S o m a l i T a l k . c o m
Online Community
MADAXWEYNAYAAL
Aadan Cabdullah Cusmaan
1 Jul 1960 - 10 Jun 1967
Cabdirashiid Cali Sharmaarke
10 Jun 1967 - 15 Oct 1969
Sheekh Mukhtar Maxammad Xuseen (Kusime)
15 Oct 1967 - 21 Oct 1969
Maxamad Siyaad Barre
21 Oct 1969 - 27 Jan 1991
Shirkii Jabuuti: Cali Mahdi Maxamad
29 Jan 1991 - ( 3 Jan 1997)
............
Cabdiqassim Salaad Xassan
27 Aug 2000 - Hadda
RA'IISULWASAARAYAAL
Maxamad Xaji Ibrahim Cigaal
26 Jun 1960 - 12 Jul 1960
Cabdirashiid Cali Sharmaarke
12 Jul 1960 - 14 Jun 1964
Cabdulrasaaq Xaji Xuseen
14 Jun 1964 - 15 Jul 1967
Maxamad Xaji Ibrahim Cigaal
15 Jul 1967 - 1 Nov 1969
Maxamad Siyaad Barre
1 Nov 1969 - Mar 1970
Maxamad Cali Samatar
1 Feb 1987 - 3 Sep 1990
Maxamad Xawaadle Madar
3 Sep 1990 - 24 Jan 1991
Cumar Carte Qaalib
24 Jan 1991 - 3 Jan 1997
...............
Cali Khaliif Galaydh
8 Oct 2000 - 28 Oct 2001
Xasan Abshir Faarax
12 Nov , 2001 - Hadda
XASAN ABSHIR FAARAX
Profile | CV
BOOSAASO, SOOMAALIYA
bosaso Eeg Sawirkan oo Weyn
Sawirkan wuxuu muujinayaa Boosaaso oo kamid meelaha ay maraan buuraha silsilada Golis Guji...
NAKURU, KENYA
Madaxweynaha Kenya Daniel Arap Moi, Hassan Abshir Farah (B) iyo Jama Ali Jama (M) oo maanta Dec 24 sawirkan lagaga qaaday iyagoo jooga nakuru Kenya
Akhri halkan

.Home | FreeWebsite | FreeEmail | TellFriends | Search | Feedback | Allah Is Great
w w w . s o m a l i t a l k . c o m

WARARKA OGAADEENYA
Warkii Radio Xoriyo : 28 December 2001

DHEGEYSI: Dhegeyso Warka Radio Xoriyo

Shacbiga Ogaadeenya oo ku Hanweyn in ay soo Afjaraan Gumeysiga Itoobiya 2001

Wariyaha Raadiyo Xoriyo ooga soo warama Xarunta Dhexe ee Jwxo, ayaa soo Ku sheegay Warbixino uu ka soo ururiyey Dhamaan Wariyayaasha Radio Xoriyo ooga soo warama Dareenka Shacbiga Soomaalida Ogaadeenya ee ku saabsan Rabitaanka Xoriyadooda.

Shacbiga Soomaalida Ogaadeenya oo la dhacdsan Guulaha Kama Danbaysta ah eey Jwxo, Gaadhsiisay Halgankooda ayaa taasi waxay Rajo Galisay in ay Gaadhi karaan Sanadka 2002 da haddii xawliga Halganku uu sidaas ku sii socdo, Haddii aan Halganka la gaadhsiinin Meel u dhow Guushii Kama Danbaysta ahayd oo ah Calan laga sudho Ciida Ogaadeenya.

Dawladda Itoobiya oo Sii Taag Daraanaysa

Wariyaha wareega ee Raadiyo Xoriyo Qamaan Xirsi oo Xog Uruurin inoogu Jooga Adis-Ababa ayaa inoo soo diray Dhambaal Xambaarsan Kaligii Taliye Males Zinaawi oo ay Falaadho badani ku soo maqan yihiin isagoo Laacaya meelo kale si uu Caalamka isugu tuso Dawlad Xooga badan, Waxaana oogu horaysiinaynaa Afhayeenkii Dawladda Itoobiya oo is Casishay.

AFHAYEENKA DOWLADA ITOOBIYA OO IS CASISHAY

Wararka naga soo gaadhaya xafiiska Ra'isul wasaaraha Itoobiya Melez Zenaawi ayaa sheegaya in Haweeneeyda Afhayeen uu aheeyd dowladda in ay is casishay. Solome Tadesse oo Af-Hayeen laga dhigay 1998 marka ay Itoobiya weerar ku qaaday Eritrea ayaa wararku sheegayaan in si lama filaan ah ay isku casishay. Wararka waxay intaas ku darayaan in jagada Afhayeenka dowladda la bab'iyay oo lagu badalay Afhayeenka Wasaarada Arrimaha dibbeda. Taas oo ah jago cusub oo hada la sameeyay.

Afhayeenka wasaarada arrimaha dibbeda waxaa laga dhigay, Dina Muftu oo ka shaqeyn jirtay safaarada Itoobiya ee Washington. Dina Muftu waxay qaabishaneed la xidhiidka saxaafada ee Washington.

DIYAARADA ETHIOPIAN AIRLINES OO JOOJISAY SAFARADA AY KU TAGI JIRTAY MAGAALADA MAQALE IYADOO LA FILAYO IN UU DAGAAL DIB UU SOO BILOWDO

Wararka naga soo gaadhayo ETHIOPIAN AIRLINES ayaa sheegayo in socdaalka caadiga ee Addis Ababa ilaa Maqale la joojiyay iyado oo laga wal walsan yahay in uu dagaal cusub ka dhex dilaaco Itoobiya iyo Eritrea. Wararka waxay sheegayaan in ay itoobiya ku jirto diyar garow ay rabto in ay weerar ku qaado Eritrea hadii uu maxkamada aduunka oo xaroontiisa yahay magaalada Hague uu gar siiyo Eritrea dagaalka labada dal dhex maray oo uu xadka labada dal uu calameeyo si Eritrea guul oogu noqoto. Wararka waxay sheegayaan in ay Itoobiya dareesantahay in marka xaqiiqada la eegay in maxkamada aduunka ay Eritrea gar siin doonto taas oo noqon doonto mid Eritrea loo aqoonsada in ay leedahay dhamaan dhulalka ay laba dal isku haystaan.

Hadaba sida laga taxadiro diyaaradaha ciidamada cirka ee Eritrea ayaa la joojiyay socdaalka ETHIOPIAN AIRLINES uu dhaxeeyay Addis Ababa iyo Maqale.

LABA GENERAAL CIIDANKA ITOOBIYA OO GABIAHAANBA LAGA SAARAY CIIDAMADA ITOOBIYA.

Generaal Tsadkan Gebretensae iyo Major Generaal Maj-Gen Abebe Teklehaimanot oo kala ahaa taliyihii hore ee ciidamada qalabka sida ee itoobiya iyo taliyihii hore ee ciidamada cirka ee Itoobiya ayaa gabi ahaanba lagu dhawaaqay in ay ka fadhiisteen ciidamada itoobiya. sidaan la socodno labadaas generaal waxaa jagoyinkooda laga qaaday ka dib kala jabkii TPLF iyo khilaafka ka yimid iyado uu Zenaawi ku dhaqaaqay in uu jagoyinka ka qaado sarakiisha sar sare ee ciidamada uu ka shakisanaa.

wararka naga soo gaadhayo wasaarada Gashandhiga ee itoobiya ayaa sheegayo in Generaal Abebe Teklehaimanot iyo Generaal Tsadkan Gebretensae laga mamnucay laga bilaabo Dec 20 in ay soo galaan wasaarada gaashandhiga ama cagta soo galiyaan xero military oo dhan. wargeyka THE REPORTER oo ka soo baxa Addis Ababa ayaa sheegay in Generaal Tsadkan Gebretensae uu ahaa Generaalkii abaanduule uu ahaa ciidamada itoobiya marka ay kula jirtay dagaal dalka Eritrea.

Dadka siyaasada indha indheeyaa ayaa shegayo in uu Zenaawi ka shakiyay in uu Generaal Tsadkan Gebretensae oo ka dib dagaalka eritrea ka haystay ciidamada itoobiya tageero balaaran, in uu isku dayayo in uu inqalaabo Melez Zenaawi. Waxaa sidoo kale sheegayaan dadka siyaasada indha indheeyo in Generaal Abebe Teklehaimanot uu isagana kala noqday Zenaawi kalsoonida uu ku qabay ka dib marka uu Generaalka dareemay in uu Zenaawi wadin danta dalka itoobiya.

Warar aan la xaqijin karin ayaa sheegayo in labadaa Generaal laga mamnuucay in ay ka baxaan guryahooda iyaga oo ciidaanka gaarka ee Melez Zenaawi lagu wareejiyay guryahooda Addis Ababa.

Qamaan Xirsi
Radio Xoriyo, Adis-Ababa

Wariyaha Wareega ee Radio Xoriyo ooga soo warama Soomaaliya Ahmed Yare Calasow ayaa inoo soo diray Dhambaal Xambaarsan Dadka Soomaliyeed oo aad oogu faraxsan Heshiiska ay Gaadheen Dawladda Ku Meel Gaadhka ah ee Soomaliyeed iyo Kooxaha ka soo hor Jeeda.

Dadka Soomaaliyeed oo ku jiray 10 sano oo uu ka dhex socday Degaalkii Sokeeye kaas ooy ka dhaxleen Barakac ay ka Barakaceen Guryahoodii kaas ooy u kala firdhadeen Dhamaan Dunida oo idil.Kuwii Dibadaha Fursad ay ku aadaan helay oo ku jira hoy laáan ayna marna soo aadi karin iyo Kuwii Wali ku sii noolaa Hoygii Soomaaliyeed oo Naxdin Joogto ah ku nool ayaa dhamaan ka daalan Dagaalkan sokeeye een dhamaadka lahayn.

Hadaba dadka Wadaniyiinta ah oo waligood aaminsanaa in ay mar uu soo noqon doonto Wadaniyaddii Soomaaliyeed si marka dadka soomaaliyeed ay Dawlad dhistaan u u aadaan Dhamaystirka Shaqooyinkii u dhimaan ayaa aad oogu farxad san Heshiiskan ay Gaadheen Dhamaan Kooxihii ka hor jeeday Dawladda Soomaliyeed iyo Dawladdu.

Cid kasta oo ka maqan Heshiiskan ayaa loo arkaa Talaal ay Itoobiya ku dhex Talaalatay Dadka Soomaaliyeed iyadoo dadka Soomaaliyeed uu Qofku ka Gubto marka uu Itoobiya Salka la galo, Kuwa aaminsan in ay Itoobiya Xoog ku saari karto Kursiga Madaxweynanimaddana ay yihiin kuwo Khalad iska dhaadhiciyey.

Ahmed-yare Calasoow
Radio Xoriyo, Muqdisho Soomaliya.

Abdi Madaale
Radio Xoriyo, 28 December 2001
Radioriyo@ogaden.com

Warkii Caawa waa naga intaas, Eegana ku soo dhawaada Googoos ka hadlaya faragalinta ay Itoobiya ku hayso Dalka Soomaaliyeed iyo Kooxaha Gacan Saarka la leh ee Sunta ka soo qaata Godey iyo Kooxda Ogaal oo Maqal ah.Mahadsanidin.
Dhegeyso Goosgooska oo Cod ah


WARARKA OGADEENYA:

DHEGEYSI: Dhegeyso Warka Radio Xoriyo


AFEEF: Afkaarta qoraalkaan waxaa leh gaarna ay u tahay Radio Xoriyo, kana tarjumimaayo aragtida SomaliTalk



Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
Usheeg Asxaabtaada | Talo Bixin



Copyright © 2001 somalitalk.com. All rights reserved. Privacy


Saxaabada | Baro-HTML | Zakaat | Xajka | BilicdaSom | Kids-Safety