S o m a l i T a l k . c o m
Online Community
KHARTOUM, SUDAN
Shirkii IGAD oo laqabtay Jan 10 - Jan 11, 2002 wuxuu isku raacay in Bisha Maarso 2002 Shir-Weyne Soomaaliyeed laguqabto Kenya GUJI...
WISDOM OF THE WEEK
For every human problem there is a solution that is simple, neat, and wrong. Click Here
IDAACADA IQRA
iqra Warbixin Ku Saabsan Idaacada IQRA FM - Nairobi Kenya GUJI...
BOOSAASO, SOOMAALIYA
bosaso Eeg Sawirkan oo Weyn
Sawirkan wuxuu muujinayaa Boosaaso oo kamid meelaha ay maraan buuraha silsilada Golis Guji...
MADAXWEYNAYAAL
Aadan Cabdullah Cusmaan
1 Jul 1960 - 10 Jun 1967
Cabdirashiid Cali Sharmaarke
10 Jun 1967 - 15 Oct 1969
Sheekh Mukhtar Maxammad Xuseen (Kusime)
15 Oct 1967 - 21 Oct 1969
Maxamad Siyaad Barre
21 Oct 1969 - 27 Jan 1991
Shirkii Jabuuti: Cali Mahdi Maxamad
29 Jan 1991 - ( 3 Jan 1997)
............
Cabdiqassim Salaad Xassan
27 Aug 2000 - Hadda
RA'IISULWASAARAYAAL
Maxamad Xaji Ibrahim Cigaal
26 Jun 1960 - 12 Jul 1960
Cabdirashiid Cali Sharmaarke
12 Jul 1960 - 14 Jun 1964
Cabdulrasaaq Xaji Xuseen
14 Jun 1964 - 15 Jul 1967
Maxamad Xaji Ibrahim Cigaal
15 Jul 1967 - 1 Nov 1969
Maxamad Siyaad Barre
1 Nov 1969 - Mar 1970
Maxamad Cali Samatar
1 Feb 1987 - 3 Sep 1990
Maxamad Xawaadle Madar
3 Sep 1990 - 24 Jan 1991
Cumar Carte Qaalib
24 Jan 1991 - 3 Jan 1997
...............
Cali Khaliif Galaydh
8 Oct 2000 - 28 Oct 2001
Xasan Abshir Faarax
12 Nov , 2001 - Hadda
XASAN ABSHIR FAARAX
Profile | CV

.Home | FreeWebsite | FreeEmail | TellFriends | Search | Feedback | Allah Is Great
w w w . s o m a l i t a l k . c o m

WARARKA OGAADEENYA
DHEGEYSI: Dhegeyso Warka Radio Xoriyo

Wararka Ogaadeenya

Warkii Radio Xoriyo : 11 Jan, 2002

Jahbahda Wadaniga Xoreynta Ogaadeenya-Jwxo, iyo Jabhadda Xoreynta Oromia -Jxo, oo War Murtiyeed Soo Wada Saaray 07 Jan,2002

War Murtiyeed ay soo wada saareen Jabhadaha Bahwadaagta ah ee Jabhadda Wadaniga Xoreynta Ogaadeenya iyo Jabhadda Xoreynta Oramiya 07 Jan, 2002 ayaa lagu bayaamiyey Arimahan soo socda.

Markii ay Itoobiya ka buruburtay Dawladii Dhargiga ee uu Madaxda ka haa Col.Mengitstu Haile Mariam Sanadkii 1991kii eey Awooda wadanka Itoobiya Qabteen Jabhadaha TPLF/EPRDF rajo wanaagsan ayey qabeen dhamaan Shucuubta Dulmanaa ee Soomalida Ogaadeenya iyo Oromiya kuwaas oo markii hore soo dhaweeyey Isbedelkaas kadib markii ay ka qayb qaateen Shirkii Charter ka Itoobiya ee Sanadkii 1991kii kaas oo ay ku doonayeen in si nabad galiyo ah ay ku helaan Xuquudooda taas oo ah ilaa iyo Heer Gu´taan.Sharcigaas ooy Xaataa Tigreegu markii hore ku dareen Dastuurka loo Codeeyey ee Itoobiya ooy iyaga laftoodu ogolaadeen hadana ay diideen markii ay ka baxeen iyagu waxay sixiixeen ooy noqdeen kuwii dumiyey Balantii Shucuubta Qoomiyadaha Kala Duwan ee Itoobiya Gumeysato iyo kuwa kale ee Itoobiya u dhashayba.

Waxaa xaqiiqo ah in Xukumadda Itoobiya hadda ka talisa eey Tigreegu hogaamiyaan ay tahay mid xaqiiqada ka fog taas oo ku baaqday wax ayna diyaar u ahay siina fogeeyey Xalkii Guud ahaan Itoobiya iyadoo ku kacday Xaalado badan oo dhamaantood ka horjeeda Ixtiraamka Xuquuqda Baniaaadamka horseedayana Burbur iyo Degaal Guud ahaan Gobalka.

Qalalaasihii Siyaasadeed ee u dhaxeeyey Xisbiga Talada Itoobiya haya ee TPLF tu wali wuu socda wuxuuna gaadhsiisan yahay meel aad u fog, Ciidanka Qalabka sida ee Itoobiyana waxaa ka dhex jira Kacdoono xoog badan kuwaas oo Qotadoodu ay aad u dheer tahay.Iyadoo uu Raiisul Wasaaraha Itoobiyana soo Baxay Kaligii Taliye aan lala wadaagi karin wax walba taas oo uu dhanka kalena iska dhigayo nin Dimoqraadi ah isagoo been ka dhaadhicinaya Beesha Caalamka.

Dhanka Kale Ciidankii Gumeysiga Itoobiya Xaalada Adag ee uu Marayo iyo Jaahwareerka ku dhacay waxaa lagu garan karaa in ugu yaraan ay Bishiiba 425 ay u gasho wadamada Dariska la ah Itoobiya laga bilaabo bishii Juun ee sanadkii 2001 taas oo tusaysa oo qudha dhanka Soomaaliya.Sidoo kale Ciidanka Gumeysiga Itoobiya oo ah mid aad u Itaal daran oo Waliba u Mooraal xun ayaad moodaa in ay ku kacaan Xaalado Qalfsan ooy Boob iyo Bililiqo kula kacaan Shucuubta ay Gumeystaan ee Soomaalida Ogaadeenya iyo Oromiya iyagoo dhaca Xoolaha,Badeecooyinka iyo Wax kasta ooy arkaan.

Marka ay Itoobiya ku biirayso Xoogaga ladagaalanka Argagixisada Caalamiga ah iyadooy ujeedadeedu tahay in ay ku Cimri dheeraysato ooy Qalab Milatari ooy kula Dagaalanto Jabahadda ONLF iyo OLF uga hesho dawlada Maraykanka waa mid Cad oo lawada Ogsoon yaha.ONLF iyo OLF na waa Jabhado Xaq u dirir ah oon Shaqo ku lahayn wax Argagixiso ah.Itoobiyana ay horay oogu wayday awood ay ku buruburiso.

Waa la ogyahay Argagixisada Caalamiga ah iyo Dawladda Argagixisada ah labadaba.Itoobiya waxay argagixiso Joogto ah ku haysaa Dhamaan Shuucbta ay Gumeysato iyo Shacbigeedaba.Waxaa kale ooy Argagixiso ku haysaa Dadyaw badan iyadoo Disha,Dhacda,Xabaasha, oo Waliba Qarisa Shacbiga Soomaaliyda Ogaadeenya iyo Midka Oromadaba.Sidoo kale waxaa u xidhan Kuwo aan waxba Galbsanin oo kumanyaal kor u dhaafaya oo argagax la galiyey.

Arinta aad loogu farxo ee mahada lehi waa la dagaalanka Dawladaha Argagixisada ah kuwaas oo loo bahaahan yahay in lagu daro Itoobiya.Dawlada Maraykanka iyo Bahwadaagteeda Caalamiga ah oo Balan ku qaaday in ay la dagaalanto Argagixisada Caalamiga ah waxaa loo baahan yahay in ay liiska argagixisada Caalamiga ah ku darsato Itoobiya oo ah dawlad argagixiso taas oo ah Kansarka kaliya ee ka jira Geeska Afrika marka meesha laga saarona ay Beelaha Geeska Afrika ku wada noolaanayaa Nabad iyo Degenaansho.

Baaq
Ururada ONLF iyo OLF waxay ugu baaqayaan Dhamaan Beesha Caalamka in ayna indhahooda ka qarsanin Dawladan Argagixisada ah ee Argagaxa ku haysa Shucuubta ay Gumeysato eey Dulmiga ku haysato aynana sii taageerin Dulmiga uu Males Zinaawi ku hayo shucuubtaas ayna ka fiirsadaan taageerada ay siiyaan Itoobiya eey Horumaninta ugu tala Galaan.

Cambaarayn
Ururuada ONLF iyo OLF waxay Cambaarynayaan Dawladda Argagixisada ah ee Itoobiya ka talisa ee uu Madaxda ka yahay Kaligii Taliye Males Zinaawi ee Argagaxa ku haysa Shucuubta ay Dulmido iyo Dhamaan wixii argagax ku ah Nabadgeliyadda Caalaka oo idil iyo Mucaawimada ay Beesha Caalamku ugu deeqdo Shacbiga Itoobiya oo loo leexiyo dhanka Milataliga.

Jahbadda Wadaniga Xorieyna Ogaadeenya (ONLF) iyo Jahbada Xoreynga Orimiya (OLF)

Wariyaha Raadiyo Xoriyo ooga soo warama Wadanka Noorway ayaa soo sheegay shir aan Caadi ahayn ooy isugu yimaadeen Xubnaha Jaaliyadda iyo Unuga Jwxo,ee Wadankaasi Norway intii u dhaxaysay 30-31 December 2001 kaas ooy ujeedadiisu ahayd Qodobadan soo socda.

1-Kicinta iyo Abaabulka Xubnaha Jaaliyadda iyo Unuga Jwxo, ee Wadankaas noorway.

2-Kor u qaadida Wacyigga Bulsho weynta Ogaadeenya ee Wadankaasi norway.

3-Dib u eegida Dhibaatooyinkii uu Gumeysiga Itoobiya Xukumada ka talisa ee EPRDF tu u geystay Shacbiga Ogaadeenya.

4-Ka qaadashada Kaalin muuqata haddii ayna noqonin mida ugu horaysa ee Jaaliyaadka Halganka Shacbiga Soomaliyad Ogaadeenya.

5-Isku Xidhida Xubnaha Jaaliyada Ogaadeenya ee Norway 6-Iyo u diyaar Garaowga iyo Qabashada Shir Sanadeedkii Jaaliyaadka Ogaadeenya ee Dibada ee Sanadka 2002.

Hadaba si aan faahfaahin ooga helo waxaan waraysi kala yeelanay arintaas Mohamed Rahsiid SH.Abdi Xukun oo ah Gudoomiye ku Xigeenka Maamulka Jaaliyada iyo Unuga Jwxo, ee Norway.Waxaana Hadaladiisii ka mid ahaa. Iyagoo Maqal ah.

Warkii caawa waa naga intaas.

Abdi Madaale
Radio Xoriyo, 11 Jan,2002
radioxoriyo@ogaden.com

Eeggana waa Kooxdii Ogaal ee Jwxo, oo inoo sii wada Googooskii loo bogay oon idiinku badalay Faaladii warka.Mahadsanidin.
Dhegeyso Goosgooska oo Cod ah


WARARKA OGADEENYA:
January.8.2002 | January.4.2002 | December.28.2001 | December.21.2001 | December.18.2001 | December.14.2001 | December.11.2001 | December.7.2001 | December.4.2001 | November.30.2001 | November.27.2001 | November.23.2001

DHEGEYSI: Dhegeyso Warka Radio Xoriyo


AFEEF: Afkaarta qoraalkaan waxaa leh gaarna ay u tahay Radio Xoriyo, kana tarjumimaayo aragtida SomaliTalk



Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
Usheeg Asxaabtaada | Talo Bixin



Copyright © 2001 somalitalk.com. All rights reserved. Privacy


Saxaabada | Baro-HTML | Zakaat | Xajka | BilicdaSom | Kids-Safety