyo kuwa dalkan ba aay hadal hayeen Dhibaatada dhex taal soomaaliya iyo Itoobiya , Cabsida laga Qabo in soomaaliya Mareeykanku Weeraro, Madaxweeynuhu iyo Wafdigiisu aad ayeey Waqti dheer u siiyeen Warfidiyeenka ,Dhanbaalka aay Gudbinayeen oo aad isugu dhawaa wuxuu ahaa in itoobiya Faraha kala baxdo soomaaliya , in aduunweeynuhu Qab qablayaasha wax ka qabto loona arko in aay yihiin Argagixiso iyo  in Soomaaliya Kaalmo Lala Soo gaaro .

Dhanka Wafuudii ka soo qeeyb gashay , Camar Muusa oo ah Madaxa Jaamacada carabata  ayaa Muujiyay in soomaaliya aay tahay in la garab istaago , Gaar ahaan Xukuumada Ku meel gaarka , halka Ergaygii Ururka OAU uu dalbaday in dalalka Aduunku Ka daayaan faragelinta arinta Soomaaliya , Dr Ataalah OO ah Madaxa Gudiga Fulinta ee IGAD ,ayaa yiri “waxaan rajeeynayaa in sanadka 2002 uu ahaado sanadkii nabada Sudan iyo
WARARKA MAANTA
Qaddaafi iyo C/Qaasim oo ku kulmay Tripoli GUJI..
Odayaal Soomaaliyeed oo Puntland ugu baaqay Deganaansho GUJI..
Warbixin Ardayda Soomaalida Minnesota GUJI...
NETWORK OF STUDENTS
Boggii Aqoon Isweydaarsiga Ardayda oo Dibloofuray GUJI..
HARGEYSA
MOGADISHU, Jan 13, 2002 (Xinhua via COMTEX) -- The council of elders in Somalia's breakaway republic of Somaliland has extended the term of the president by one year to give the opposition time to prepare for elections, Radio Hargeisa reported on Sunday. MORE...
soomaaliya “ . Safiir C/Raxmaan Alnumeeyri  oo ah Ergayga Gaarka ee Albashiir u diray Soomaaliya ayaa ii sheegay  “in xiligii ugu haboonaay aay soomaaliya Mareeyso oo aduunweynuhu u soo jeestay , waxaan rajeeynayaa in nabad la gaari doono balse waa in soomaalidu Gudiheeda aay nabadu ka timaad , waa in aay diyaar u noqdaan in aay wada hadlaan heshiiyaane “.

Madaxweynaha DKG ee soomaaliya C/qaasim ayaa aaday Dalka Liibiya , waxaana la filayaa inuu booqan doono dalal dhowr ah intuusan dalkii ku noqon , halka uu u safray wasiirkii warfaafinta  Masar .

Dhanka kale dalalka IGAD Midba si buu uga faaiday , Dalka Kenya wuxuu muteeystay Qadarin Shirkii hore oo uu soomaalida u qabtay Waxaana mar labaad lagu sharfay inuu isagu qabto shir kale , Dalka Ugandha , waxaa sharaf u ah in shirka soo socda lagu qaban doono ,Isaga iyo dalka Sudan waxaa dhex maray Heshiis  labadaa dal oo mudaba dhibaato dhex tiil , Itoobiya  waxaa aay ka faa,iday iyadoo xiriirkii sudan iyo iyada u dhaxeeyay uu aad u sii qoto dheeraaday , halka aay ahayd Dowlada kaliya ee wafdiga soomaaliya Fooda is dareen .Erateriya waxaa faa,ido u ahayd iyadoo Sudan aay aad isugu soo dhawaadeen , iyadoo  Dhanka itoobiya aay is gacan qaadeen labada hogaamiye Miliz iyo Asayaas.

Dalka Sudan oo marti loo ahaa waxaa aay faa,iday Amaan fara badan , iyo iyadoo xiriir wacan la wada yeelatay dalalka IGAD .

 Suxufi C/qaadir Maxamed Caanooy(Barnamij)

Khartuum .Sudan

Email. barnamij@hotmail.com

Ama Caanooy@hotmail.com

Janaayo 15, 2002

Safiir Yuusuf Dheeg oo Dhanbaal ka Siday Mad. C/qaasim

-DHAMMAAD-

Kulankii Jabuuti iyo Soomaaliya


Marabtaa inaad ka xajido waalidkaa

Waxaa la wargelinayaa dhamaan jaaliyadda soomaliyeed ee ku nool maraykanka in la soo diyaariyey mashruuc ku saabsan xajka kaas oo ah dadka xajku ku waajibay laakiin aan awoodin sababo caafimaad awgood ama da’adooda wayntahay oo aysan qaban ka rin gaadiidka in loo hayo dad kasoo xajinaya iyaga bedelkooda saasna uu kaga gudmayo xajkii. Qarashka qofkii ku baxayaa waa $1100.00(kun iyo boqol doolar oo kaliya).

Wixii faahfaahin ah waxaad kala soo xiriirtaa Masjidka Imaam Shafici oo cinwaankiisu yahay sida hoos ku qoran

1501 south 5th street
Minneapolis, MN 55454
Tell: (612) 221-2618
Ama (612)296-8599

ama la xiriir: Cabdiqani Cali
qardhawi@hotmail.com


MACLUUMAAD

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Kor/up
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
SOMALIA HISTORIC IMAGES
MOGADISHU PAST IMAGES
Check here www.swan.ac.uk
Other cities: Hargeysa | Bosaso
WORLD FACTBOOK
General information about Somalia from the CIA's edition of The World Factbook.
Check here www.cia.gov
ARCHIVE
US. State Departament Information. Report on:
Somalia Human Rights
1999 | 1998 | 1997 | 1996 | 1995 | 1994 | 1993 |
HISTORY OF SOMALI FLAG
Somalia flag was created by Mohammed Awale Liban, to know more Clich here
MAP OF SOMALIA
Map of Somalia (1992)
Click here
University of Texas
SOMALIA PROFILE
Somalia: Country Profile
BY: CountryWatch
Somalia: Country Profile
BY: BBC
SOMALIA LATEST NEWS
Want to know latest news from Somalia Today, click these links: 1 | 2 | 3 | 4 | 5
CREATE E-BOOKS
Click here! E-Book Compiler
CYBERCRIME
Want to know more about the cybercrime
Check here www.cybercrime.gov
SOMALIA POLITICAL HISTORY
LIFE & PEACE REVIEW
Volume 8, Number 4 1994
Somalia: Its Political and Cultural History
Read here...
SOURCE: University of Pennsylvania

SOMALI HISTORY
BY: abdi jama ali | kolding, Denmark
On the surface, Somalia is perhaps the most homogenous country in Africa - most of its citizens share the same language, ethnic identity, religion, and culture. Yet it has never achieved lasting stability as a nation;
Read more...
REPORT: LOCAL NGO
BY: Ibrahim Raghe Mohamed, Mogadishu: As an observer with a parallel concern to the unprecedented crisis of our country, I have been following the disintegration and volatile situation of Somali Republic extremely step-by step.
Read more..
SOMALIA EDUCATIONAL LINKS
>> Amoud University
>> Hargeisa University
>> EastAfrica University
>> Mogadishu University
>> Boosaaso University
>> Macalimiinta Stockholm
>> Asal Institute - Xamar
>> Ubah Educational Serv.


Copyright © 2002 somalitalk.com. All rights reserved. Privacy


Saxaabada | Baro-HTML | Zakaat | Xajka | Sombeauty | Kids-Safety