SomaliTalk.com
Online Community
E.S.L
Waa bog aad k helikartid macluumaad ku saabsan ESL (English as a Second Language)
www.esl.net
TOEFL
Waa bag aad kahelikartid macluumad kusaabsan TOEFL (Test of English as a Foreign Language)
www.toefl.org
BILICDA SOOMAALIYA
Si aad waxbadan uga ogaatid bilicda Soomaaliya iyo khayraadka ku duugan Guji halkan
IS-XISAABI
Is-Xisaabi inta aan lagu xisaabin
Fadlan Guji halkan
BBS PRESS
Bayaano Beelaha Sool, Sanaag iyo Buuhoodle
Guji/Click
QALIN JEBIN
Ardaydii Soomalida oo guulwayn soo hoyday sannadkii 2000.
Guji halkan
Hambalyadii 2000
URURKA MSSU
MSSU waa ururka midowga ardada Soomaaliyeed ee Gobolka Minnesota.
Guji halkan: 2001
June2000 | May2000
MUSLIMIINTA USA
Daraasad lagu sameeyay Muslimiinta Maraykanka
Guji halkan
MUSLIMKA MINNESOTA
Muslimiinta Minneapolis MN Talo ayay u baahan yihiin
Guji halkan
SALAADIHII CIIDDA
London, CA: Adha | Fitri
Minnesota: Fitri | Goobta
TAARIIKHDA LAGAMA BEENSHEEGO
Guji halkan

|Home | FreeWebs | Email | TellFriends | Search | Feedback | News | Allah Is Great | .
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
PUNTLAND NEWS
DAGAALKII KADHACAY GAROOWE
garoowe SOURCE: Map from utexas
FOGAANTA U DHEXAYSA:
Garoowe ...... Qardho ===== 222 km
Garoowe ...... Galkacyo ==== 260 km
Garoowe ...... Laascaanood = 132 km
Garoowe ...... EYL ======== 219 km
SOURCE: Khariidada uu qoray
Maxamed Abshir Cali
  • Wararkii ugu dambeeyey ee Garoowe Guji halkan
  • C/Laahi Yuusuf Axmad iyo Jaamac Cali Jaamac ayaa midba midka kale ku tilmaamay argagixiso waraysi ay BBCda Afsoomaaligu layelatay Dhegeyso Nov 21
  • Garoowe wuxuu hadda gacanta ugu jiraa C/Laahi Yuusuf, sidaas waxa qiray Jaamac Cali Jaamac oo u waramayey BBCda.

  • Dagaalkii arbacadii (Nov 21) kahor weriyaal Talyaani ah oo tegey Puntland ayaa warbixin kusaabsan Gobolka kasoo saaray Televisionka RAI UNO ee talyaaniga, taas oo ay kaga hadlayeen.... Ka Akhri halkan

  • Wararka xaqiiqada ugu dhow waxay muujinayaan in 12 qof kudhinteen dagaalkii arbacada.. Akhri.Ciidanka.Daraawiishta

  • 50 Qof ayaa wax kunoqday dagaalkii Arbacada ee kadhacay Garoowe, sidaas waxaa soo weriyey hay'adda AP oo soo xiganeysey qof goob joog ah. Sida ay kusaoo warantay hay'adu, Jaamac, kuxigeenkiisii iyo guddomiyii maxkamada waxa ya kabaxeen garoowe. English.Version

  • 11 Qof ayaa kudhintay dagaalkii maanta ee Garoowe sida ay kusoo warantay Reuters. Waxaa kale oo madfac kudhacay meel deyr-skuul ah halkaas oo carrurtu isugusoo baxeen si ay usalaamaan calanka, laakiin weli lama oga khasaarada madfacaas. Sidaas waxaa tibaaxay Reuters. English.Version

  • 12 Qof ayaa dhintay 100 kalena waa ku dhaawacmeen dagaalkii Garoowe, sidas waxaa qoray BBC Afrika. English.Version

  • HANA - Waxaa saakay lamaqlayey rasaasta culculus oo labada dhincba ah, waxaana larumaysanyahay in dagaalkaasi u dhexeeyo Coll. Cabdullah Yuusuf iyo Jaamac Cali Jaamac. English.Version

  • Warsaxaafadeed uu waaberigii nasoo gaarsiiyey Ismail H. Warsame ayaa tibaaxay in C/Laahi Yuusuf uu kulaabtay Garoowe. English.Version

  • November 20 - Jaamac Cali Jaamac oo Kubaaqay in uu Caalamka kala shaqaynayo Ladagaalanka Argagixisada

    Warkii aan ka helay xafiiska Jaamac hal maalin ka hor dagaalkii Arbacada, waxa uu muujiyey sida ay nabad u tahay Puntland. Waxa uu qoraalkaasi oo kahadlay sida ay Puntland u rabto in ay ka gudubto arimaha argagixsada  ku baaqay in uu caalamka si buuxda ugala shaqaynayo ladagaalanka argagixisada. Waxa kale oo uu xusay in xawaaladaha kajira gobolka aysan ku xiriirsanaan argagixiso ayse u adeegaan dadka faqiirka ah. English.Version

  • Abaar Looga Cabsi Qabo Gobolada Bari iyo Sanaag

    Warsaxaafadeed aan Talaadadii (Nov 20) kahelay Xafiiska Jaamac Cali Jaamac ayaa caalamka usoo tebiyey lasocdsiin abaaraha kusoofool leh labada Gobol ee bari iyo Dhanka bari ee Gobolka Sanaag. Waxaa warku tibaaxay sida ay halis ugu jiraan xoolaha labadaas gobol iyaga oo aan gaarikarin dhulka naqa leh xoolaha oo aad u tabar daran awgeed.

    Waxaa warku intaas ku daray in xoolaha iyo dadka xoola dhaqatada ahba ay u baahanyihiin taageero iyo mucaanimo degdega sida biyo, cunto iyo daawo. Waxaa warku tilmaamay in hadda la arkayo dhimasho dad iyo duunyaba leh oo kadhalatay abaartaas.

    Cosigaas oo kusocda wadamo badan oo caalamka ah iyo hayadaha gargaarka ayaa aad u tilmaamay sida loogubaahanyahay gargaar degdega. English.Version

  • Natiijadi Shirkii garoowe

    Shirkii mudada kasocdey garoowe ee lasoo gabagabeeyey 14 November 2001, waxaa codakii loo kala helay sidan:

    Natiijadii Doorashada Maamul Goboleedka Puntland

    Madaxweynaha/Presidential Candidates Codka / Votes Received
    Jamac Cali Jamac 283
    Muuse Xaaji Abees 103
    C/raxman Ahmed Cayrow 47
    C/risaq Sh. Osman ( Cali Baadiye) 11
    Maxamed Abdirashid Cali Sharmarke 4
    Osman Abshir Cigaal Yeey 2
    Cabdi Cabdulahi ( Jinni Boqor) 1
    Maxamed Hagi Aden 1
    Isugeyn codadka/ Total Votes 452

    Faahfaahinta qoraalkaan, iyo sidiilookala helay codadka Madaxweyne DGPL kuxigeenka ka akhri Wargeyska Riyaaq - Guji... cadadkii Nov 16 [.gif file]

  • Go'aamadii doorashaad waxaa markiiba jawab ka bixiyey Cabdullahi Yuusuf oo markaas ku sugnaa Gaalkacyo, taas oo isla maalintaas qoraal soogaarey SomaliTalk uu ku tilmaamay doorashadaas mid aan waxba kajirin.

CREDIT: HANA, AP, Reuters, BBCAfrica | Offices of: AYA and JCJ

DISTRIBUTED VIA SOMALITALK.COM

2001-11-21


Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Kor/up
>> Usheeg Asxaabtaada