|
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
|
SOMALITALK NEWS
|
WAREYSI
GUDOOMIYAHA BARLAMAANKA C/LE DEEROOW ISAAQ
Waxaa Khartuum
Caasimada Sudan dhawaan yimi Gudoomiyaha baarlamaanka isagoo Hogaaminayay wafdi
baarlamaaneed .wafdiga uu hogaaminayay Mud. Deeroow waxaa ka mid ahaa Mud.
Muqtaar Maxamed Yuusuf oo ah ku xigeenka Gudoomiyaha Baarlamaanka , Dr. Ibraahim
Dasuuqi oo ka mida Gudiga Xiriirka Dibada ee baarlamaanka .
Waxaa xusid mudan in soomaaliya
aay u mataleen shirkii Ururada Baarlamaanada Carabta kana Soojeediyeen Qudbad
aad loola dhacay. waxaa uu Deeroow uu hogaamiyay Booqasho sharafeed lagu geeyay
wufuudii Mashruuc Beereedka caanka ah ee Jasiira sidoo kale waxaa aad loogu
riyaaqay Gabar soomaaliyeed oo halkan wafdiga uga biirtay oo qudbad kajeedisay
gudiga haweenka Barlamaanda Carabta gabadhaas oo la yiraa Manaal Xaaji Muuse .
Waxaan ka
qaaday Gudoomiyaha Baarlamaanka wareeysi dheer oo taabanyay Arimo aad muhiim u ah
oo aay ka mid tahay waxyaabuhuu qabtay baarlamaanku ,
riditaankii xukuumadii Dr
cali khaliif
,xaalada Muqdhisho, furitaan la,aanta Dekada , iyo Gegida dayuurada
, Argagixisada , ballaarinta Baarlamaanka iyo aragtida uu ka qobo gudoomiyuhu iyo
arimo kale. Hadaba waxaa u dhacay wareeysigu sedan :-
S1:- Mudane warbixin naga sii
booqashadaadii Khartuum ujeedooyinkeeda iyo wixii idiin qabsoomay ?
Mudane Deerooq :-Safarkan
Ujeedadiisu waxaay ahayd inaan ka qeeyb galno shirka ururka Baarlamaanada
carabta , waxaana ka soo baxay Go,aano wax ku ool u ah Umada carabta oo dhan .xaga
soomaalida aad ayaa noola soo dhaweeyay inaan ku soo laabanay mar labaad Ururka
kaasoon mudo toban sanaa ka maqneyn .go,aan ayaan laga soo saaray soomaaliya
kasoo ka kooban labo qodob , kan hore wuxuu ahaa hanbalyeeyn naloogu
hanbalyeeyay inaan dib u soo laabanay , nalaguna soo dhaweeyay , kan labaad
waxaa loogu baaqay in laga qeeyb qaato dhismaha soomaaliya xukuumaadaha carabta
waxaa lagu booriyay ineey bixiyaan qeeybta ugu soo aaday sanduuqii dib u dhiska
soomaaliya.Dhanka kale waxaan Albashiir madaxweynaha suudaan u gudbinay dhanbaal
aan ka sidnay walaalkiis Madaxweyne C/qaasim , kaasoo ahaa dhanbaal uu uga mahad
celinayay sidii walaaltinimada ee loogu soo dhaweeyay markuu u yimid Shirkii
IGAD, iyo doorka libaaxnimo ee uu arinta soomaaliya ka ciyaaray , sidaad la
socotaana wuxuu ahaa madaxweyne bashiir madaxweynihii ugu horeeyay ee dowlada ku
meel gaarka si toosa u Ictiraafay . waxaanan Albashiir u gudbinay warbixin ku
saabsan xaalada dalku marayo.
S2:-Mudane C/le waxaa Jirta in
Baarlamaanka laga sugayay howla muhiima maxaad qabateen Xiligii tagay ?
Mudane Deeroow:-Runtii mudadii
sanadka iyo barkaa uu jiray Baarlamaanku howlo badan ayuu qabtay , iyadoo sidaad
la socotaan dhibaatooyin badan dalka ka jireen Dhaqaalo xumo , Xafiisyo iyo
meelo lagu shiroon jirin,Magaalada muqdisho ookala qeyb qeybsaneeyd, khad
cagaaran jiro, socodka magaalada gudeheedu dhib yahay ,ayaan howlaheena bilownay
, ugu horeeyn xukuumada ayaan nabada kala shaqeeynay , xukuumadii cali khaliif ,
xildhibaanada oo dhan oon ugu sareeyo looma kala harin arinkaa , hada xamar
isbadal ayaa ka dhacay dhinaca nabad gelyada , khadkii cagaarna ayaan jirin hada
,meeshii la doonaa lamari karaa , tuhunkii laga qabay ineey xamar reer kaliya
degan yihiin oon la tagi Karin ayaa soomali isku dhafani meesha ka saareen ,xubno
Baarlamaamkaa oon guryahoodii 10 sano tagin ayaa ku laabtay Ilaahay baa mahad
leh.waxaa uun haray in Maleeshiyooyinka laga dhigo hubka dadaalkaasna waa la
wadaa .
Baarlamaanku 21 sano oo
dikteytarnimaa ka dib ayaa la bilaabay dadaal ayaan ugu jirnaa in la helo dowlad
Dimuquraadiya taana waxaa lagu xasilin karaa in qof walbo aragtidiisa iyo
fikradiisa so jeediyo.
Baarlamaanku waxaa mudadii
uu jiray uu si dimuquraadiya kalsoonidii loogala laabtay xukuumadii Cali Khaliif
Taasoo lagu eedeeyay in xoogaa yaroo dhaqaalaa oo carabta laga helay sixun loo
maamulay, dhinaca nabad gelyada ,iyo dib u heshisiinta oo sidii wax looga qaban
karay wax looga qaban iyo iyadoo maamulkii wasaaradaha oola dhisi karay ka
gaabisay.baarlamaanku wuxuu markuu baaritaan sameeyay,cod uqaaday sida dastuurka
ku qoran , sida ayaana kalsoonidii loogala laabtay .
Xaga dib u heshiisiinta waxaa
uu baarlamaanku dib u dhigay dhisida xukuumada , wuxuuna ogalaaday in golaha
wasiirada la siyaadiyo , lagana tanaasulo qodobkii shardinayay in wasuurku
haysto shahaado jaamcadeed , si fursad loo siiyo mucaaradka , si nabadu u
hirgasho, si mucaaradku ugu qeyb qaataan uguna soo biiraan qaranimada waxna uga
dhisaan Dowlada .
S3:-Mudane ,Ra,iisul wasaarihii
hore Cali khaliif sida uu u soo dhaweeyay go,aankii golaha baarlamaanka uu kala
noqday kalsoonida ,xilkana ka dib u wareejiyay miyeeysan ahayn mid heersare ah kana
tarjumeeysa dimuquraadiyad ,oo ahayd Mid aan looga baran soomaalida mudadii la
soo dhaafay?
Mudane Deeroow :- Walaahi aad
iyo aad ayaan ugu mahad celinayaa walaakeey cali Khaliif waa dimuquraadiyad
isaguna waa sheegay waanan ku raacsanahay, nin madaxtinimada u dhashay ma jiro
anaa tagi kara C/qaasimaa tegi kara , xasan abshir ayaa tegi kara kalsoonidaa
loo diidi karaa , kalsoonidaa haduu qalad galo lagala laaban karaa, waa
dimuquraadiyada sidaasi,madaxtinimada xiligaan waa dhibaato waa dhaqaala la,aan
waa hurdo laa,aan fakar , waxaan soo dhaweeynayaa walaalkeey Cali Khaliif siduu
go,aankii baarlamaanka u soo dhaweeyay, siduu u aqbalay maslaxada umada ,aqoontiisa
iyo cilmigiisa ayaa tusay waana ku mahad sanyahay.
S4:-Mudane waxaa saxaafadu
qortay in soo xaadirka xubnaha baarlamaanku liito , dhanka kale muda dheer ayaan
Baarlamaan xor ah la helin , hadaba dhibaatooyinka ugu badan ee idin soo
waajahay maxaa ka mida ?
Mudane Deeroow :- dhanka soo
xaadirista waa caadi labo boqol ayeeyna kor u dhaaftaa , xubnaha baarlamaanku
waxaay kala deign yihiin magaalada qeybaheedoo dhan , marka ma jirin wax
gaadiida ooy ku yimaadaan Baarlamaanka , waxaan la heshiinay shirkad baabuur si
loo soo qaado xubnaha , dhowr bilood lacagtii lama siin , dhaqaala xumadaa yaa
noogu darneyd .waxaa la helay dukumiinti sidii baarlamaankii lixdankii u
shaqeeyn jiray howshana waa lala qabsaday hada .
S5:-Mudane waxaad ka
sheeganeeysaan Dhaqaale xumo , waxaa wararka qaar sheegeen in xukuumadu isbee so
politico
(laaluush siyaasadeed) badan ku bixisay qab qablayaasha sidii loola
heshiin lahaa , Dekedii iyo garoonkii diyaaradaha waa xiran yihiin ,is qab qabsi
,adiga waxaad leedahay shacbiyad badan , dhibaato badan ayaana dadku dareemayaan
Lacago ayaa la soo sameeyay sicir barar ayaa dhacay waa side arinku ?
Mudane Deeroow:- sidaad u
sheegatay waa jirtaa oo waa runtaa ,xiligii Cali khaliif isbeeto politico la
bixiyay ,maamul xumo kale jirtay , inaan ka hadlo dooni mayo waa waqti tagay ,dowladaan
sidaan sheegay shacabka ayeey u timid dhib ineey siyaadiso uma iman , Dekada iyo
goroonka diyaaradaha waxaay u xiran yihiin kuwa hub haysto Taransate ku ridaya ,
Dowladu waa haysataa ciidan hada waxaan aaminsanahay in laga xoog badan yahay
kuwa hortaagan danta shacabka , oo iyagu garoomo iyo dekado u gaara leh oon
rabin in la furo , balse dowlada go,aankeeda ayaa ah inaan qoray la adeegsan
inaan dagaal wax lagu xalin , waxaan dooranay in dagaal dhicin nabada ha
dheeraato iyadaan rabnaa in wax ku xalismaan .
S6:- Mowliid macaane oo ka mida
ragii wax ka saxiixay heshiiskii Nakura ee Kenya ayaa waxaa laga soo xigatay
inuusan ka qeyb galeeyn golaha wasiirada ee la dhisayo , hadii aanan
baarlamaanka la kordhin , waa side fikradaadu ?
Mudane Deeroow:Mowliid macaane
marar badan ayaan kulanay , Fikrada mowliid macaane waa mid Qaldan ,oo wax la
qabaa jirin ,xataa beeshiisa ,waxaa uu aamin sanyahay in jareer weyne yihiin
Shiidle ,Shanata shanbare mushunguli iyo makane , inta kalena aaysan ahayn
jareer .tusaale ahaan wasiirka isboortiga mudane qabiidi oo ku helay
Ma'ogtahay shirkada XAWAALADDA DALSAN in xarunteeda uguweyn ay kutaal Nairobi, mase ogtahay in ay xafiisyo kuleedahay dacalada
dunida, mase
lasocotaa in ay kuugu khidmaynayaan sidegdega GUJI.HALKAN..
|
wasiirnimada qeybtii ku soo hagaagtay Jareerweyne , mowliid macaane wuxuu
aaminsantahay inuusan ahayn jareer , Fikrada mowliid macaane waa mid gaaban oo
khaldan ,waxuu iisoo qoray dhanbaal, oo iigu sheegayo siduu u fahamsanyahay inta
ah jareer, wuxuu Dalbaday in baarlamaanka laga siiyo isaga laftiisa Shiidle 25
xubin baarlamaan, sadex kalana lagu sharfo isaga sidaasna aay ku helaan labaatan
iyo sideed 28, dhanka wasiiradana sadax wasiir .wuxuu aaminsanyahay soomaliya
ineey tahay shan qabiil hawiye, Digiliyo mirifle, daarood , dir iyo jareer weyn
.sidaana wax lagu qeybiyo .fikarada jareer weynana oo uu aaminsanyahayna waa mid
kooban oo qeybo badan oo jareerkaa aan ictiraafsaneeyn . anigu waxaan u arkaa
fikradiisa mid xal lahayn waan u naseexeeyay waxaanan dalbanayaa in loo
naseexeeyo.
Baarlamaanka wuxuu u saaray
arinta kordhinta Gudi , waxaana la sameeynayaa wixii suurta gala ayaadoo la
ilaalin doono isku dheeli tirka , iyo qaabkii loo qeeybsaday shirkii carte ,ayadoon
qofna xaqiis la garab marin.
S7:-Mudane, ka dib dhacdadii 11
Sep , aad ayaa soomaaliya warfaafinta aduunku u soo hadal qaaday , dowlada
itoobiya waxaay sheegatay in aay Mareeykanka u gudbisay warbixin ku saabsan
argagixisa soomaaliya joogta , qaar ka mida hogaanka SRRC iyagu waxaay sheegeen
in aay joogto soomaaliya argagixiso kuna leeyihiin xerooyin , waxaan ku weeydiin
ma jirtaa xerooyin argagixsadu ku leedahay soomaaliya ?
Mudane Deeroow :- horay ayaan
ku cel celinay ineeysan soomaaliya argagiso xeryo ku lahayn , wariyayaal
shisheeye ooy ku jiraan kuwa mareeykana , CNN, NBC carabta ayaa tagay meelihii
lagu sheegay xeryo , waxaay soo waayeen xitaa labo qofood oo qoray sidato ,
waxaa aduunka u cadaatay in dowlada kumeel gaarku run sheegtay waxaa guul daro
ka raacday kuwii yiri argagixisaa xeryo ku leh soomaaliya , aduunku waa qancay ,
soomaaliya waa furantahay, hala yimaado meeshii la doono hala tago waa ku
kalsoonahay dalkeena in argagiso xeryo kulaheen . mucaaradka ujeedadooda waa mid
cad oo ah in sidii afgaanistaan l oogargaaro arinta dhacdayna uga
faaideeystaan..
S8:-Weerarkii 11sept markuu
dhacay , adigu Bacdamaa aad tahay Madax baarlamaanka , wax xiriira ma la
sameeysay Congareeska mareeykanka xukuumaduse xiriir noocaase ma sameeyasay ?
Mudane Deeroow :- haa waxaan u
dirnay dhanbaal Tacsiyo madaxweynaha Mareeykanka , Congareska, iyo dhamaan
shacabka mareeykanka . Runtii aad ayaan ugu tiiraanyoonay wixii dhacay anaga
ayaa dareemi karna dhibaatada aay leedahay in bani,aadam si macno daraa loo dilo.
Xukuumadu dadaal la dagaalanka Argagixisadaa ayeey sameeysay xirrir ayaana na
dhex yaal mareeykanka oo aad u wanaagsan .waxaanan mareeykanka iyo dhamaan aduun
weynaha u cadeeyneyn aa in xeryo argagixiso aaysan dalkeena ka
jirin.
S8:-Mudane ugu danbeeyntii
fariin aad u soo jeedin ama aad dooneeyso inaad gaarsiiso soomaalida , gaar
ahaan ku dibada ku nool majirtaa?
Mudane Deeroow :- waxaan
soomaalida ugu baaqayaa in dalkoodii ineey dhistaan aay tahay , inaan nabad
daradaan lagu jiri Karin in qabyaaladaan dan noo aheen , aqoonyahanada dalka u
dhashay ee dibada jiro waxaan leeyahay dalkiinii wuxuu u baahanyahay waxaad
barateen , dowlada , baarlamaanka waxaay soo dhaweeynayaan fikradihiina
aragtidiina , waxaa loo baahan yahay taladiina , inaad dowr dhismo yeelataan,
waxaan ugu baaqayaa in la taageero dalka qof walba wuxuu awoodo oo danta dalkaa
qabto.
Waxaa wareeysiga qaaday
C/qaadir Maxamed Caanooy (Barnamij)
Khartuum , Sudan
Email:- barnamij@hotmail.com
SHIRKII
IGAD MAXAAY DOWLADIHII KA SOO QEEYB GALAY KALA KULMEEN GUJI
HALKAN
Warqaddii
Burhan Jaamac udiray Cali Khaliif
SOMALITALK | NEWS | Febraayo 13, 2002
FAAFIN: SOMALITALK.COM
|
MACLUUMAAD
|
Powered by
www.SomaliTalk.com All About Somalia and More...
|
>> Kor/up
>> Usheeg Asxaabtaada
|
|
Allah Is Great
|
MASJIDKA ABUBAKAR
|
Mashruuca Masjidka Abubakar
Warbixin kusaabsan halka uu marayo Mashruuca Abubakar As-Saddique ee Minnesota
Ka akhri halkan
|
TAARIIKH SOOMAALI KOOBAN
|
1,500 BC Fircoonkii laoranjirey Seankhane Menthuhoteps IV ee Thebes
ayaa sahan safar badeed usoodiray xeebaha Soomaaliya, kuwaas oo loo aqoonjirey
dhulkii uduga "The Land of Punt."
7-900 AD Carab iyo Beershiyaan [Persians] ayaa xiriir layeeshay
jaaliyaadihii kunoolaa xeebaha Saylac, Muqdisho, Marka iyo Baraawe.
1528-35 AD Ahmed "Gurey" ayaa dagaal lagalay Abyssinians
isagoo siweyn isaga difaacay ilaa ay usoo hiiliyeen ciidan hubaysan oo Bortuqiis
ah [Portugese musketeers].
1889 Kadib markii ay heshiis galeen Suldaano iyo Ingiriiska ayuu
Woqooyiga Soomaaliya ka dhaqangeliyey Somaliland.
1894 ayaa heshiiska loo yaqaab "Tripartite Accord" waxaa
wada garey Ingiriiska [Great Britain], Talyaaniga [Italy], iyo Itoobiya [Ethiopia],
kaas oo kusaabsanaa dhulka Soomaaliya. Talyaaniga waxaa lasiiyey dhulka soo
eegaya badweynta Hindiya oo waagii dambe loo bixiyey Italian Somaliland.
Heshiiskaasu wuxuu aqoonsaday in Mililikh [Menelik] uu qaato dhulka galbeed ee
Soomaaliya ee loo yaqaan Ogaden.
1899 Maxamad Cadulle xasan ayaa la dagaalamay wadaamada Ingiriiska [British],
Talyaaniga iyo Ethiopia.
1940 Talyaaniga ayaa qabsaday dhulkii ingiriisku qaatay ee Somaliland,
qabsashadaasi muddo badan masii jirin.
1947 Waxaa la asaasay xisbigii dhallinyatada Soomaaliyeed ee SYL [Somali
Youth League], oo ahaa xisbigii siyaasiga ahaa ee ugu horreeyey Soomaalida cusub.
1950 Qaramada Midoobey [UN] ayaa dhulkii talyaanigu haystey ogolaatay xorimo
gaarsiin oo uu talyaanigu
sii hayo.
1955 Ingiriiska ayaa gobolka loyaqaan Reserved Area (Ogaadeenya) iyo
Hawd kuwareejisey Itoobiya.
1960 bishii June 26keedii ayaa Somaliland kaxorowdey xukunkii
Ingiriiska. bishii July 1deedii isla sanadkaas ayaa Soomaaliya intii uu
Talyaanigu siihayey xorowdey oo ay labadaas qaybood midoobeen.
1961 ayaa lasharciyeey isku taggii labadii qaybood ee Soomaaliya markas xorta
kanoqotay.
1970 Xukunkii shacabku soo doortay ayaa latuuray, waxaana la wareegey
militari.
1976 Waxaa la asaasay xisbigii Hantiwadaaga kacaanka Soomaaliya [Somali
Socialist Revolutionary Party - SSRP]
1977 Waxaa Ogaden kudagaalamay Soomaaliya iyo Itoobiya. Sannadkii 1978 ayaa
Soomaaliya dib u giratay, waxaana sannadkii 1988 heshiis nabadeed kala saxiixday
Soomaaliya iyo Itoobiya, laakiin Soomaaliya kama noqon sheegashadii Ogaadeenya.
1978 bishii December 26keedii ayaa Addis Ababa lagu asaasay SSF [Somali
Salvation Front].
1980 bishii October 21keedii ayaa wadanka Soomaaliya lageliyey Heegan [State
of Emergency].
1981 bishii April 6deedii ayaaLondon, UK lagu asaasay SNM [Somali
National Movement].
1988 ayaa la asaasay USC [United Somali Congress].
1990 Bishii December ayaa dagaal kaqarxay Muqdisho, Janaayo 1991 ayaa siyaad
Barre kabaxay Muqdisho, kadib markii ay dagaal kagahoryimaadeen USC. Dawladii
Militariga ahaydna kudhacday.
ISHA.QORMADAN
|
XASAN ABSHIR FAARAX
Profile | CV
|
|