S o m a l i T a l k . c o m
Online Community
MADAXWEYNAYAAL
Aadan Cabdullah Cusmaan
1 Jul 1960 - 10 Jun 1967
Cabdirashiid Cali Sharmaarke
10 Jun 1967 - 15 Oct 1969
Sheekh Mukhtar Maxammad Xuseen (Kusime)
15 Oct 1967 - 21 Oct 1969
Maxamad Siyaad Barre
21 Oct 1969 - 27 Jan 1991
Shirkii Jabuuti: Cali Mahdi Maxamad
29 Jan 1991 - ( 3 Jan 1997)
............
Cabdiqassim Salaad Xassan
27 Aug 2000 - Hadda
RA'IISULWASAARAYAAL
Maxamad Xaji Ibrahim Cigaal
26 Jun 1960 - 12 Jul 1960
Cabdirashiid Cali Sharmaarke
12 Jul 1960 - 14 Jun 1964
Cabdulrasaaq Xaji Xuseen
14 Jun 1964 - 15 Jul 1967
Maxamad Xaji Ibrahim Cigaal
15 Jul 1967 - 1 Nov 1969
Maxamad Siyaad Barre
1 Nov 1969 - Mar 1970
Maxamad Cali Samatar
1 Feb 1987 - 3 Sep 1990
Maxamad Xawaadle Madar
3 Sep 1990 - 24 Jan 1991
Cumar Carte Qaalib
24 Jan 1991 - 3 Jan 1997
...............
Cali Khaliif Galaydh
8 Oct 2000 - 28 Oct 2001
Xasan Abshir Faarax
12 Nov , 2001 - Hadda
XASAN ABSHIR FAARAX
Profile | CV
BOOSAASO, SOOMAALIYA
bosaso Eeg Sawirkan oo Weyn
Sawirkan wuxuu muujinayaa Boosaaso oo kamid meelaha ay maraan buuraha silsilada Golis Guji...
NAKURU, KENYA
Madaxweynaha Kenya Daniel Arap Moi, Hassan Abshir Farah (B) iyo Jama Ali Jama (M) oo maanta Dec 24 sawirkan lagaga qaaday iyagoo jooga nakuru Kenya
Akhri halkan

.Home | FreeWebsite | FreeEmail | TellFriends | Search | Feedback | Allah Is Great
w w w . s o m a l i t a l k . c o m

WARARKA OGAADEENYA
Warkii Radio Xoriyo : 04 Jan, 2002

DHEGEYSI: Dhegeyso Warka Radio Xoriyo

Ciidanka Wadaniga Xoreynta Ogaadeenya oo Guulo Ka Soo Hoyiyey Goobaha Dagaalka

Wariyaha Raadiyo Xoriyo uga soo warama Ciidanka Wadaniga Xoreynta Ogaadeenya ayaa soo sheegay Degaalo dhawr ah oo dhex maray Ciidanka Wadaniga Xoreynta Ogaadeenya iyo Kuwa Cabudhiska Gumeysiga Itoobiya, waxaana oogu danbeeyey kuwan

09 December 2001 Weerar kadis ah ooy Ciidanka Wadaniga Xoreynta Ogaadeenya ee sida Goonida ah u tababaran ku Qaadeen Xarunta Saraakiisha ee Saldhiga Ciidanka Cabudhisa Gumeysiga Itoobiya Magaaladda Dh/buur waxaa lagu Dilay 6 Askari iyadoo 6 kalena lagu dhaawacay sidoo kale Waxaa Goobtaas Ciidanka Gumeysiga Itoobiya lagu gaadhsiiyey Khasaare lexaad leh iyada oo wakhti ay Ciidankii Waajibkaas Gutay Mudo ka sii maqnaayeen ayaa wali Cabaad iyo Olel meeshaas ka sii baxey.Hadaba dib ayaan Khasaaraha Goobtaas ka dhacay inta uu la eg yahay ka soo sheegi doonaa.

12 December 2001 Dharkaynleey oo Galbeedka ka xigta Magaaladda Dh/buur Degaal ka dhacay Goobtaas oo dhex maray Ciidanka Wadaniga Xoreyntta iyo Gumeysiga Itoobiya waxaa lagaga dilay Cadawga 16 Askari iyadoo laga dhaawacay 10 kale oo dhaawacaas la il daran.

20 December 2001 Dundumo Codka oo ka tirsan Gobalka Nogbeed kuna taala Waqooyiga Magaaladda Fiiq Degaal ka dhacay Waxaa Ciidanka Cabudhiska Gumeysiga Itoobiya lagaga dilay 3 Askari iyadoo qaar kalen lagaga dhaawacay.

22 December 2001 Ciinley oo ku taala Waqooyiga Dh/buur Degaal Goobtaas ka dhacay waxaa Ciidanka Gumeysiga Itoobiya loogu geystay Khasaarihii ugu weynaa ee Beryahan soo gaadha iyadoo Degaalkaas lagaga gubay 2dii Baroon ee Tignikada ahaa oo Dhibaato xoog leh oo Xosuuq ah u geysan Jiray Shacbiga Soomaaliyeed eey Xabashidu Gumeysato.Baroomadaas oo intii mudo ahba uu Ciidanka Wadaniga Xoreynga Ogaadeenya la socday Dhaq dhaqaaqooda waxaa Dekem la siiyey Markii ay Soo Joogsadeen Goobtii loogu tala Galay in lagu gubo waxaa kale oo goobtaas loogu geystay Ciidanka Itoobiya Khasaarihii dhimasho ee oogu badnaa kaas oo wariyaha Raadiyo Xoriyo uu Dib inooga so gudbin doona.

5-22 December 2001 Gudhis oo ka tirsan Gobalka Nogob Degaalo goos Goos ah oo xiliyadaas kala dhacay waxaa Ciidanka Gumeysiga Itoobiya looga dilay isugeyn 13 Askari ,waxaana lagaga dhaawacay 09 Askari.

Ciidanka Wadaniga Xoreynta Ogaadeenya ayaad moodaa in uu Hadiyadii oogu Qaalisanayd u hadiyeeyey Ciidanka Cabudhiska Gumeysiga Itoobiya Maalmihii oogu danbeeyey ee Dabayaaqadda Sanadka 2001 si ay hor u dhac oogu noqoto Dhurbaaxadda lagu soo wado sanadka 2002da oo xawliga Halganka Shacbigu ku socon doono Haddii uu Eebe idmo mid aad u sareeya.

Kaligii Taliye Males Zinaawi oo ka buuxiyey Hayadda Nabadsugidda Itoobiya Reer Adwa oo ah Magaaladda uu ku dhashay.

Wariyaha Wareega ee Radio Xoriyo Qamaan Xirsi ayaa inoo soo diray Dhambaal kale oo xambaarsan Kaligii Taliye Males Zinaawi oo hadda la wada aragsan yahay Talaabooyinka uu rabo in uu ku khaldo Shacbiga uu Xooga ku xukumo iyo Kuwa uu Gumeystaba inagoo ku bilaabayna Dadkii oo ka kala yaacay ooy oogu horeeyaan Madaxii Wargeysta Wagahta oo Tigree ah.

MADAXA WARGEYSKA WOGAHTA OO MAREYKAN ISKA DHIIBTAY

Madaxa wargeyska Wogahta oo ah Wargeys ku soo baxa Af Tigrinia kana soo baxa magaalada Maqale ayaa Itoobiya si nabad ooga baxsatay ka dib marka uu Melez Zenaawi amar bixiyay in la xidho. Wogahta waa wargeys caan ka ah gobolka Tigree waana mid mucaarid ku ah Melez Zenaawi iyo dowladiisa.Haweyneeyda la yidhaahdo Berhan Hailu ayaa madax uu aheeyd wargeyskaasi isaga ah waxaana loo xaqiijiyay Radio Xoriyo in ay si nabad ah ku gaadhay dalkaasi mareykanka.

Wararka waxay intaasi ku darayaan waxay uu badan tahay in Berhan Hailu ay dibbeda ka si wado Wargeyskeeda ku soo baxo af-tigrinyada kuna ah mucaarid Melez Zenaawi. Wararka waxay intaas ku darayaan in xubno badan oo ka tirsan Jaaliyada Tigreega ee Mareykanka ay si gacmo furan ku soo dhoweeyeen Berhan Hailu. Jaaliyada Tigreega waxay balan qadeen in ay garab siin doonaan Berhan Hailu sida ay uu wado in ay xaqiiqada ka tarjumto oo caalamka la socodsiiso in uu Melez Zenaawi iska daa qowmiyadaha kale ee uu Tiisa oo ah Tigree xitaa dan uu wadin.

HAYADDA NABADSUGIDA ITOOBIYA OO REER ADWA BUUXIYAY (SARKAAL MUCAARID AH OO NOO WARAMAY)

Kaadiriinta ururka TPLF ka ma dacwoonin oo kaliya musuqmaasuqa uu wado Kaliye Taliye Melez Zenaawi iyo shirkadaha ay isla leeyihiin isaga iyo Sebhaat Negaiyo Seyoum Mesfin. Waxaa muuqato in xafiiska nabadsugida 10 sano ee la soo dhaafay lagu buuxinayay reer ADWA oo ah magaalada ay Zenaawi iyo Sebhaat Nega ka yimaadeen. Warar aan ka helnay nin tigree ah oo uu shaqeeyn jiray xafiiska lakiin hada ah kuwa la safan Siye Abraha ayaa sheegay in masuliyiinta soo socdo ee xafiiska nabadsugida ay wada yihiin reer Adwa

Mesfin Gebre Michael ( oo loo yaqaano Weteto) Mekonen Gebre Mariam (oo loo yaqaano Wedi Kobel)

Getachew Teferi Wolde Selassie Wolde Mariam Issayas Wolde Giorgis ( oo aabihii yahay ninka iska leh hotelka loo yaqaano ASSEN oo ku yaalo magaalada Adwa, walaashii oo la yidhaahdo Awtash uu Zenaawi uu dhiibay jago xafiiska dhismaha ay dowladda itoobiya) iyo Meres Alemayehu Dhamaan waa wada reer Adwa waxayna haystaan Jagooyin muhiim ah xafiiska nabadsugida.

Waxaa kale oo la ii sheegay (aniga oo ah Qamaan Xirsi) in ay jirto qeyb khaas ah xafiiska nabadsugida oo loo yaqaano Liyu Tibeka. Qeybtani waxaa madax uu ahaa Mekonen (Samuel) Gebre Mariam oo ahaa ninka waa dhoweed baxsaday oo masuul ka ahaa securityga Zenaawi. Liyu Tibeka xafiiskeeda wuxuu ku yaal gadaasha xafiiska OAUda. Wuxuuna uu dhow yahay BAMBIS GARAGE. Waxaa kale la ii sheegay in Liyo Tibeka ay maamusho xabisyo khaas ah oo ay ka mid yihiin xabiska Adet oo ku yaal Axum xabiska Agbe xabiska Tembien xabiska Kaliti oo ku ag yaal Addis Ababa iyo xabiska Zwai oo ah meesha lagu hayo oromada.

Qamaan Xirsi
Radio Xoriyo, Adis-Ababa

Abdi Madaale
Radio Xoriyo, 04 Jan, 2002
radioxoriyo@ogaden.com

Eegana ku soo dhawaada Googooskii Kooxda Ogaal ee Jabhadda Wadaniga Xoreynta Ogaadeenya oo inoo sii wada Googooskii ka Hadlayey Siyaasadda Gumeysiga Itoobiya ee ku aadan Soomaaliya iyo Kooxaha Soomaaliyeed ee Gacan saarka la leh Itoobiya iyo Sunta ay ka soo Qaadaan Godey oo ah meesha Siminaarka Burburinta Soomaaliyeed lagu soo siiyo.Isagoo Maqal ah kaas oo faaladdii Warka Idiinku Badalay.Mahadsanidin.
Dhegeyso Goosgooska oo Cod ah


WARARKA OGADEENYA:

DHEGEYSI: Dhegeyso Warka Radio Xoriyo


AFEEF: Afkaarta qoraalkaan waxaa leh gaarna ay u tahay Radio Xoriyo, kana tarjumimaayo aragtida SomaliTalk



Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
Usheeg Asxaabtaada | Talo Bixin



Copyright © 2001 somalitalk.com. All rights reserved. Privacy


Saxaabada | Baro-HTML | Zakaat | Xajka | BilicdaSom | Kids-Safety