.


SOMALITALK.COM | Home | FreeWeb | FreeEmail | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m

SOMALITALK NEWS
IQRA NEWS

11/2/2002,maalin isniin

Madaxweyne moi oo sheegay in uu dedejinayo dib uheshiisiinta soomaaliya.

(iqra fm news)

Madaxweynaha Dalka Kenya Moi Ayaa Dalka Saaka Ku Soo Laabtay Isagoo Ka Yimid Dalka Fransiska,Wuxuuna Yiri Dawladdu Waxay Qaaday Tallabooyin Adag Oo Ay Kaga Hortagayso In Dhibatooyinka Dalalka Derisku usoo Gudbaan Dalka Kenya.

Madaxweyne Moi Waxa Uu Sheegay In Dadka Degan Degmooyinka Xadku ay Waajib ku Tahay In Ay La Shaqeeyaan Ciidamada Amaanka Si Looga Hortago Hubka Sharcidarrada Ku Soo Gelaya Dalka.

Madaxweyne Moi waxa Uu sheegay In dawladiisu kaashanayso Dalalka Somalia Iyo Ethiopia Si Loo Ilaaliyo Xuduuda Dalka.

Madaxweyne Moi Waxaa Uu Sheegay In Uu Dedejin Doono Hanaanka Nabadda Iyo Dib U Heshiisiinta dalka Somalia, isagoo intaasi kudaray in uu dedejinayo dhamaan dib uheshiisiinta dalka soomaaliya.

Waxaana horay loogu go,aamiyay shirkii 9aad ee urur goboleedka igad ee lagu qabtay magaalada khartuum ee dalka sudan in shir wayne dib uheshiisiin ah lagu qabto dalka Kenya bisha march ee soo socota.

xoghayaha guud ee golaha SRRC mawliid macaane shir jaraaid oo uu ku qabtay shalay magaalada muqdisho waxa uu shaki galiyay fulitaanka qodobadii heshiiskii hore ee magaalada nakuru horay ugu dhexmaray raiisul wasaaraha dawlada kumeel gaarka xasan abshir farax iyo qaar kamid ah golaha SRRC markii uu kuhanjabay mawliid macaane in aynan kubiiri doonin golaha dawlada kumeel gaarka hadii aan lafulinin heshiiskii oo buuxa , meelna aan laisla dhigin qaybsiga baarlamaanka.

Mawliid macaane waxaa uu kadigay kudhawaaqida dhismaha dawlada cusub iyadoo aan laisla meel dhigin fulinta qodobada heshiiskii nakuru.

Madaxweyne Moi Waxaa Uu Ballan Ku Qaaday In Uu Tallabo Culus Ka Qaadi Doono Madaxda Waaxyaha Ku Guul Daraysta Isbedelada, Wuxuuna Si Gaar Ah U Tilmaamay Maamulada Gobollada Iyo Poliska Oo Uu Yiri Looguma Dul Qaadan Doono Dabacsanaanta.

iqrafm@bidii.com

Wararka Mombasa ee manta 11/2/2002

Tii ugu Horreysay Saddex Dayuuradaha Basaasnimada Ee Ciidamada Dalka Germany Ayaa Waxa La Filayaa In Ay yimaadaan Garoonka Caalamiga Ah Ee Moi Ee Magalada Mombasa Bishan February 25da.

Wargeyska East African Standard Oo Xiganayey Ilo Xog Ogaal Ah Oo Garoonka Ka Tirsan Waxa Uu Qoray Manta In Loo Sheegay Koox Khubaraada Saadka(Logistic) Oo Ciidamada Germany Ahi ay Kaloo kusoo Biireen Ay Joogaan Mombasa, Kuwaasoo Hubinaya Meesha Ugu Haboon Degidooda.

Afhayeenka Wasaaradda Difaaca Germany Oo Uu Soo Xigtay Wargeyska Die Welt Ayaa Hore U Sheegay In Germany Doonayso In Ay Mombasa Saldhig Uga Dhigtaan Dayuuradaheeda wax basaasa Si Ay Ula Socdaan Maraakiibta Maraysa Badweynta India

iqrafm@bidii.com

.Dhammaad.

RADIO IQRA


Warbixin: Keniyaay Maxaad Tahay
Warbixin dheer oo : Assad Caddaani kadiyaariyey guud ahaan Kenya iyo Soomaalida u soo qaxday Ka akhri halkan
» 636 oo Laguqabqabtay Hawlgalkii Booliska Nairobi
» Booliska Kenya oo Galay Xaafada Islii, Nairobi
» Xogwaran: Maxaa sababay Raafka Kenya
» Booliska Kenya oo Soomali Badan Raafay
» Dhibaatooyinka haysta Soomaalida Nairobi
» Baaqii garissa ee Cayrinta Qaxootiga
» DOODFURAN: Sidee Dadweynuhu u arkan Hawlgalka Booliska Kenya Taladaada.Dhiibo

FAAFIN: SOMALITALK.COM | Feb 11, 2002


Gabdhaha Soomaalida Minnesota oo Markale Waxbarashada kasoo hooyey Guulo
Warbin uu wargeyska Mankato kadiyaariyey gabar Soomaaliyeed oo guul kagaartay waxbarashada AKHRI.HALKAN Jan 12, 2002

djabouti eritrea ethiopia kenya somalia sudan uganda
Djibouti | Eritrea | Ethiopia | Kenya | Somalia | Sudan | Uganda
IGAD oo Isku Raacay in Bisha Maarso 2002 Shirweyne Soomaaliyeed Laguqabto Kenya
Khartoum, Sudan | Janaayo, 11, 2002

Warbixintii shirkii IGAD Ka akhri halkan


. SOMALIA AND WORLD NEWSPAPERS [ENGLISH.VERSION]
. Analysis: Somalia's powerbrokers [BBC.Peter Biles]
. Ethiopian Forces Withdraw From Somalia [AUDIO Listen VOA]
. Ethiopia troops leave Puntland TEXT [CNN]
. U.S. Attack Unlikely" Abdulkassim Salat Hassan
. Powell singles out Somalia - [washington Times]
. U.S. places little trust in Somali terror 'tips'
. Newsweek Interview: Hassan Abshir Farah PM of Somalia's TNG
. Pentagon denies report that US is preparing to bomb Somalia

FAAFIN: SOMALITALK.COM | 2002


MACLUUMAAD

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Kor/up
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
smalia flag
oau Ururka Midowga Africa
un Qaramada Midoobey
arab league Ururka Midowga Carabta
Taariikh kooban ee Soomaaliya GUJI..
DOOD FURAN
SOOMAALIYA 1800
1894 ayaa heshiiska loo yaqaab "Tripartite Accord" waxaa wada gaarey Ingiriiska [Great Britain], Talyaaniga [Italy], iyo Itoobiya [Ethiopia], kaas oo kusaabsanaa dhulka Soomaaliya. Talyaaniga waxaa lasiiyey dhulka soo eegaya badweynta Hindiya oo waagii dambe loo bixiyey Italian Somaliland. Heshiiskaasu wuxuu aqoonsaday in Mililikh [Menelik] uu qaato dhulka galbeed ee Soomaaliya ee loo yaqaan Ogaden.
DJABOUTI
isamil omar gelleh
Ismaaciil Cumar Geelle

ERITREA
Issais Afewerki
Issais Afewerki
ETHIOPIA
Meles Zenawi
Meles Zenawi

KENYA
Daniel Toroitich Arap Moi
Daniel Toroitich Arap Moi

SOOMAALIYA
abdulkasim salad hassan
CabdiQaasim Salaad xasan

SUDAN
Kofi Annan
Cumar Xassan al-Bashiir

UGANDA
Yoweri Kaguta Museveni
Yoweri Kaguta Museveni


Copyright © 2002 somalitalk.com. All rights reserved. Privacy


Saxaabada | Baro-HTML | Zakaat | Xajka | Sombeauty | Kids-Safety