DIGNIIN - VIRUS CUSUB
Waxaa dadweynaha looga digayaa Virus cusub oo ku baahaya Internetka, Viruskaas oo lagu magcaabo
VBS_NUMGAME.A. Wuxuu Viruskani soo raacaa emailka, taas oo uu buruburinayo barnaamijyada kambuyuutarka uu aafeeyo.
Sidee ku garanaysaa emailka cudurkaas xambaarsan?. Waa sidan:
Subject: Are you (Name) my valentine?
Message Body:
Hi (Name) my valentine, remember me? I ain't seen you in ages! Anyway, check-out
and play the attached guess-the-number-game to guess who I am. See you soon,
bye-bye!
Attachment: GuessGame.html or GuessGame.vbe
Hadii aad furtid faylka lifaaqa ah [Attachment] ee magaciisu yahay GuessGame.html ama GuessGame.vbe kambuyuutarkaaga markiiba waxaa aafaynaya cudurkaas, wuxuu masaxayaa faylal kujira c:\, wuxuuna markiiba email u dirayaa dhammaan inta qof ee kujirta buuga cinwanada ee kambuyuutarkaaga, kuwaas oo kambuyuutaradoodiina ay halis u yihiin cudurkaas.
Hadaba hafurin emailkaas ee markiiba masax, waa talo!!!!!.
Waa tan hoos ku qoran emailkii aan kahelay khubarada aqoonta u leh cudurada Computarada:
Febraayo 16, 2002 |
SOMALITALK.COM
Trend Micro Medium Risk Virus Alert: VBS_NUMGAME.A
Dear Trend Micro Customer:
VBS_NUMGAME.A is a VBScript worm that propagates via MAPI by sending itself to
every address listed in the infected user's address book. The email that this
worm arrives in, is as follows:
Subject: Are you (Name) my valentine?
Message Body:
Hi (Name) my valentine, remember me? I ain't seen you in ages! Anyway, check-out
and play the attached guess-the-number-game to guess who I am. See you soon,
bye-bye!
Attachment: GuessGame.html or GuessGame.vbe
Upon execution, this worm deletes several files and folders in the c:\ drive and
network drives. The worm also tries to engage the infected user in a
number-guessing game.
This worm is detected and cleaned by pattern file #228. You can get more
information regarding this worm from the Trend Micro Web site at:
http://www.antivirus.com/vinfo/virusencyclo/default5.asp?VName=VBS_NUMGAME.A
VIRUS YADII HORE...
MACLUUMAADKA
BILAHA IYO CIMILADA
Jadwalka Taariikhda Islaamka
Taariikhda sannadka Islaamku waxaa lagu tiriyaa bisha (ama dayaxa). Waxaana uu ka koobanyahay 12 bilood kuwaas oo bilwalba tiradeedu ay ku xirantahay dhalashada bisha. Badanaana sannadka islaamku wuxuu noqdaa 12 x 29.53=354.36 maalmood. Taas oo kadhigeysa sanndka Islaamka mid 11 maalmood katiroyar sannadka miiladiga ama taariikhda looyaqaan "Gregorian".
Sannaadka Islaamka waxaa sal u ah Aayadda Quraanka ee suurada "Al-Tawbah" ee macneheedu yahay "Tirada bilaha Eebe waa Laba iyo Toban kitaabka Eebe dhexdiisa tan iyo maalintuu abuuray samooyinka iyo dhulka, waxaana kamid ah afar xurmo (gaar) ah leh...." [9:36].
BILAHA SANNADKA ISLAAMKA
|
1. |
Muxarram |
7. |
Rajab |
2. |
Safar |
8. |
Shacban |
3. |
Rabi'c al-awwal |
9. |
Ramadan |
4. |
Rabi'c al-thani |
10. |
Shawwal |
5. |
Jumada al-awwal |
11. |
Dhu al-Qic'dah |
6. |
Jumada al-thani |
12. |
Dhu al-Hijjah |
|
Bilaha Islaamku waxay bilaabmaan marka bishu soo baxdo, taas oo ah in la arko bisha. [Eeg bogga muujinaya khariida bisha.
Xisaab ahaan bilaha Islaamka waxaa lagu qiyaasaa in ay kudhamaadaan 30 ama 29 maalmood.
Sannadka Islaamka oo loo yaqaan Hijra waxa uu bilaabmay markii Nebi Muxammad (scw) uu ka haajirey Maka oo u haajirey Madiina, taas oo ku beegnayd sannadkii 622 ee miilaadiga , qiyaastii [16 July C.E. 622].
Ma rabtaa in aad tirada carabiga u bedeshid Roomaan, ama tirada Roomaanka u bedeshid Carabi, Guji halkan
Qoraalkaan kala xiriir: html@somalitalk.com
SOURCE/ISHA: GUJI HALKAN
2001-10-27 | Updated: feb, 15, 2002
SOMALITALK.COM
Tixraac: al-islam. | webexhibits | moonsighting
|