S o m a l i T a l k . c o m
Online Community
MADAXWEYNAYAAL
Aadan Cabdullah Cusmaan
1 Jul 1960 - 10 Jun 1967
Cabdirashiid Cali Sharmaarke
10 Jun 1967 - 15 Oct 1969
Sheekh Mukhtar Maxammad Xuseen (Kusime)
15 Oct 1967 - 21 Oct 1969
Maxamad Siyaad Barre
21 Oct 1969 - 27 Jan 1991
Shirkii Jabuuti: Cali Mahdi Maxamad
29 Jan 1991 - ( 3 Jan 1997)
............
Cabdiqassim Salaad Xassan
27 Aug 2000 - Hadda
RA'IISULWASAARAYAAL
Maxamad Xaji Ibrahim Cigaal
26 Jun 1960 - 12 Jul 1960
Cabdirashiid Cali Sharmaarke
12 Jul 1960 - 14 Jun 1964
Cabdulrasaaq Xaji Xuseen
14 Jun 1964 - 15 Jul 1967
Maxamad Xaji Ibrahim Cigaal
15 Jul 1967 - 1 Nov 1969
Maxamad Siyaad Barre
1 Nov 1969 - Mar 1970
Maxamad Cali Samatar
1 Feb 1987 - 3 Sep 1990
Maxamad Xawaadle Madar
3 Sep 1990 - 24 Jan 1991
Cumar Carte Qaalib
24 Jan 1991 - 3 Jan 1997
...............
Cali Khaliif Galaydh
8 Oct 2000 - 28 Oct 2001
Xasan Abshir Faarax
12 Nov , 2001 - Hadda
XASAN ABSHIR FAARAX
Profile | CV
BOOSAASO, SOOMAALIYA
bosaso Eeg Sawirkan oo Weyn
Sawirkan wuxuu muujinayaa Boosaaso oo kamid meelaha ay maraan buuraha silsilada Golis Guji...
NAKURU, KENYA
Madaxweynaha Kenya Daniel Arap Moi, Hassan Abshir Farah (B) iyo Jama Ali Jama (M) oo maanta Dec 24 sawirkan lagaga qaaday iyagoo jooga nakuru Kenya
Akhri halkan

.Home | FreeWebsite | FreeEmail | TellFriends | Search | Feedback | Allah Is Great
w w w . s o m a l i t a l k . c o m

WARARKA OGAADEENYA
Warkii Radio Xoriyo : 08 Jan, 20020

DHEGEYSI: Dhegeyso Warka Radio Xoriyo

Shacbiga Soomaalidda Ogaadeenya oo ku faraxsan Guulaha ay ka gaadheen dhinacyo Badan oo Halgankooda Khuseeya

Wariyayaasha Raadiyo Xoriyo ooga soo warama dhamaan Caalamka ayaa soo sheegay Shacbiga Soomaalidda Ogaadeenya iyo Midka Wadaniyadda Soomaalinimaddu ay ku dheer tahay ee Soomaaliyeed oo aad oola dhacsan Guulaha u soo hoyday Sanadka 2000-2001 Halganka Shacbiga.

Ogaadeenya oo Halganka hadda ka socda uu yahay midkii 100 sano ka hor ka bilowday Dhamaan Geyiga Soomaliyeed kadib markii uu Gumysigu soo dhigay Cagaha ayaa Talaabooyinka Wax ku oolka ah ee uu Halganku gaadhay labadii sano ee ugu danbaysay aad oogu faraxsan taas oo rajo galiysay ah in haddii uu Xawligu sidaas ku sii socdo ay soo af Jari doonaan Gumeysiga Itoobiya iyo Xooga uu ku Haysto Dhulka Soomaaliyeed.

Guulahaas oo aad u fara badan waxaan ka soo qaadanaynaa kuwan soo socda

1-Ka Bixinta Shacbiga Ogaadeenya Cabudhiskii Saxaafadeed eey Itoobiya ku haysay oo shaaca laga qaaday Kadib markii Radio Xoriyo ay Hawada Gashay eey Awood u yeelatay in ay soo tabiso dhacdo kasta oo loo geysto Shacbiga Dulman.

2-Isku Xidhida Shacbiga Soomalidda Ogaadeenya ee Gude iyo Diba iyo Xidhiidhinta Dhacdo kasta oo la xidhiidha mid walba.

3-Fashilinta Siyaasadda Gumeysiga Itoobiya ee ku aadan sii haysashadda Shacbiga Soomaaliyeed eey Xabashidu Gumeysato.

4-Ka Oogida Halganka Shacbiga 5 Qaaradood ee Dunida iyo fulinta Barnaamij Midaysan.

5-Fahansiinta Siyaasadda Dhabta ah ee Itoobiya ay ka leedahay Dadka Soomaaliyeed iyo Danaha Dhul Balaadhsiga ay ka leedahay Soomaaliya.

6-Dib u soo Celinta Kalsoonidda Dadka Soomaaliyeed dhanka Qadiyadda Shacbiga Soomalidda Ogaadeenya iyo Kuwo kale oon dib ka faahfaahin doono Barnaamijyadda Radio Xoriyo ee soo socda.

SHIRAR QARSOODI OO AY QABTEEN MUCARAD UU DHASHAY QOWMIYADDA TIGREE EE ITOOBIYA

Wariyaha Wareega ee Raadiyo Xoriyo Qamaan Xirsi oo Xog uruurin inoogu Jooga Adis-Ababa ayaa inoo soo diray Dhambaal Xambaarsan Kaligii Taliye Males Zinaawi oo Dhidibadda Loo Aasay Dhurbaaxadii oogu weynayd ee Beerka Goyn lahayd.

Wararka naga soo gaadhaya magaalada maqale oo ah caasimada gobolkaasi tigree ayaa sheegayo in shirar qarsoodi oo ay ka soo qeyb galeen xubno ka tirsanaan jiray ururka TPLF lakiinsee ka baxay ama laga fadhiisiyay ururka ka dib xidhka wasiirkii hore ee gaashandhiga itoobiya Siye Abraha ay bilaabatay Dec 20 socotayna ilaa Dec 24.

Wararka waxay intaas ku darayaan in sarakiil ka tirsan ciidanka Itoobiya oo uu dhashay qowmiyadda tigree ay ka qeyb galeen shirkaas. Waxaa kale oo shirarkaas ka qeyb galay qaar ka mid asaasa yeesha ururka TPLF. Dhamaan dadka shirarkaas ka qeyb galay waxay ooga qeyb galeen qaab qarsoodi ah, shirkana waxaa lagu qabtay goobo qarsoodi ah oo malin walba is badalay. Wararka waxay sheegayaan in xubno badan ee ururka TPLF oo ah shaqaalo dowladeed ay si lama filaan ah codsadeen fasax wakhtiga shirka socday taas oo loo maleeyo in ay oogu tala galeen in ay shirkaas ka qeyb galaan.

Wararka waxay sheegayaan in ka qeybgalayeesha shirka ay wada mujiyeen in Melez Zenaawi uusan wadin danta qowmiyadda uu ka dhashay uu lakiinsee uu soo jiiday dhibaato fara badan. Qaar ka mid ah xubnihii shirkaa ka qeyb galay waxay ka careeysnayeen Go'aanka dhowaan lagu gaari doono magaalada Hague oo ah saldhiga maxkamada aduunkaa oo bisha Feburary ku dhawaaqi doono xuduudka Itoobiya iyo Eritrea uu dhaxeeyn doono wixi wakhtigaas ka dib sida lagu heshiisay marka ay labada dal saxiixeen xabad joojin. Xubnaha arintaas ka walacsan waxay ku hadlayeen hadalo oo muujinayo in ay aminsanyihiin in uu Zenaawi ku khaldanaa in uu dagalkaa joojiyo.

Inkasto ay xubnaha ka qeyb galay shirarkaas ay ku kala duwanayeen aragtidooda dhinaca eritrea, waxay dhamaan isku raacsanayeen in ay khasab tahay in Zenaawi la inqalaabo. Hadaba Zenaawi oo ka wal walsan arintaa ayaa magaaladan Maqale ka bilaabay xidh xidh balaaran. Waxuu kale ciidamada ka fadhiisiyay laba Generaal oo la kala yidhaahdo General Tsadkan Gebretensae iyo General Abebe Teklehaimanot. labadaas generaal waxay kala ahayaan jireen taliiyaha guud ee ciidamada itoobiya iyo taliyaha ciidamada cirka ee itoobiya. Hadaba si aysan khatar oogu noqonin, jagada uu bilooyin ka hor ka qaaday ku ma filnaanin ee waxuu zenaawi ku dhawaaqay in ay labadaas General laga bilaabo Dec 17 si khasab ah galeen PENSION ama laga fadhiisiyay ciidamada.

AFHAYEENKII HORE MELEZ ZENAAWI OO LA LA'YAHAY

Afhayeenkii hore ee dowladda Itoobiya Salome Taddesse ayaa la'yahay ka dib marka ay iska casishay jagadii ay haysay. Salome Taddesse waxay aheeyn gabadh afdheer oo cadreka TPLFdu jeclayeen. Hadaba Salome ka dib marka ay go'aansatay in aysan dib dambe uu hadli karin Zenaawi ka dib marka ay siyasadiisa ka soo hor jeedsatay ayaa dhowr cisho ka dib maalintii ay is casishay la la'yahay. Waxaa su'aal ah Maxaa laga wal walsan yahay in ay Salome Tadesse sheegto. Wararka qarkood waxay sheegayaan in Salome Taddesse dalka ka baxday ama qorsheeynayso in ay isaga baxsato taliska Melez Zenaawi aynaa haataan hayaan dad iyada uu dhow oo qarinayaan

Qanaan Xirsi
Radio Xoriyo, Adis-Ababa

Warkii Caawa waa naga intaas.

Abdi Madaale
Radio Xoriyo, 08 Jan, 2002 radioxoriyo@ogaden.com
Eegana Waa Googooskii Kooxda Ogaal ee Jwxo, oo halkii inooga socda isagoo Maqal ah kaas oon idiinku Badalay Faaladii Warka inta uu inooga dhamaanayo.Mahadsanidin.
Dhegeyso Goosgooska oo Cod ah


WARARKA OGADEENYA:

DHEGEYSI: Dhegeyso Warka Radio Xoriyo


AFEEF: Afkaarta qoraalkaan waxaa leh gaarna ay u tahay Radio Xoriyo, kana tarjumimaayo aragtida SomaliTalk



Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
Usheeg Asxaabtaada | Talo Bixin



Copyright © 2001 somalitalk.com. All rights reserved. Privacy


Saxaabada | Baro-HTML | Zakaat | Xajka | BilicdaSom | Kids-Safety