"Taariikhiyan Soomaalidu Maraykanka cadow uma ahan, cadwoga Soomaalidu inagama foga oo dhagax haddad tuurtid wuu gaaraa [Itoobiya], iyaga ayaa hadda maraykanku wax inoo weydiinayaa"
Dr. Cabdiraxmaan Maxamed
"Weligay isma oran Amxaaro iyo Kukuuyaad ka liidataa"
Maxamed Abshir Muuse
Waxaa xalay (Jan 5, 2001) laguqabtay
xarunta Jaamacada magaalaada Minnesota shirweynihii Soomaaliyeed ee ay soo qabanqaabiyeen ardayda waxkabarata Jaamacadaha iyo kulliyadaha gobolka Minnesota.
Goobtii shirka oo ahayd qolalka waaweyn ee jaamacada Minnesota oo loogutalaglay shirarka iyo barxaddii goobtaas ka horeysey waxaa cammiray
dad ugu heelan dhegeysiga waxyaabaha laga soo jeedinayey shirkaas.
Shirkaas oo socday saddex saacadod waxaa ka hadlay:
- Cabdirisaaq X. Xuseyn ....... (Ra'iisul wasaare 1964-1967)
- Maryan C. Maxamed ........... (Aqoonyahannad Soomaaliyeed)
- Siciid Saalax Axmed ......... (Abwaan & Macallin Soomaali)
- Xassan Jaamici .............. (Xeer-Yaqaan Soomaaliyeed)
- Dr. Cabdiraxmaan Maxamed .... (Dhakhtar Caafimaad)
- Shiikh Cabdiraxmaan Cumar ... (Shiikh & Macallin Iskuul)
- Maxamed Abshir Muuse ........ (Taliyihii 1aad ee Booliska Soomaaliya)
Cali Khaliif Galaydh, Ra'iisul wasaarihii hore ee DKG, oo qorshuhu ahaa in uu ka hadlo
shirka waxaa MSSU [Ardayda Soomaaliyeed ee Minnesota] dadweynihii shirka kasoo qayb galay uga
cudr daareen in safar degdega uu soogalay sabataas awgeedna uusan caawa shirka uga
baaqday.
Markii shirka lagubilaabay qiyaastii 5:00pm [galabnimo], waxaa lagufuray Aayadaha Qur'aanka Kariimka oo uu akhriyey Sh. Aadan Cabdi.
Kaddib waxaa Khudbadii furtaanka halkaas kasoo jeediyey Maxamed Xayle oo ah guddoomiyaha ardayda Soomaaliyeed ee dhigta Jaamacadaha Minnesota, oo ah kuwa shirkaan soo qabanqaabiyey. Wuxuuna sheegay ujeedada shirkan in ay ahayd "Waxbarasho": taas oo ah in aqoonyahanka Soomalaiyeed ay kulmaan oo la isku weydaarsado aqoon.
Maxamed Xayle waxa u sheegay in tirada ardayda Soomaaliyeed ee dhigta Jaamacadaha Minnesota iyo Soomaalida kunool gobolkan aysan
isu-dhigmin ama aysan is-dheelitirnayn. Taas oo ay jaamacadaha dhigtaan arday gaareysa 800 arday oo Soomaali ah.
Tirada Soomaalida deggan gobolka Minnesota waxaa lagu qiyaasay 30,000 ilaa 45,000.
Xayle waxa uu xusay sida ay muhiimka u tahay waxbarashada, isaga oo sheegay sida ay lagamamaarmaanka u tahay in waalidka iyo bulshada
Soomaliyeed guud ahaan ay ugu dulqaataan ardayda waxbaranaya, taas oo uu sheegay in inta badan culayskaasi uu ku sababo ardayda in ay waxbarashada wadi waayaan. Waxa kale oo uu sheegay in loo baahanyahay in
dhallinta lagu adkeeyo waxbarashada.
Kadib waxaa cod-tebiyaha lagu wareejiyey Maryan C. Maxamed, Aqoonyahannad Soomaaliyeed, oo ka hadashay qiimaha iyo muhiimada midnimada Jaaliyadda.
Maryan waxa ay hadalkeeda ku bilowday iyada oo tiri "Waxaan nasiib u helay in aan kamid noqdo dadkii ay
Soomaliya waxbarashada usoo dirtay, Nasiib darro markii aan waxbarashadii dhamaystay mahaysan meel aan ku laabto, siyaas ayaan ku degey Maraykanka".
Dadweynihii shirka kasoo qaybgalay waxay Maryan xusuusisay qiimaha ay leedahay waxbarashada iyo in ay tahay waxa keliya ee lagu gaarikaro horumarka bulsho.
Waxayna tilmaantay jaaliyadaha kale ee sida Soomaalida oo kale wadankaan kuyimid oo horumarka lixaadka leh ka gaarey in ay taas ku gaareen waxbarasho iyo dadaal. Waxay xustay dadka Irishka iyo Hindida
ee usoo guurey Maraykanka oo ka garey heersare in waxa keliya oo ay taas ku gaareen ay tahay
waxbarashada.
"Waxaa mugdiga Soomaalida kasaarikaraa waa aqoonta" ayey tiri Maryan oo aad ugu adkaysay dhallinta in ay waxbartaan.
"Waa in aan leenahay in yar oo siyaasadda inoo qaabilsan, inta kalena wax ha barteen"
Maryan C. Maxamed
|
"Waa in aan leenahay in yar oo siyaasadda inoo qaabilsan, inta kalena wax ha barteen" ayey ku xoojisey hadalkeeda taas oo ka qoslisey in badan oo goobjoog ka ahaa shirka.
Ugudambeyntii Maryan waxa ay xustay qiimaha jaaliyadda midaysan, waxana ay tiri "Waxba halkan kama ihi Jaaliyad La'aan".
Waxaa kadib hadalkii lagu wareeyey Xassan Jaamici, Xeer-Yaqaan Soomaaliyeed, oo ka hadlay doorka Jaaliyaadda, xuquuqda Soomaalida degtey Maraykanka ay kuleeyihiin halkan iyo wajibaadka Saaran ee iyaga laga doonayo iyo sida loo dhisi karo jaaliyad midaysan.
Xassan waxa uu kubilaabay hadalkiisii isaga oo xusay sida ay dhallin badan oo
Soomaali ah ay isugu deyeyaan in ay bedelaan dhaqankoodii taas oo xataa ay iskudayaan in ay magacooda bedelaan
si ay u qanciyaan bulshada ku xeeran, waxaana uu yiri waxaad arkaysaa in qof magaciisa layiraahdo
Maxamed uu dhehayo waxaa la iyiraahdaa Mo. [My Name is Mo], Billaal uu dhahayo,
Bil [My Name is Bil]. Taas oo magacyadaas asalka ah ay macne ballaaran xambaarsan yihiin. Waxana uu xusay in Qaanuunka Maraykanku uu xor u siinayo qofka diintiisa iyo waxa uu aaminayo.
"Bulshada [Maraykanka] Waa bulsho aad u furfuran, wadanka [Maraykanku] waa wadan kabaxsan Soomaaliya oo ay Soomaali [iyo Islaamba] ku noolaankaraan kii ugu haboonaa, waa haddii aad isasoosaartid".
Xassan Jaamici
|
Bulshada Maraykanka isaga oo ka hadlaaya xassan waxa uu yiri "Waa bulsho aad u furfuran, wadanka [Maraykanku] waa wadan kabaxsan Soomaaliya oo ay Soomaali [iyo Islaamba] ku noolaankaraan kii ugu haboonaa, waa haddii aad isasoosaartid".Dhibaatadii soo gaartey Maraykanka September 11, 2001 isagoo ka hadlaayey Xassan waxa uu sheegay in ay ahayd dhibaato ba'an oo soo gaartey xadaarada caalamka, taas oo uu sheegay in aan cambaaraynay, islaamkuna uu yahay Nabad. Waxaana uu xusay dhacdooyinkii isku xigxigey ee ka dambeeyey September 11, 2001, taas oo uu sheegay in intii kadambaysey la xirxiray ila 1000 qof oo ilaa hadda aan midna lagu hayn wax toos
ah oo lagu tuhmayo in dhacdadaas lagu xiriiriyey.
Ugu dambaytii hadalkiisa waxa uu Xassan ku xusay waajibaadka Saaran Soomaalida oo sida uu sheegay ay ugu horreyso in aan barano dadka aan la
derisney ama la degney, cilaaqo wanaagsana la yeelano, aan ahaano wadaniyiin Maraykan aah oo Muslim ah oo Soomaali ah isla mar ahaantaana aan dhawrno sumcadda Soomaalida iyo dalka Soomaaliya. Waa in aan dadka kale
barnaa dhaqankeena Soomaalida oo ku salaysan diinta Islaamka ayuu hadalkiisii ku
xoojiyey Xassan.
Kaddib waxaa madashii hadalka lagu wareejiyey Siciid Saalax Axmed, Abwaan & Macallin Soomaaliyeed, oo kahadlay Dhawrista iyo Qiimaha dhaqanka iyo Midnimada Soomaaliyeed. Bilowgii hadalkiisa wuxuu Siciid Saalax ka Afeeftay watiga gaaban oo loo qoondeeyey isaga oo kaftan ku bilaabay wuxuu yiri "Mid waan ka Afeefan, dadna waa ila qabaa, waa waqtiga
xadidan ee 20 ka daqiiqo. Macallinimda watiga dheer waxay ku barta in xiisadu ahaato
hal-saac."
Hadalkiisa siciid wuxuu gogolxaar uga dhigay isagoo xusay qaab dhaqameedkii Soomaalida, isagoo dib u raacay habkii ay Soomaalidii hore u dhaqmi jireen iyo hidihii
Soomaalida iyo qaabka xoolo dhaqashada Soomaalida. Isagoo weliba xusan in aan dhaqan jirayn Af hadii uusan jirin. Halkaas oo uu sheegay in Afka Soomaaligu uu yahay mid da'weyn, laakiin la suntay sannadkii 1972.
"Da' yarta Soomaaliyeed waxaan u kala qaybin
lahaa
saddex qaybood oo kala ah Ilma Soomaaliya, Ilam Utaange, iyo Ilama Sandiyeego."
Siciid Saalax Axmed
|
Isagoo Afka Soomaaliga siweyn uga hadlay, Sicid waxa uu yiri : "Waxaan da'yarta u kala qaybin
lahaa saddex qaybood oo kala ah Ilma Soomaaliya, Ilam Utaange, iyo Ilama Sandiyeego."
"Waa ilma Soomaaliya oo waxay si fiican u yaqaanaan Afka Soomaaliga akhrin, kuhadal iyo qorisba. Waa ilma Utange oo way kuhadlaan Afsoomaaliga laakiin maqorikaraan. Waa ilma Sandiego oo waxay ku hadlaan Afsoomaali barax ah, qoraal iyo akhrina iskaba
daa", ayuu yiri Siciid oo arintaas sharxayey.
Ufiirso qoraalada hadda la tarjumayo ayuu yiri Siciid oo tilmaamay in tarjumaada dad inookaga dhimankaro, waxaana uu yiri waxaa dhacday qiso ah
sidan:
Hooyo Soomaaliyeed ayaa dhakhtar loo geeyey, markaas ayey qofkii uturjumayey kutiri
"USHEEG WARAABOW BAA IGU DHACAYE", qofkii tarjumayey wax a
uu dhakhtarkii ugu warceliyey "She said I was bitten by a
Hyena" [Waxay leedahay waxaa i qaniiney Dhurwaa]. Sow qoftaasi ma
dhiman!.
[AfSoomaaliga
oo qiilqiil kujira eeg halkan]
Kelmedaas markii ay Siciid afkiisa kasoo baxday ayaa qolkii shirka oo dhami qosol dhinac ula
dhaceen. Qisadeen waxaa gadaal ka xaqiijiyey mid kale oo kamida dadkii ka hadlay shirkaan isaga oo
sheegay in qisadani ay kadhacday Minneapolis, markaas oo qofkii ay kudhacday lagu duray 21 irbadood oo kuwa loogu talagalay dadka uu qaniino eyga qaba cudurka loo yaqaan
Raabiyada.
Yaa wax ka qabankara haddaba arimahan luqadda iyo dhaqanka oo sii gabaabsi ah ayuu weydiiyey Siciid. Wuxuuna kujawaabey "DHAMMAANTEEN".
Sheeko gaaban oo xigmad ku dheehantahay ayuuu markas Siciid dadweynehii goobta oo aad u muunsoonaya u sheegay
taas oo ah mid uu cinwaan uga dhigay:
QOOLEYSII DADAASHEY: Waxa jirey ayuu yiri degaan la oranjirey dalsan oo ay ku noolayeen xayawaan aad u tiro badan, oo kakooban dhul cagaaran buuro, balliyo, toggag, jeexyo, geed quwaax, ciid san, iwm. Dab ayaa deegaankii qabsaday, intii deegaankaas ku noolayd oo dhami waa is majiireen, oo bulaameen, oo qayliyeen oo ordeen, kadibna kasoo durkeen deegaankii. Dabkii waa soo durkay ilaa uu kasoo garey dhammaan intii cagaarayd, markaas ayey xayawaankii carareen, meel bey is-tubeen. Qooleydii ayaa intey biyo hal bar ah afka kusii qaaday noqotay oo ku tuurtay dabkii
holcayey, way kunoqnoqotay ilaa ay ka daashey. Markii dambe ayey isku soo tuurtay meeshii latubnaa iyadoo daalan oo
baalashii holoc ka gubey, markaas ayey tiri sow dabkaas lama damin lahayn haddii maroodiga afka weyn uu
biyaha kutuuro, hadii mid walbaa uu intuu awoodo ka geysto, hadii ay isutagaan oo dabkaas damintiisa ka qayb
qaataan.
halkaas marka uu sheekadii marinayey ayuu Siciid hadalkii u wareejiyey isaga oo dhehaya "Talo adigaa kunool ee iyadu kuguma
noola."
Nasasho yar [biririf] oo shirku qaatay iyo cabitaan yar kaddib waxaa hadalkii lagu wareejiyey
Shiikh Cabdiraxmaan Cumar, Shiikh & Macallin Iskuul, oo kahadlay muhiimadda ay leedahay Midnimada iyo wada shaqayntu iyo waajibaadka diineed ee saaran dhammaan xubnaha bulshada
Soomaaliyeed.
"Waa lagama maarmaan in la xafido qofka diintiisa, naftiisa, maalkiisa iyo cirdigiisa ama sharaftiisa."
Shiikh Cabdiraxmaan Cumar
|
Waxa uu Sh. Cabdiraxmaan waxa uu xusay sida ay lagama maarmanka u tahay in la xafido qofka diintiisa, naftiisa, maalkiisa iyo cirdigiisa ama sharaftiisa.
"Waa in la adeecaa Allah" ayuu yiri Sh. Cabdiraxmaan, waxaana uu ku adkeeyey hadalkiisa "Waa in danta guud hirgasho, kaddibna danta gaarka ah" eega ayuu yiri kelmada hal-ku-dhegga u ah maraykanka waa "United We Stand" taas oo si
toos ah u tilmeysa midnimada.
Sh. Cabdiraxmaan waxa uu xusay in dugsigii Hoose ee Soomaaliya ee uu soo shigtay uu ahaa dugsi lagala wareegey Talyaaniga, dugsigii sare ee uu dhigtayna uu ahaa mid lagu dhisay Iskaa-Wax-U-Qabso, taas oo uu madashii shirka xusuusinayey faa'iidada midnimada iyo wadashaqaynta.
Kaddib waxaa hadalka lagu wareejiyey Dr. Cabdiraxmaan Maxamed, Dhakhtar Caafimaad, oo kahadlay dhibaatooyinka lasoo gudboonaadey Soomaalida iyo sidii looga bixi lahaa, iyo saamaynta ay dhacdadii September 11, 2001 kuyeelatay bulshada Soomaaliyeed. Taas oo
uu kala qaybiyey saddex qaybood: Dhaqaale, Siyaasad iyo caafimad.
Dr. Cabdiraxmaan waxa uu hadalkiisa gogoldhig uga dhigay maahmaah Maraykan ah oo ah "Qofkii ugu dambeeyey oo shaqada laqoray ayaa ah kan ugu horeeya ee laga eryo shaqadaas"
[The Last to be hired, the first to be fired]. Taas oo ku xusuusiyey Soomaalida sida ay arintaas shaqo la'anta {Maraykanku} ay saamayn weyn ugu leedahay Soomaalida.
Waxa uu Dr. Cabdiraxmaan sheegay in arintaas dhaqaalo xumida ay keentay
dhibaato caafimad, taas oo dhalisay waxa loogu yeeray "BUUFIS" ama qulubka oo dad badani ay yihiin sidii waxwaalan oo kale, taas oo uu sheegay in
dhakhtarada Minnesota ay hadda kujiraan 80 qof oo Soomaali ah oo qaba cudurkaas, taas oo 32 kamida ay yihiin gabdho Soomaaliyeed, oo sida uu tilmaamay aad
looga naxayo. Waxaa uu Dhakhtarku xusay in lagu qiyasay 20% (Boqolkiiba labatan) Soomaalida
ay hadda qabaan cudurkaas aan magaciisa hore loo aqoon oo loo bixiyey BUUFISKA.
Cudurkaas
isagoo tixraacaya waxa uu sheegay intii kadambaysay weerarkii September 11, 2001 ee lagusoo qaaday maraykanka waxaa soo baxday in dagaal-Ogayaal Soomaali ah ay shegeen warar ay ka muuqato dagaal, taas oo aad
arkeysid ayuu yiri inay saamaysay cudurkaas [Buufiska]. Waxaana uu hadalkiisa ku adkeeyey "In Muslim la ahaado dembi ma
ahan" {To be Muslim is not a Crime}.
Waxaana uu xusay Dr. Cabdiraxmaan in wadankaan Maraykanka uu yahay waddan
si xor ah wax ugu sheegan karro oo ay tahay in aan ka xumaano wixii soo gaarey.
Dr. Cabdiraxmaan waxa uu yiri ilaa hadda maraykanku ma cadayn ama ma qeexin macnaha Argagixiso ama yaa argagixiso ah. Waxa kale oo uu sheegay in ay Soomaalida la gudboon tahay in ay siwanaagsan ula hadlaan wargeysyada waddankan, waxa uu yiri "haddii aadan garanayn wax aad u sheegtid wageys iska aamus"
"Taariikhiyan Soomaalidu Maraykanka cadow uma ahan, cadwoga Soomaalidu inagama foga oo dhagax haddad tuurtid wuu gaaraa [Itoobiya], iyaga ayaa hadda maraykanku wax inoo weydiinayaa"
Dr. Cabdiraxmaan Maxamed
|
Isagoo Dr. Cabdiraxmaan ka hadlayey xiriirka Soomaalida iyo Maraykanka waxa uu yiri " Taariikhiyan Soomaalidu Maraykanka cadow uma ahan, cadwoga Soomaalidu inagama foga oo dhagax haddad tuurtid wuu gaaraa [Itoobiya], iyaga ayaa hadda maraykanku wax inoo weydiinayaa". Taas inaga
[Soomaalida] ayaa laga rabaa xalkeeda ayuu ku adkeeyey.Dr. Cabdiraxmaan oo xusayey wanaaga Soomaalida waxa uu yiri majiro qof Soomaali ah oo ku oranaya
anigu weligay Soomaaliya ku noqonmaayo, waxaadse arkaysaa in uu noqdo kan u horeeya oo ku dhehaya "Maxaa Soomaaliya Laga Soo sheegay", taas oo tuseysa sida ay wadankii niyada ugu hayaan. Hadaba ayuu yiri caqabadaha ina hortaagan aan Fursad u bedelo, wanaag badan ayaan leenahay ee aan adeegsano. Waa in aan ka dheraana qabiilka oo aan inaga la inoo adeegsan sidii qalin markii la doono wax lagu qoro markii ladoonona jeebka lagashto. Waxaana uu xusay qiso naxdin leh oo kusaabsan qof Soomaaliyeed oo uu sheegay in
uujirey 24 [bilowgii dagaalka], taas dhibaatooyinkii dagaalkaas kasoo maray iyo waxyaabihii uu arkay
iyo falalkii uu ku dhaqaaqay ay sabatay in uu ku dhaco cudur aan dawdiisa la garanayn oo ah CUNCUN uu jirkiisu cuncunayo, qofkaas oo uu sheegay in uu isaga ka codsaday in uu
qisadaas sheego. Waxaana uu hadalkiisa kusoo xiray "DHAR AADAN LAHAYN DHAXAN KAAMA CELIYO" taas oo uu xusuusinaye Dadlkii Soomaaliya.
Kadib waxaa khudbadii lagu wareejiyey Cabdirisaaq Xaaji Xuseyn, Ra'iisul wasaarihii Soomaaliya, (14 Jun 1964 - 15 Jul 1967), oo kahadlay Muhiimadda ay leedahay Midnimada iyo wadashaqaynta loogabaahanyahay dhamman xubnaha ururada Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Minnesota.
Cabdirisaaq waxa uu hadalkiisa ku bilaabay isaga oo yiri dhaliisha ay soo jeediyaan dadka wax maamula [Minnesota] waa iyaga oo sheega in dadka Soomaaliyeed
ay ku hadlaan codad kala duwan. Taas ayuu yiri weeye meesha aan uga baahanahay midnimada.
Su'aashu waxay tahay ayuu yiri "Sidee u bilownaa, xageese kabilwonaa". Waxa dhacda in an is niraahno "Aan yeelano cod midaysan" laakiin waxbaa lugta
ina jiidaya ayuu yiri. Waxaana uu sheegay isagoo dhahaya
"Waxaan helikaraa xuquuq badan, waa haddaan yeelano cod midaysan, oo helo madax daacad ah".
"Waxaan helikaraa xuquuq badan, waa haddaan yeelano cod midaysan, oo helo madax daacad ah".
Cabdirisaaq X. Xuseyn
|
Mar uu Cabdirisaaq X. Xuseyn kahadlaayey u noqoshada Soomaaliya waxa uu yiri "Aan runta isu sheegno, waa kan dalkeenii {Ameerka}", isagoo hadalkaas sii wada waxa uu yiri
"Sidee carruurteena u baraa asalkooda iyo meesha ay kasoo jeedaan, si ayaguna usii baraan kuwa ay sii dhalaan".Hadalkaas isagoo sharaxaad kabixinayey waxa uu Cabdirisaaq sheegay in Soomaaliya ay qaadanayso muddo in waxwalba ay si nidaam ah kusoo laabtaan sidaas awgeedna ay laga maarmaan tahay kuwa halkan {Ameerka} jooga in ay ku dadaalaan ubadka sidii ay mudadaas ugu dadaali lahaayeen in ay
baraan meesha ay kasoo jeedeen iyo in ay kayimaadeen wadan kale {Soomaaliya} si aan hidahaasi ama raadkoodu u dhumin.
Waxa kale oo Cabdirisaaq uu xusay sida ay Soomaalida Minnesta u ceebaysan yihiin iyagoo ku tukada goobo ciriir ah iyo meelaha loo yaqaan Basement
ama dabaqa dhulka hoos ugujira ee guryahay, waxana uu yiri "CEEB CALEE" [Shame on
us]. Taas isagoo siiwada waxa uu yiri waa in aan isu duubnaanaa oo dhisanaa goob
ballaran oo aan kadhigan karo masjid isla mar ahaantaana aan carruurteena keenikaro oo noqon karta goob dhaqabkoodii aan ku barro. Waxaana uu mar kale ku celiyey waa kan wadankeenii
[This (Amerka) is our country]. Waxaana uu ku celceliyey sida ay lagama maarmaanka u tahay in labaro carruurteena halka ay ka yimaadeen.
Kadib waxaa hadalkii lagu wareejiyey Maxamed Abshir Muuse (haamaan), oo shirka marti u ahaa, oo soo jeediyey kelmedo dardaar ah
iyo wacyi gelin Jaaliyadda, isagoo weliba ka hadlay walaaltinimada iyo gacaltooyada iyo faa'iidooyinka wada tashiga iyo waxwada qabsiga.
Waxa uu Maxamed Abshir hadalkiisii ku bilaabay warbin gaaban
oo kusaabsan sidii uu ciidanka Soomaaliya uala wareegey sannadkii 1958.
kabacdi waxa uu yiri "WIXII KA DAMBEEYAA KA DAMBEEYEY" Taas oo dhammaan golihii shirka ka qoslisey.
"Weligay isma oran Amxaaro iyo Kukuuyaad ka liidataa"
Maxamed Abshir Muuse
|
Maxamed Abshir waxa uu yiri "Weligay isma oran Amxaaro iyo Kukuuyaad ka liidataa" Taas oo uu sharaxay isagoo dhehaya shirkaan ayaa i qiirageliyey oo isoo xusuusiyey Soomaaliya, kaas oo uu yiri rajo cusub ayuu shirkani igu beeray, wuxuuna isoo xusuusianyaa
Soomaalinimadii. Waxaana uu yiri Siciid Saalax Gobanimadii ayuu isoo xusuusiyey sidaas ayaan u qiirooday oo hadalkaas u iri ayuu hadalka ku adkeeyey.
Markale isagoo hadalkaas xoojinaya Maxamed Abshir waxa uu yiri "Jiilkaan cusub rajo cusub ayuu igu beeray", hadaba ayuu yiri aan fadhiga ka kacno. Aan ogaano in Soomaaliya ay tahay "cidna uma maqna ceelna uma qodna".
Ugu dambayn Maxamed Abshir Muuse waxa uu yiri "Da' weyn waan ahay, waxaanse daniyayaa Soomaaliya oo nabada oo wada cagaaran in aan arko".
Shirkii dhammaadkiisii waxaa laga soo jeediyey su'aalo dhawr ah oo dadweynuhu ay Soo qorteen, waxaana ka mid ahaa
su'aalaahaas
- Sidee u noqonkaraa umad Midaysan?
- Maxaa qabiilka looga cabsadaa (looga baqaa) in laga wada hadlo.
- Qof ayaa Joornaal kuqoray 50% - 75% in aan Soomaalidu kujoogin wadankaan cadayn saxa, kaasi ma soomaalida ayuu wax u dhimay mase waa u faa'iideeyey.
- Sidee carruurta Afka Soomaaliga iyo dhaqankooda loo baarikaraa.
Su'aalaahaas waxaa ka jawaabey qaybo kamida dadkii lagu sharfay in ayka hadlaan shirkaan ee kor ku
xusan.Waxana halkaas laga xusay in Soomaalida
kudhaqan magaalada Rochester oo u dhow Minneapolis/St.Paul in ay shirka soo
gaarsiiyeeen salaan ay kasideen Soomaalida ku dhaqan magaaladaas, waxaana
salaantaas sidey laba oday oo mid kamida magaciisa layiraahdo Shiikh Cabdi
Yuusuf, kan labaadna inkasta oo magaciisa laga xusay goobta shirka hadana uu
qoraaga magaciisii dhaafay, laakiin haddaan hello aan soo daabici doono.
Ugudambayntii ardayda Soomaalida Minnesota waxay mahad ballaaran u jeediyeen
dhammaan intii kasoo qaybgashayshirkaas. Waxayna sheegeen in shirar kan oo akle
ah ay qabanqaabin doonaan mustaqbalka dhow.
Sawiradii shirka iyo faahfaahino dheeraad ah oo kusabsan shirkaan marka ay soogaaraan SomaliTalk ayaan idiin soo tebin doonaa insha Allah.
Bahda SomaliTalk waxay u mahad celinayaan ardayda Jaamacada Minnessota oo nagu sharfay in warkan aan u baahino
Soomaalida kunool daafaha dunida.
SOMALITALK.COM | Janaayo 5, 2001 | MPLS, MN, USA
FAAFIN: SOMALITALK.COM | 2002