Ciise Dhollawaa oo keenay Saddexdii gabdhood
Saacadu markay ahayd 8:45 fiidnimo (26/12/01) ee waqtiga Melbourne waxaa Airport-ka Tuullamarine International Airport ka soo degay Ciise Mohamud Faarax (dhollawaa) oo wada saddex gabdhood oo Somaaliyeed oo u Puntland uga soo qaaday si degdeg si caafimaadka wax loogaga qabto dalka Australia Magaalada Melbourne. Waxaa halkaas Ciise iyo carruurta ku soo dhoweeyey dadweyne aad u fara badan oo reer Melbouurne ah, kuwaas oo aad uga murugooday dhibta ka muuqata carruurtaas yaryar, khaasatan gabadha yar oo iyada oo aan waxba galabsan xabbadi jirkeeda u geysatay dhibaato aan laga sheekayn karin.
Ciise wuxuu magaalada Melbourne ka ambabaxay 14/12/01 ka dib markuu isku dubariday qaabkii lagu keeni lahaa gabdhahaan (Aisha Isse Mohamed, Faduma Arab Said iyo Saida Abdi Mohamed) oo muda 6 bilood ah macaamiladoodu socotay kana dhalatay socdaalkii dheera ee uu Ciise ku tegay Dawlad goboleedka Puntland, halkaas oo uu geeyey dad dhakhaatiira iyo dadka maamula hayáda carruurta gacan ku hayntooda yeellan doonta. Ciise oo intuu maqnaa badankeed safar ku jiray wuxuu sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay in carruurtani hesho daaweyn heer sarre ah, wuxuuna mahadnaq gaara u celiyey dadweynaha Soomaaliyeed iyo kuwa Islaamka ah sida biniaadanimada ah ee ay ugala qaybqaateen hawshaan in kastoo ay jireen shakhsiyaad Soomaaliyeed oo isku deyey inay hawshaan carqaladeeyaan (faahfaahinta arrintaan gadaal ayaan idin kala socodsiin doonaa).
Dadweynaha akhrista Somalitalk waxaan la socodsiin doonaa wixii ku soo kordha carruurtaan xaalladooda. Sawirada ugu dambeeyeyna waa soo diri doonaa.
Waxaa soo diray
Cumar Mohamud Faarax (dhollawaa)
dhollawaa@bigpond.com
Tel: 613 9376 5486
Fax: 041 988 1826
Ciise Dhollowaa iyo Saddex Gabdhood oo Qalliin Degdega u Baahan oo Kasoodegey Melbourne
Somalitalk Dec 27, 2001 - Waxaa xalay 26ka December ka soo degey gegida dayuuradaha ee magaalada
Melbourne, Ciise Maxamud Dhollowaa iyo sadex gabdhood oo yar yar ah oo uu ka soo
qaaday magaalada Bosaaso.
Gabdhhaasi waxay kala yihiin Sucaad Cabdiraxmaan oo ah gabadha afka xabadu kaga
dhacday, Caasho Ciise iyo Faadumo Carab oo labaduba u baahan in wadnaha laga
qalo labadaba. Caruurtaas asbuucan wey nasanayaan, asbuuca soo socda ayaana la
geynayaa cisbitaalka caruurta ee Royal Children Hospital ee magaalada Melbourne
oo ah cisbitaalka lagu qalyo.
Sida loo soo dhoweyey iyo warkan oo faahfaahsan gadaal ayaan idiinka soo
gudbindoonaa.
SomaliTalk | Dec 27, 2001
Updated: Dec 28, 2001
Safarkii Mucaawano Raadinta1 |
2