.


Home | Free Webs | Your Email | TellFriend | Search | Feedback | | Allah Is Great
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK NEWS
bisad1 Xuseen Bisad [photo: bbc UK]
Da': 27 jir
Dherer: 2.40792 mitir
Miisaan: 209.75 Kg
Kabaha: size 26, qiime
£600 
Deggan: London, UK
Kayimid: Qardho, Soomaaliya
bisad Hussain [7ft 9ins] iyo Sarah, [6ft 8ins] oo kukulmay London
sawirka: the SUN Newspaper

"After reading in The Sun yesterday about 7ft 9ins Hussain Bisad, 6ft 8ins Sarah Fowler was just longing to see him.
So we arranged a summit conference between her and 33st Hussain — and it soon looked like love was in the air." The SUN
bisad Hussain oo lataagan nin kamida dadka dhaadheer ee Ingiriiska oo lagumagcaabo
sawirka: the SUN Newspaper
bisad Xuseen, nin dadka dhaadheer ah iyo nin dadka gaagaaban ah
sawirka: the SUN Newspaper
bisad
Xuseen oo lataagaan laba carruur ah
sawirka: the TIMES UK

"Being so tall is hungry work. A main meal consists of about 5lb of pasta. If peckish, he snacks on half a loaf, two tins of baked beans and three tins of tuna. He has to drink three gallons of water a day to avoid dehydration." The Times UK
NINKA ADDUUNKA OO UGU DHEER OO NOQDAY SOOMAALI

SomaliTalk | Febraayo 19, 2002

Ninka aduunka ugu dheer ayaa lagusoo waramay in uu noqondoono nin Soomaali ah oo 27jir ah oo lagu magcaabo Xuseen Bisad.

Dhererka xuseen waa 7ft 9in (2.40792 mitir), taas oo uu inyar kadheeryahay ninka hadda dhererka aduunka haysta oo u dhashay dalka Tunisia oo lagu magcaabo Radhouane Charbib, dhererkiisuna uu yahay 7ft 8in.

Waxaa wararku muujiyeen in Xuseen Bisad uu hadda yahay ninka ugu dheer Soomaalida, laakiin si uu u qaato cinwaanka ninka ugu dheer dunida, looguna daro buuga looyaqaan Guinness Book Records ee lagu qoro waxyaabaha mucjisooyinka ah, waa in khubaro  cabirka kuxeeldheer arintaas cadeeyaan, waxaana lasheegay in bisha soo socota markale lacabiri doono.

Waxaa lagusoo waramay in Xuseen uu sheegay in weli uu dherer ku darsamayo, taas oo ay dhakhaatiirtu  walaac kamuujiyeen in hadii dhereku sii socdo ay u keeni doonto dhibaato caafimaad, taas oo lagula taliyey in uu dhakhaatiirta latashado.

Xuseen Bisad waxa uu hadda kunoolyahay dalka Ingiriiska, gaar ahaan woqooyiga magaalada London, xaafadda Neasden [eeg sawirka dhanka bidix], halkaas oo qaxootinimo kutegey bishii September, markaas oo uu kasoo kicitimay magaalada Qardho ee Soomaaliya, kadib markii ruuga ay katoogteen tuugo. Markaas oo uu gaari nooca looyaqaan Lorry u raacay dalka Itoobiya, kadibna halkaas diyaarad lagaga so qaaday, markaas oo laba kursi ay shaqaalihii diyaaradaasi u qoondeeyeen.

Sida ay ku warantay jariidada "The Times UK" waxaa hadda Xuseen loo ogolaaday in uu si rasmi ah u joogikaro dalka Ingiriiska.

Xuseen hadda shaqa mahaysto, laakiin waxaa taageera qaraabadiisa kunool dalka Ingiriiska, waxaana lasheegay in dhererka sariirta uu kuseexdaa ay tahay 9ft [2.743 mitir], kabaha uu xirto waxaa lagusoo sameeyaa dalka Thailand qiimohooduna waa £600, cabirka kabahaasina waa 26 [size 26].

Waxaa lasheegay in qoyskiisu aysan sidaas uwada dheerayn, xataa waxaa jirta gabar mataantiisa ah oo lagu magcaabo Khadra oo dhererkeedu yahay 5ft 5in [1.67 mitir], miisan ahaana aad ayey uga yar tahay miisaanka Xuseen oo ah 33 stone [209.75 Kg].

Sida ay ku warantahay jariidada "the SUN' caddadkeedii maanta (feb 19), gabar lagu magcaabo Sarah oo u dhalatay dalka ingiriiska ayaa markii ay qoraalka ninkaas ka aragtay jariidada aad u xiisaysay in ay la kulanto. sidaad daraadeed ayaa jariidadu Xuseen iyo Sarah u qabanqaabisay kulan dhexmara, taas ay ku kulmeen magaalada London. [Sawirka dhanka midig ka eeg Xuseen iyo Sarah oo dhexda ia haysta].

Sarah oo 32 jir ah waxa ay sheegtay in ay jeceshahay ragga dhaaddheer, taas oo xuseen uu halkaas kasoo dhalaalalay.

Sarah waxa ay jariidada 'the SUN UK' u sheegaty in "maadaama uu xuseen iyada siiyey Ubax, ilsa mar ahaantaana ay ahayd gabdhii u horeysey ee katirsan ururka dadka dhaadheer ee Ingiriiska, ay gabdha badan oo urukaas ka tirsani kamasayri doonaan arintaas".

Waxaana wargeysku intaas kudaray haddaa xiriirkooda jacayl ee Xuseen iyo Sarah uu horamar yeesho, waxay noqondoonaan qoyska ee ugu dheer dalka Ingiriiska, waa sida wargeysku u dhigaye.

Waxaa wararku sheegeen in xuseen uu ahaa ninka Soomaaliya ugu dheer ilaa sannadkii 1999 markaas oo uu dhererkiisu gaarey 7ft 7in, intii kadambeyseyna uu aad u dheeraaday.

Cuntada uu cuno waxaa lasheegay in ay kamid tahay 5lb [2.27 kg] oo baasto ah, waa cuntada dhexe ee maalintii.

Ninkii weligiis dunida ugu dheeraa, inta diiwaan gashan, waxaa lagu magcaabi jirey Robert Wadlow oo u dhashay dalka Maraykanka, waxaana dhererkiisu ahaa 8ft 11ins [2.47 mitir], ninkaasi waxa uu dhintay sanadkii 1940.  

Waxaa soo ururiyey Bahda SomaliTalk | Canada

Febraayo 19, 2002

Tixraac: the Times | The Sun | BBC UK | The Irish Examiner

 


SIIRADA RASUULKA: Tusmo | 1 | 2 | 3 | 4 | 5 | 6 | 7 | 8 | 9 | 10 | 11 | 12 | 13 | 14 | 15 | 16 | 17 | 18 | 19 | 20 | 21 | 22 | 23 | 24 | 25 | 26 | 27 | 28 | 29 | 30

SAXAABADII RASUULKA: Tusmo 1 | 2 | 3 | 4 | 5 | 6 | 7 | 8 | 9 | 10 | 11 | 12 | 13 | 14 | 15 | 16 | 17 | 18

SAKADA MAALKA: Tusmo | 1 | 2 | 3 | 4 | 5 | 6 | 7

 


Ma'Ogtahay in aad barnaamijka samaynta bog internet ah kabarankartid cinwaanka http://html.somalitalk.com , tijaabi maanta waa barashada HTML.

 

Macluumaad laxiriira cimilada iyo bilaha
weather.somalitalk.com

abadan Abdirisak Aden waa Soomaali haysta dhalasha Sweden oo kamida dadka lacagtooda la xanibay, sawirkaan qaaday AP Feb. 13, 2002 markaas oo waraysi [interview] lalayeelanayey.

Akhri qoraalkii hore ee cinwaankiisu ahaa "Muran-Sharciyeed Kadhashay Arin Laxiriirta Saddex Soomaalida Sweden ah" GUJI


»CAYDIID: Somali warlord's son vows to aid US war on terror
»US ARMYTIMIES: Somali warlord’s ties to Corps rundeep
»CAN: Parents charged in genital mutilation
»MPLS: Aspiring lawyer for Somali community
»REPORT: U.S. IDs Possible Terror Group
»KENYA: FMs From E A Meet Over Somali Peace
»NFD: Policy Sending Wrong Signals
»LAMU, KENYA: Photo of the Day
»TNG: Somalia Seeks Help to Fight Terror
»Juba Valley: Rival Somali Clans Kill at Least 6
»Nairobi: Allies Now Plan Battle On Mogadishu
»Bardhere: At Least 12 Killed in Bardhere Fighting
»ISRAACA: Petition to Prevent War on Somalia
»DIGNIIN: VIRUS CUSUB
»DOODFURAN: Aragtida Dadweynaha
»1422: PROVE THAT EID IS ON FEB 22, 2002


Powered by www.Somali
Talk.com
All About Somalia and More...
>> Kor/up
>> Usheeg Asxaabtaada


Copyright © 2002 somalitalk.com. All rights reserved. Privacy


Saxaabada | Baro-HTML | Zakaat | Xajka | Sombeauty | Kids-Safety