Make your own free website on Tripod.com

.Home | FreeWebsite | FreeEmail | TellFriends | Search | Feedback | Allah Is Great
w w w . s o m a l i t a l k . c o m

WARARKA RADIO XORIYO

 DHEGEYSI: Dhegeyso Warka Radio Xoriyo

Wararka Ogaadeenya

Warkii Radio Xoriyo
09 August, 2002
Warka Madaxdiisii

Jwxo, oo Warsaxafadeed ka soo saartay Qaraxa ka dhacay Jig-Jiga
Xoolo tiro badan oo ku Dhamaaday Gobalka Tigray
Degaalo ka dhacay Sheshemen oo ku taala Koonfurta Itoobiya
Deeq uu Dalka Liibiya oogu tala Galay Soomaaliya oo Timid Jabouti
Dawlada KMG oo Shuruudo ku xidhay Shirka Dib u Heshiineed
Itoobiya oo Hub Gaysay Gobalka Gedo ee Soomaaliya


Warkii oo faah faahsan

Jabhada Wadaniga Xoreynta Ogaadeenya-Jwxo, ayaa Warsaxafadeed ka soo saartay Qaraxa Ji-Jiga Maanta ooy Taariikhdu tahay 09 August 2002, wuxuuna ku bilowday

09 August 2002

Gumeysatada Itoobiya waa caadadeeda inay fal argagixis ku kacdo.

Waxaan la soconaa Gumeysiga Itoobiya markii uu ku guuleysan Waayey in uu Xoog ku aamusiiyo Halganka Shacbiga Ogaadeenya in uu horay isugu dayey in uu la hoos galo ololaha balaadhan ee Beesha Caalamku kula dagaalamayo Argagixisada Caalamiga ah ayna Geed dheer iyo mid Gaabanba ugu fuushay sidii ay ugu shabadayn lahayd argagixisnimo halganka xaqa ah ee Ogadeenya ka socoda, si ay quwadaha la dagaalamaya argagixisada uga hesho caadifad taageero.

Hadaba markii ay ku Guuleysan wayday in ay beesha caalamka ee la dagaalamaya argagixisada ee dawlada Maraykanku hormuudka u tahay, kuwaas oo ka dharagsan xaqiiqada Halganka Shacbiga Ogaadeenya, ayey mar kale khaldaysaa beesha caalamka.

Sida la wada ogsoon yahay dawlada Itoobiya eey TPLF-tu Xukunkeeda hayso waa mid ku dhisan been abuur, Khayaano iyo argagixin min kor ilaa hoos.Taasna waxaa cadaynaya Markii uu dhowaan Raiisul Wasaarada Dawlada Itoobiya Males Zinawi ku been abuurtay beesha caalamka ee uu sheegtay in la gudoonsiiyey Abaal Marinta Nabada Caalamiga ah taas oon ognahay in ay ahayd been abour.

Qaraxan Jig Jiga ka dhacay waxaa ka dambaysay Itoobiya wuxuuna Muujinayaa Been Abuurka aan Salka iyo Raadka toona lahayn dabeecadeheedii lagu yaqaanay. Waxay doonaysaa inaya laba siyaalood uga faa'iidaysato: Marka hore in ay ku leyso Shacbiga Ogaadeenya eey awalba Ololaha Cidhibtirka ah kula jirtay. Midda labaad waa in ay ku eedayso Halganka Shacbiga Ogaadeenya si ay Mar Sadexaad Ooga Faaiidaysato Beesha Caalamka ee la dagaalamaysa argagixisada ooy ku khalado dabadeedna ay ooga hesho Taageero.

Waxaa kaloo jira xoogag ay Itoobiya abuurtay oo ka jira Magaalada Jig-Jiga kuwaas ooy oogu tala gashay in ay isu adeegsato si kolba kii ay u arato in uu danaheeda u fulin waayey sidii ay rabtay ka kale ugu adeegsato.Waxaa dhawaan Baarlamaan ku sheega laga saaray 19 Xubnood kuwaas oo intoodii badnayd Xabsiga loo taxaabay.waxayna ka kooban yihiin labada Xisbi ku sheeg ee Ji-Jiga ka jira kuwaas oo laftoodu isu adeegsan kara ficilo aan haboonayn.

Jwxo, waxay Hubka u qaaday in ay Shacbigeeda ka saarto Argagixisada Joogtada ah eey Itoobiya ku hayso waxayna Si kulul u Canbaaraynaysaa Bamkan Lagu Qarxiyey Jig-Jiga iyo Cidii ka danbaysayba iyadoo sidoo kale waligeedba ka soo hor jeeday Nooc kasta oo Argagixiso ah oo lagula kaco dad Rayad ah oon wax galabsan iyo hantidoodaba.

Jwxo, waxay oogu baaqaysaa Beesha Caalamka in ay indhaha u furaan Dulmiga;Argagixisada,Dilka,Dhaca,Xaqiraada iyo Tirtirirada ka jirta Ogaadeenya iyo Dhamaan Qoomiyadaha kale eey Itoobiya Gumeysato.

Sidoo Kale Jwxo, waxay u iftiiminaysaa Beesha Caalamka in ayna ku khaldamin Been Abuurka ay Itoobiya la daba taagan tahay Halganka Shacbiga Ogaadeenya iyadoo doonaysa in ay ooga faaiidaysato Ololaha ay kula dagaalamayaan Argagixisada Caalamiga ah.

Halganka Shacbiga Ogaadeeyna wuu socon ilaa uu ka guulaysanayo xaq darada, Beesha Caalamkuna way ka dharagsan tahay Xaqiiqada ka jirta Geeska Afrika,Gumeysiga Itoobiyana wuxuu ku jiraa Gal Galashadii oogu danbaysay.Dabin kasta oo uu u dhigo Shacbiga Ogaadeenyana waa mid waagu ka baryey

Jabhada Wadaniga Xoreynta Ogaadeenya. Hogaanka Warfaafinta


Wariyah Raadiyo Xoriyo uga soo warama Jig-Jiga ayaa inoo soo sheegay Bambo lagu qarxiyey Hoteel ka mida Hoteelada ku yaala Magaaladaas.
QARAX KA DHACAY MAGAALDA JIJIGA
Marka sacadu ahayd 8:30 fiidnimo habeenka isniinta ee 5 August 2002 ayaa qarax ka dhacay Hotelka la yiraahdo EDEN ee magaalada jijiga. Qaraxaasi waxaa ku dhawacmay 6 qof oo kala ah macalin u dhashay dalka INDIA iyo nin Jabutiiyaan ah iyo afar caruur ah oo uu dhalay.
Ilaa hada ma cada cidii ka dambeeysay qaraxaasi lakiin Waxaa shaki wayn laga qabaa in ay tahay Iska hor imaad ka dhex jira labada qaybood eey u qaybsan yihiin Maamul ku sheega uu Gumeysiga Itoobiya ka samaystay Ogaadeenya,kadib markii 19 Xubnood laga eryey Baarlamaan ku sheega isla markiibana loo taxaabay Xabsiga kuwaas oo uu ka mid ahaa Momahed Moalin Cali, Khadar oo ahaa Gudooyihii hore ee Maamulkaas ka dib amar ka yimid Wasiirka Federaaliga ee Itoobiya Abay Tsehaye.
Ciidaanka Gumeeysiga Itoobiya ayaa haatan bilaabay in uu shacabka soomalida ee jijiga argagixiyo isaga oo ku marmarsiiyoonayo in uu baarayo cidii ka dambeeysay qaraxan.Waxaa jira Raři kale ooy qabaan dad aad u yaqaana Dabeecada Ururka Talada Itoobiya haya ee TPLF-ta oo ah mid aad ugu xeel dheer Shirqoolada iyo Been Abuurka isla markaana Jecel in uu Ruuxa isagu dilo dabadeedna Tacsidiisa soo fadhiisto, taas ooy u badinayaan in ayba laftoodu ka danbeyn karaan si ay oogu eedeeyaan Jaho kale.
Kooshin Sugule
Radio Xoriyo
Jijiga
--------------------------------
Wariyaha Raadiyo Xoriyo uga soo warama Adis-Ababa ayaa inoo soo diray Warar isku dhafan inagoo ku bilaabayna

XOOLA GAARAYSA 12,000 OO KU DHAMAADAY ABAAR KA JIRTA
GOBOLKA TIGREE


Waxaa sii balaaranayo abaar ka jirta Gobolka Tigray iyada oo lagu qiyaasay in 12,000 oo xoolo ah ay kudhamaadeen abaartaasi.Warar xog-ogaal ah ayaa sheegayo in gar gaar laga filayay dowladda Itoobiya aysan weli soo gaarin gobolka tigree iyada oo ay taas ugu wacan tahay xiriirka maamul goboleedka Tigray iyo Dowladda dhexe oo sii xumaanaya.

Waxaa jirta in rag badan oo ka tirsanaa Golaha Dhexe ee TPLF ay ka tageen Addis Ababa oo ku noqdeen gobolka Tigree ka dib marka uu dhacay khilaafka keenay kala jabka TPLF iyo xabadjoojinta dhex martay Itoobiya iyo Eritrea.

Gobolka Tigree ayaa haatan uu dadkiisa ay u badan yihiin shacab mucaarid ku ah Melez Zenaawi iyaga oo lagu bilaabay tilabooyin cadaadin ah oo la mida kuwa lagu hayo Shucuubta kale.


CIIDAMADA ITOOBIYA OO LAGU WEERARAY AGAGAARKA MAGAALADA SHASHEMENE EE KOONFURTA ITOOBIYA

Weeraro isdabajoog ah ayaa lagu qaaday Ciidanka Gumeeysiga Itoobiya ee ku sugan agagaarka magaalada SHASHEMENE oo ku taala Koonfurta Itoobiya, weeraradaasi ayaa lagu dilay sida la sheegay tobaneeyo askar itoobiyaan ah.

Ilaa hada ma cada cidii qaaday weeraradaas lakiin waxaa la sheegayaa in ciidanka werarkaasi qaaday ay si fiican u hubeysnaayeen, ugana muuqdatay in ay qateen tababar balaaran.

Qamaan Xirsi
Radio Xoriyo
Addis Ababa

-------------------------------------------------

Wariyaha Raadiyo uga soo warama Dalka Jabouuti ayaa inoo soo sheegay
DEEQ AY DALKA LIIBIYA OOGU DEEQDAY SOOMALIYA OO JABUUTI SOO GAARTAY


Deeq gaareysa 5-Milyan oo Dollar oo Dowladda Liibiya ay dhowaan ugu deeqday Dowladda KMG ah ee Soomaaliya kana mid ahayd taageerooyin dhaqaale oo ay Liibiya horay u ballanqaaday ayaa la sheegay in Xisaab looga furay Bankiga Jabuuti, halkaasoo lagu soo hagaajinayo.

Dad xof ogaa ah ayaa sheegayo in deeqdaasi ay soo raaci doonto deeq kale iyo balanqaadyo kale oo tababar loogu fidinayo ciidamada booliska iyo militariga ee dowladda ku meel gaarka ee Soomaaliya

Roble Mahdi
Radio Xoriyo
Jabuuti
------------------------------------------------

Wariyaha Raadiyo Xoriyo uga soo warama Soomaaliya Ahmed Yare Calasoow ayaa inoo soo sheegay Wararar isku dhafan inaguu ku bilaabayna


DOWLADDA KU MEEL GAARKA EE SOOMALIYA OO 8 QODOB KU XIRTAY KA QEYBGALKEEDA SHIRKA DIBUHESHISIINTA SOOMALIDA

Iyadoo la aruurinayo afkaaraha ka qeybgala yaasha shirka Kenya oo la filayo in uu bisha Septembar ka dhaco dalka Kenya ayaa dowladda ku meel gaarka ee Soomaliya ku xirtay ka qebgalkeedan shirkaasi 8 sharuud oo kala ah

1- in shirka ay u dhammaadaan lixda dowladood ee IGAD,

2- in shirku noqdo dhammeystirka go'aannadii Carta oo aan la oggolaan in eber wax walba laga soo billaabo,

3- in shirka aan lagu koobin qabqablayaasha dagaalka iyo dowladda ku meel gaarka keliya, balse ay ka soo qayb galaan maamul goboleedyada iyo qaybaha kale ee bulshada,

4- in dowladdu si buuxda uga qayb gasho shirka,

5- in si buuxda loo helo taageerada beesha caalamka,

6- in ka soo qayb galayaasha shirku ay saxiixaan

7- in ciddii ka hor timaadda heshiiskaa laga qaado tallaabo adag,

8- in hubka laga aruuriyo kooxaha hubeysan.

Qodobadaan oo ay dowladda Soomaliya ku tageersan yihiin dhamaan dalalka carabta ayaa la filayaa in Itoobiya ay si weyn u hor isktaagto, siiba qodobka oranayo in ay ka qeyb galaan shirka Nairobi qeybaha bulshada iyo kooxa siyasadeed een ka tirsaneyn isbahaysiga SRRC oo dalad u ah Kooxaha Gacan Saarka la leh Itoobiya . Itoobiya ayaa rabta in shirkaasi uu noqdo mid ay ka soo qeyb galaan dowladda ku meel gaarka iyo SRRC oo kaliya sida ay uubadato awooda SRRC oo ku jirto gacanta Itoobiya


ITOOBIYA OO HUB GEYSAY GOBALKA GEDO

Dowladda Itoobiya ayaa soo gelisay shalay saanad hub ah oo ay u qeybisay maleeshiyaad deggan Buulo Xaawe iyo Luuq ee ka wada tirsan gobolka Gedo.Hubkan oo ka kooban qorayo gacmeedka loo yaqaano Ak47 ayaa tiradoodu lagu sheegay 50 qori. Hubkan ayaa loo kala dhiibay sida wararka sheegayaan Nuur Mataan oo ka socday deegaanka Buulo Xaawe iyo Maxamuud Sayid Axmed
oo isna ka socday Luuq oo labadaba gacan saar la leh dowladda Itoobiya.


Hulbkan ayaa waxaa qeybiyay ninka lagu magacaabo Mr. Salmaan oo ka tirsan nabad sugidda Itoobiya una dhashay qowmiyadda Tigreega, isla markaana ah gacan yaraha taliyaha haysta ciidanka Itoobiyaanka ee gobolka ku sugan oo isna lagu magacaabo Col. Gacamey oo ka tirsan ciidanka dabaqoodhiyiinta.


Axmed Yare Calasow
Radio Xoriyo
Soomaaliya
-------------------------------------



Tacsi

Inta aynaan u galin Tacsi bal horta qadar yar oo Sixitaan, Magaca Marxuumkii wuxuu ahaa Mohamuud Maalinguur, Taariikhda Geeriduna waxay ahayd 4 Aut,2002.Inta kale waa sidii aan u sheegnay.Ugu danbayntii waxaa iyaguna tacsi la mida midii aan horay u sheegnay u diraya Eheladii iyo Qaraabadii uu ka Geeriyooday Allaha u naxariistee Marxuum Mohamuud Maalinguur Xubnaha ku nool Wadanka Maraykanka Siiba Gobalka Minossota.


1. Max'med Qamaan Yuusuf
2. C/Nuur Siraad Ibraahim
2. C/Qanni Suldaan Cali-Saafi
3. Xasan Ciise Sheekeeye
4. Muuse Sheikh Max'med (Qurxiye)
5. Cabdirashiid Xidig
6. Xayi Xareed (Shariifka)
7. C/Khada Cali Saafi
8. Ibraahim Jabuuti
9. Max'med Cabdi Axmed (max'med yare)
10. Axmed Bashiir Max'med Yuusuf
11. Fatxi Siraad Ibraahim
12. Bashiir Xasan Carte (Ugaaska Faarso)
8. Dhamaan Beesha Rochester ee Ogadenia u Nasab sheegata


Dhagaystayaal Warkii Caawa waa naga intaas.

Abdi Madaale
Radio Xoriyo, 09 August, 2002
radioxoriyo@aol.com

 radioxoriyo@aol.com  



Xusuus : Cidii Rabta in ay radio Xoriyo hawada ka dhagaysato waxay ka heli kartaa Mawjada 19 MB, ama 15530 KHZ, Maalmaha Talaadada iyo Jimcaha 7: 30 Fiidnimo.


Dhegeyso warkaan oo Cod ah
WARARKA OGADEENYA:
   August.9.2002 | August.6.2002 | July.30.2002 | July.26.2002 | July.23.2002 | July.19.2002 | July.12.2002 | July.9.2002July.5.2002 | June.28.2002June.25.2002 | June.21.2002 | June.18.2002 | June.14.2002 | June.11.2002 | June.7.2002 | June.4.2002| May.31.2002 | May.28.2002 | May.24.2002 | May.22.2002 | May.17.2002 | May.14.2002 | May.10.2002 | May.7.2002 | May.3.2002 | April.30.2002 | April.26.2002 | April.23.2002 | April.19.2002 | April.17.2002 | April.12.2002 | April.9.2002 | April.5.2002 | April.2.2002 | March.29.2002 | March.26.2002 | March.22.2002 | March.19.2002 | March.12.2002 | Febuary.26.2002 | Febuary.19.2002 | Febuary.15.2002 | Febuary.12.2002 | Febuary.8.2002 | Febuary.5.2002 | Febuary.1.2002 | January.29.2002 | January.25.2002 | January.18.2002 | January.15.2002 | January.11.2002 | January.8.2002 | January.4.2002 | December.28.2001 | December.21.2001 | December.18.2001 | December.14.2001 | December.11.2001 | December.7.2001 | December.4.2001 | November.30.2001 | November.27.2001 | November.23.2001

DHEGEYSI: Dhegeyso Warka Radio Xoriyo


AFEEF: Afkaarta qoraalkaan waxaa leh gaarna ay u tahay Radio Xoriyo, kana tarjumimaayo aragtida SomaliTalk

TALO, TUSAALE IYO SU'AAL KUSAABSAN QORAALADA SOMALITALK.COM WAXAA LAGALA SOO XIRIIRIKARAA TIFATIRAHA GUUD EE BOGGA [Editor-in-chief] OO LAGA HELO http://www.somalitalk.com/feedback


Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
Usheeg Asxaabtaada | Talo Bixin
SIIRADA RASUULKA KUDAYO»
CASHARKA TODDOBAADKAN | 1 | 2 | 3 | 4 | 5 | 6 | 7 | 8 | 9 | 10 | 11 | 12 | 13 | 14 | 15 | 16 | 17 | 18 | 19 | 20 | 21 | 22 | 23 | 24 | 25 | 26 | 27 | 28 | 29 | 30
SAXAABADII RASUULKA BARO»
Casharka toddobaadkan | 1 | 2 | 3 | 4 | 5 | 6 | 7 | 8 | 9 | 10 | 11 | 12 | 13 | 14 | 15 | 16 | 17 | 18
RAMADAAN SOON»
Macluumaadka Soomidda bisha ramadaan iyo axkaamta Soonka GUJI
SAKADA MAALKA BIXI»
Tusmo | 1 | 2 | 3 | 4 | 5 | 6 | 7
XIGMAD/WISDOM BIXI»
XAYAYSIIS BOOQO» 
KUTUB/BOOKS AKHRI» 
Soobooqo bogga xayasiiska Buugaagta / kutubta GUJI
NEWS 1 | 2 | 3 | 4 | 5
MAQAALLO AKHRI» 
DOOD FURAN AKHRI» 
QORAALO XIISA LEH AKHRI» 
MUSHARAXII SL 2002» 
Barnaamijkii C/Risaq Maxamud Saleiman ee doorashada Somaliland Guji»  

PUNTLAND, SOMALIA
Summary of Progress Report on the Puntland Peace Mission
PAGE.1 | PAGE.2 | PAGE.3 | PAGE.4 | PAGE.5 | PHOTO
KHARTOUM, SUDAN
Shirkii IGAD oo laqabtay Jan 10 - Jan 11, 2002 Khartuum GUJI..
LETTER FROM OGADEENYA
Letter from Abdullahi M. Sadi, Former First President of Somali Region (Ogadenia) Read here

G O L E
Golaha Beesha Kablalax GUJI...
WISDOM OF THE WEEK
 For every human problem there is a solution that is simple, neat, and wrong. Click Here
IDAACADA IQRA
 Warbixin Ku Saabsan Idaacada IQRA FM - Nairobi Kenya GUJI...
BOOSAASO, SOOMAALIYA
Sawirka Boosaaso: Waa magaalada oo kor lagasawiray  Guji...
SUNTA KU AASAN SOOMAALIYA



Copyright © 2001 somalitalk.com. All rights reserved. Privacy


Saxaabada | Baro-HTML | Zakaat | Xajka | BilicdaSom | Kids-Safety