CAJALKA CUSUB EE UU
DUUBAY USAMA BIN LADEN
Cajalkii fiidiyowga ahaa ee uu Usama Bin Laden duubay, lagana soo daayay
markii ugu horeysay galabnimadii maanta (dec 27) Taleefishinka laga leeyahay dalka Qatar
ee Al-Jazeera ayaa beeniyay warar maalmahan la isla dhex marayay, kaasoo
sheegayay inuu dhintay wadaadka sida ba’an ay Mareekanku u raadinayaan ee la
yiraahdo Usama Bin Laden.
Madaxa tifaftiraha Kanaalka Al-Jazeera Ibrahim Hilaal ayaa wakaaladda wararka
maanta 27/12/2001 u sheegay in Kanaalka Al-jazeera uu soo gaaray cajalka labo
maalmood kahor, iyadoo uu ka yimid xagga dalka Pakistan, qofkii sidayna aan la
garanayn. Wuxuu Ibrahim Hilaal sheegay in sida cajalka loo duubay aynan
wanaagsanayn, taasoo u suurto gelin weysay in la duubo mar labaad.
Dhinaca kale, afhayeen u hadlay aqalka cad ee Mareekanka Scott McClellan ayaa
cajaladda ku tilmaamayinay tahay "borobogaando argagaxiso".
Cajalka oo 33 daqiiqadood soconayay, hase ahaatee loo badaniyo in la duubay 2
usbuuc kahor ayaa wuxuu Usama Bin Laden ku nuuxnuuxsaday wax uu ugu yeeray
naceybka gunta dheer ee galbeedka ay u maleegayaan guud ahaan muslimiinta,
wuxuuna isagoo arrinkaa ka hadlaya yiri:
CNN: Video |
TEXT
kadib saddex billood weeraradii barakeysnaa ee lagula dagaalamayay
kufriga caalamiga, dagaalkii lagaga soo horjeeday kufriga Mareekanka, wax u dhow
labo billood kadib weeraradii kirishtaanka ba’anaa ee lagu qaadayay Islaamka,
waxaa nala gudboonaaday inaan ka waranno qaar ka mid ah caddeymaha
dhacdooyinkaas. Waxay caddeeyeen dhacdooyinkaas arrimo dhowr ah oo muhiim ugu ah
muslimiinta, waxaa si cad u soo if-baxay in galbeedka guud ahaan, iyadoo
Mareekanku ugu horeeyo naceybka kirishtaanimo ee ay u hayaan Islaamka ee aan la
tilmaami karin".
CBC: TEXT
Wuxuu Usama Bin Laden tusaale u soo qaatay wax uu ugu magac daray "naceybka
aadka u gunta fog ee kirishtaanimo" ee mareekanka, wuxuuna yiri "naceybkaas
wuxuu sababay ciribtirka degmooyin say u dhan yihiin denbi la’aan, iyo barakac
dad gaaraya malaayiin", wuxuuna Usama intaa raaciyay "ma kuwa noocaas
baa dadka ugu yeeraya insaaninimo, ma kuwaas baa dadka ugu yeeraya xorriyad,
waxaan aragnay denbiyadooda dhab ahaaneed, insaanka waxaa ku filan iyadoo ay
disho firir madfaceed, mareekanka naceybka ay u qabeen Dhaliban iyo muslimiinta
ayaa wuxuu sababay in walaalaheen lagu soo rido madfac uu halkii mid culeyskiisu
dhan yahay 7 ton". Wuxuu kaloo yiri "Mareekanka haddey heysan
lahaayeen caddeymo dhab ah oo tusinaya in kuwii ka danbeeyay falkii qaraxyada ay
ka soo jeedaan Yurub, sida ciidamada Ayreshka oo kale, waxaa la heli lahaa
waddooyin fara badan oo lagu dhammeeyo mushkiladda, hase ahaatee markuu arrinku
noqday keliya malo ku wajahan dunida Islaamka waxaa soo if baxay naceybka
qurmoon ee dhabta ah, wuxuuna naceybkii kirishtaanimo si cad uga muuqday dunida
Islaamka."
Dhacdooyinkii 11-ka sibteembar ma ahan waxaan ka ahayn ka-jawaabid laga
jawaabayo dulmiga joogtada ah ee lagu hayo caruurteena Falastiin, Ciraaq,
Soomaaliya, koonfurta Sudan iyo meelo kale sida Kishmiir iyo Aasaam" ayuu
yiri Usama, isagoo intaa raaciyay "waxaa dadka la gudboon inay hurdada ka
toosaan, inay u kacaan siday u heli lahaayeen xal la xiriira musiibadan cabsida
gelisay guud ahaan dadka".
Bin Laden wuxuu soo qaatay qaraxii lala beegsaday safaaradda Mareekanka ee
Nayroobi, Kenya sannadkii 1998-kii, wuxuuna yiri "markii kuwii weeraray,
waxaan rajeynaynaa in loo aqbalo inay yihiin shuhado, markay dhalinyartii ay wax
ka yar 2 ton ay isku qarxiyeen Nayroobi, waxay mareekanku yiraahdeen "waa
argagaxiso, waa burbur weyn".
Usama Bin Laden oo markuu hadlayay xirnaa direeska milatertiga, dhinaciisa
bidixna ku tiirsanaa qoriga Kalashnikofka ayaa wuxuu tiriyay degmooyinkii la
baabi’iyay denbi la’aan, wuxuuna yiri " imisa degmooyin ayaa denbi la’aan
la burburiyay!, imisa..imisa.., haddaan tirino malaayiintii dad ee la
barakiciyay, kuwaasoo hoy u noqday teendhooyinkii laga taagay Pakistan iyadoo
wax denbi ah ayan gelin, keliya malo qura ayeey mareekanku ku qaadeen dagaal aad
u qaraar. Waxaan aragnay denbiyadooda dhab ahaaneed".
Wuxuu Usama intaa ku daray "waxaa soo baxay wasiirka
gaashaandhiga mareekanka oo leh dagaalkan waa waxaynu xaq ugu leenahay, ma waxay
xaq u leeyihiin inay ciribtiraan shucuub idilkeed?! Maalmo kahor waxay duqeeyeen
siday sheegteen goobo ay leeyihiin Al-qaacida meesha la yiraahdo Khuust, waxay
masjidka la beegsadeen madfac, waxayna yiraahdeen waxay u dhacday si qalad ah,
kadib markii arrintii loo kuurgalay waxaa caddaatay inay culumadii degganaa
degmada Khuusta ay waqtigaas tukanayeen
Jalaluddiin Xaqqaani
|
salaadda taraawiixda, waxayna lahaayeen
kulan salaadda taraawiixda kadib iyagoo kulanka uu goob joog ahaa geesiga
mujaahidka sheekha la yiraahdo Jalaluddiin Xaqqaani, kaasoo ka mid ahaa
mujaahidiintii horeysay ee la dagaalamay ciidamada Ruushka, sidoo kale diiday
inuu mareekanka qabsado Afghanistan, waxay duqeeyeen masjidkii iyadoo
muslimiintiina tukanaya, waxaana ku dhintay 150 qof xeelad iyo awood toona ma
lihin hadduusan Eebbe noo kaalmeyn, wuuna nabad gelay Sheekh Jalaluddiin waxaana
Eebbe ka rajeynayaa inuu barakeeyo cumrigiisa, waa kaas naceybkooda dhab
ahaaneed".
Wuu sii waday hadalkiisa oo wuxuu yiri "kani ayaa ah naceybkii gunta
dheeraa ee kirishtaanimo", isagoo digniin u jeediyay kuwa isaga ku sheegaya
inuu yahay argagaxiso, wuxuuna yiri "ha ku baraarugsanaadaan kuwa ku
celcelinaya hadallo aysan ogeyn ciribteeda danbe, kuwaasoo leh waxaan
cambaaraynaynaa argagaxisada", wuxuuna ku yiri kuwaas "innagu
argagaxisadeenu waxay ku wajahan tahay Mareekanka"isagoo dagaalkaasina ku
tilmaamay inuu yahay mid ay isaga dhicinayaan dulmiga, si mareekanka ay u
joojiyaan kaalmada ay siinayaan Israel oo uu yiri, waxay laayaan caruurteena.
"Mareekanka iyo in badan oo ka mid ah madaxda galbeedka waxay ku
celceliyaan in Xamaas iyo ururka Jihaad ee Falastiin iyo ururrada kale ee
dagaalama waxay ugu yeereen inay yihiin ururrada argagaxisada, hadduu noqday is-difaacii
argagaxiso, haddaba maxaa mashruuc ah?, is difaaceennu kama duwana dagaalka
walaalaheen ay ka wadaan Falastiin sida Xamaas, waxaan u dagaalamaynaa inay
kalimada towxiidku kor noqoto, kalimada gaaladana hoos noqoto, iyo inaan dulmiga
ka qaadno kuwa tabarta daran ee Falstiin iyo kuwo kaleba" ayuu yiri Usama,
wuxuuna ugu danbeyntii hadalkiisa ku soo gabagabeeyay gabay uu ku amaanayo
dhalinyartii ka danbeeyay qaraxyadii ka dhacay Mareekanka, kuwaasoo siduu
sheegay qaadeen wadiiqadii Nebi Muxammad (scw).
Mareekanka waxay Usama ku tuhmayaan inuu ka danbeeyay qaraxyadii ka dhacay
New York iyo Washington 11-kii sibteembar 2001, waxaana qaraxyadaas ku dhintay
kumanaan kun oo qof. Inkastoo mareekanku si aad leh u raadinayo Usama Bin Laden,
haddana ilaa iyo hadda gacantooda ma soo gelin, iyadoo ay weeraradii mareekanka
ee lagu qaaday Afghinasitan ay ku dhinteen kumanaan kun oo reer Afhanistan ah.
Dad khubaro ah oo indha-indheeya siyaasadda ayaa wel-wel ka muujiyay inay
cajaladdan Mareekanka fursad u siin karto inuu ku dhiirado weeraro lagu qaado dalal kale oo uu mareekanku ku tuhmayo inay
joogaan kuwo uu ugu magac daray inay yihiin "argagaxiso".
Waa markii saddexaad ee Kanaalka Al-jazeera sii daayo cajalad xanbaarsan
dhanbaal uu leeyahay wadaadka sida xad-dhaafka leh saxaafadaha magaciisa u
hadal hayso ee Usama Bin Laden. Markii ugu danbeysay ee cajalkiisa uu kanaalka
Al-jazeera sii daayo waxay ahayd bishii dhoweyd ee Nofeembar ee sannadka 2001.
11 qof ayaa kudhintay Dagaalkii xamar - Guji... Dec 27
Waxaa iskudubaridey: Ibrahim Salah
ibra88@hotmail.com
Odense, Denmark
December 28, 2001
|