SOMALITALK.COM
Online Community
DHEGEYSO QUR'AANKA
Halkan waxaad ka dhegeysankartaa 114 suuradood ee quraanka kariimka ah:
>> Guji halkan
HAJKA
ISLAAMKA
WARARKA
CILMIBAARIS
MAQAALLO
CAAFIMAADKA
RADIO/TV
SUNTA iyo QASHINKA
MaOgtahay khatarta ay keenikarto sunta lasheegay in Soomaaliya lagu aasay. Akhri
warbixintii Shakiib
MUSLIMIINTA DENMARK
Muslimiinta Denmark oo loo ogolaaday in ay yeeshaan dhul u gooni ah Qubuuraha Muslimiinta.
Akhri qoraalkii IbrahimSalah
DARAASAD
Daraasad lagu sameeyay Muslimiinta Maraykanka. Akhri
Qoraalkii Caddaawe
UBADKA QURBAHA
Maxaa Xal u ah Ubadka Soomaalida Qurbaha?
Guji halkan
MAPS
Somalia claims sovereignty over Ogaden, an ethnically Somali region of far eastern Ethiopia. In 1977 Somalia invaded Ogaden in an attempt to annex it, but Somali forces were defeated by the Ethiopian army in 1978. Ethiopia and Somalia signed a peace accord in 1988 but Somalia did not renounce its claim to the region.

Quote from Encarta Online

WAGGALLA MASSACRE
This act of genocide occurred in 1984 in Wagala near Wajir.
Read here

| Home | FreeWeb | FreeEmail | TellFriend | Search | Feedback | Allah Is Great
w w w . s o m a l i t a l k . c o m

SOMALITALK NEWS
HAMILTON CITY hamilton Hamilton City

Links
Hamilton City Council
Hamilton Info
Hamilton City

CHRCH CITY
gardencity Chrch city


Links
chch City
Chch City Map
WELLINGTON CITY
wellington Wellington

Links
Willington City
WARARKII HORE EE SOMALIDA NEWZEALAND
DUGSIGA IBNUCABAAS EE WELLINGTON, NEWZEALAND
September 4, 2001
Jaaliyada Soomaalida Newzealand
July 12, 2001
Tirada Soomaalida Newzealand
July 22, 2000
Waraysigii Raxmo Adeerkeed
April 7, 2001
calihirsi Cali Xersi, asaasaha dugsiga Ibnucabaas ee Wellington, Newzealand. GUJI...
Ku: Guddomiyhaha iyo dhamaan xubnihi lagu doortey KBC
Og:
.... Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Wellington
.... Jaliyadda Soomaaliyeed ee Lower Hutt
.... Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Hamiltom
.... Jaaliiyadda Soomaaliyeed ee Auckland
.... Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Christchurch
.... Iyo Dhamaan cida daneynaysa arimaha soomaalida New Zealand

Ujeeddo: LA SOCODSIIN IYO TALO BIXIN

Walaalayaal, waxaan halkan idinku soo gudbineynaa warbixin iyo talo soojeedin ku saabsan kulankii dhacay 26kii December, kana dhacay Kelbernie Bowling Club (KBC) Wellington . Warbixintaa iyo talo soo jeedintaas waxay ku saleysan tahay qodobbada soo socda:

1. Aarraar iyo Wargelin

Waxaa jirta iney na soo gaadhay ama aan xog-ogaal u nahay in dad tiro badan oo ka mid ah jaaliyadda Soomaaliyeed ee deggan magaalada Wellington aayan ku qanacsaneyn sidii loo qaban qaabiyay, loona maamulay kulankaas. Taasna waxay keentay iney xiisad ku abuurto dadweynaha Soomaliyeed ee Welligton. Saansaantu waxay u muuqataa in haddii arintaas si deg-deg ah wax looga qaban iney si xoog leh u kala dhantaali doonto midnimadda, wax-wada qabsiga iyo wada noolaashaha jaaliyadda Soomaaliyeed ee deegaanka Wellington.

Waxaa muuqata in aan lagu guuleysanin dantii laga lahaa kulankaas, oo sida aan u aragno ahayd inuu curiyo urur mideysan oo aqlabiyad buuxda ka haysta jaaliyadda Soomaaliyeed ee Wellington.

Ka dib markii aan wareysanay, isla markaana la tashaney dadweynihii sida xooggan uga soo hor jeestay go’aanadii ka soo baxay shirkaas, waxaa caddaatay in eysan ku qanacsaneeyn waxayaabaha hoos ku qoran:

2. Abaabulka iyo Qabanqaabidii Isu-imaatinkii 26kii

Waxaa muuqata abaabulkii iyo qabanqaabadii isu-imaatinkii 26kii December ay u dhacday si qarsoodi ah kuna koobnayd koox yar oo isku ra’yi ah, kalsoonina aan ka haysan dad badan oo ka mid ah Jaaliyadda Wellington.Waxaa taas caddeyneysa sadexda arimood ee hoos ku xusan:

2.1 In shir isdaba joog ah lagu qabtay xaafado gaar ah oo ku kooban dad khaas ah, dhowrkii maalmood ee ka horeeyay kulankaas. Shirarkaas lagama qayb gelinin xubno muhiim ah oo ka mid ah Jaaliyadda Wellington oo daneyneysa arimaha Jaaliyadda.

2.2 In guddigii hore ee farsamada laga maroorsaday kaalintoodii oo dad cusub oo aan ka tirsaneyn jaaliyadda Wellington la wareegeen howshii iyadoo aan la ogayn siday howshaas ku dhaxleyn iyo meesha ay ka soo galeenba.

2.3 In dad badan oo Soomaali ah deggenna Wellington aan la gaarsiinin in uu jiro shirweyne logu aasaasaayo urur jaaliyaadda Wellinton. Taas waxaa caddeyneysa tirada dadka meesha ka codbixiyay halkaas.

3. Hab-maamuleedkii Isu-imaantinkii 26kii December

Dadkii goob joogga ka ahaa isu-imaatinkaas waxay caddeeyeen in maamulkii halkaas ka dhacay uu liddi ku ahaa xeerarka iyo maamuuska uu lahaa shirweyne lagu dejinayo maamul urur bulshadeed. Gaar ahaan waxay dadwenahaas si kulul u cambaareynayaan falalka hoos ku qoran.

3.1 In ajendaha shirka uu ahaa mid aan afti iyo kalsooni looga helin dadkii meesha yimid sida ay dhigeyso xeerarka ajendooyinka shirarka.

3.2 In shir gudoonka uusan afti iyo kalsooni ka helin dadweynihii halkaa isugu yimid si uu xilkaas uu u guto.

3.3 In shir guddoonku muujiyay nin jecleysi asagoo dadka degan Wellington ee doonayay in afkaartooda bixiyaan uu u diiday in ay hadlaan, kuwo kalena oo ka yimid banaanka Wellingtonna ku casuumay iney ka hadlaan goobta shirka. Maaysan cadeyn nidaamka u yaala sida shirweynaha loogu kala qaato warbixinada. Waxaa caddan ah in shir gudoonku uu isticmaalay awoodd ka baxsan xilka uu leeyahay shir gudoomiye.

3.4 Waxaa dhacday inaan afti aan la weydiinin dadweynihii kulankaas isugu yimid kalsoonina aan loo helin dadkii loo magacaabay xubnaha tirkoobka codbixinta. In kast oo xubnaha tirakoobka codbixinta ay ahaayeen dad ka kala yimid magaalooyin kala duwan loona maleyn karo iney dhexdhexaad ka yihiin loolanka, haddana ku xadtgudubka afti iyo kalsooni raadinta shirweynaha waxay dhaawac u geysatay dhexdhexaadnimadoodii.

3.5 Sida xeerarka iyo hab- maamuuska doorooshooyinka uu dhigayo waa in goobta tirokoobka ay joogaan xubno wakiil ka ah dadka doorashada ku loolamaya taasna ma aysan dhacin. Taas waxay burineysaa natiijadiii tirokoobka waxayna abuurtay tuhun fara badan.

3.6 Waxaa dhacday in dadkii loo xil saaray ururinta waraaqaha codbixinta in aanay ka tilmaamnayn dadweynihii halkaas isugu yimid, taasna waxay abuurtay in tashwiish ku furmo tirakoobka iyo in la helo tirooyin is dhaafsan.

4. Xeerka iyo Nidaamka kulamada, Shir-guud, Doorasho iyo Dastuur.

Waxaa jirta nidaam madani ah oo lagu aasaaso ururada bushada ama kuwa kaleba. Waxaan wada ogsoonahay in dastuurku yahay udub dhexaadka lagu aasaaso, laguna maamulo urur wada jira ah. Waxaan ogsoonahay in kulankii 26kii aan la soo hor dhigin dastuurkii lagu dhaqi lahaa ururka amaba qodobadiisa muhiimka, sida:

  • Magaca ururka
  • Ujeeddada ururka
  • Xubnaha ka mid noqon kara ururka
  • Shuruudaha looga mid noqon karo ururka
  • Tirada howlwadeennada (golaha fulinta) iyo xilkooda
  • Muddada uu goluha fulinta uu jirayo, iyo xilalka ay kala leeyihiin
  • Muddada kalfadhiga caadiga ah (General meeting)
  • Nidaamka maamulka hantida ururka iyo Liability, (tusaale ahaan haddii ururka deyn lagu yeesho yaa loo raacanayaa)
  • Hab xisaabeedka (Auditing)
  • Nidaamka loo baabi’inkaro ururka (Liquidation and Closure)

Haddaba waxaa isweydiin leh:

4.1. Maxaa dastuurka ama qodobadiisa muhiimka ah loogu soo ban dhigi waayay kulanka si afti iyo kalsooni loogu raadiyo?

4.2 Hadii anay taas dhicin sidee uu urur iyo golihiisa fulinta u dhisnaan karaan una mettelayaan jaaliyad?

5. Tallo soo jeedin iyo qancin.

Sidii aan aarrarta hore ugu soo sheegnay qaladaadka aan kor ku soo taxnay waxay Soomaalida Wellington ku abuurtay xiisad, dhiilo, colaad iyo kooxeeysi. Waxaana qabna in arrintaas ay lid ku tahay danta jaaliyadda Soomaaliyeed ee Wellington, wax weyna midnimada jaaliyadda u geysan karto. Waaxay nala tahay in loo baahan yahay in si deg-deg ah oo wada jir ah, wax looga qabto arimaha kor ku xusan. Ujeedadda aan taas ka leenahay waxay tahy in aanay kala dhantaalmin middnimada iyo wada jirka soomalida Wellington. In la helo kalsooni iyo is aaminaad iyo in urur ugub ah aan si maamul xumo ku jirto usan u aasaasmin, taas oo aayatiinka dambe soo hoyn karta guuldaro.

Waaxaan qabnaa in danta Soomaaliyeed ay ku jirto midnimo, walaaltinimo, wax wada qabsasho iyo isu calool furnaan. Waxaa lama huraan tahay in la helo urur u adeega danaha Soomaaliyeed oo aqlabiyad buuxda (Majority) ka haysta dadweynaha ururka sameystey.

Waxay noola muuqataa in loo baahan yahay in laga fogaado dhamaan waxa keeni kara xiisad,colaad, kooxeysi iwm. Waxaan aad uga soo hor jeednaa in dadweynaha Soomaaliyeed loo horseedo waxayaabaha keeni kara kalsooni daro iyo kala jab sida maamul xumeynta waxyaabaha dadka ka wada dhaxeeya.

Hadaba si daawo loo helo waxaan soo jeedineynaa

5.1 In khaladaadka ku xusan qodobada1-3, lanaga qanciyo si aan si wadajir ah uuga hortago iney xoogeysato kooxeysiga iyo aamin darada manta taal.

5.2 In dadweynaha si degdeg ah looga jaahil bixiyo qodobada muhiimka ah ee dastuurka. Taas waxaa loola jeedaa hadii markaas qodobadaas ay caddeeyaan in ururku uu yahay mid ku kooban koox yar oo isku afkaar ah in ay dadweynaha intooda kale ay ka tashadaan go’aamadii kulankii KBC.

5.3 In haddii uu ururku yahay mid lagu mideynayo Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Wellington laga tanaasulo go’aamadii iyo natiijooyinkii kulankii 26kii December .Taas waxaa loo cuskanayaa labo arimood. In maamulkii iyo nadaamkii halkaas ka dacay uusan dastuuri ahayn. Iyo muqaddis ay tahaya in la ilaaliyo midnimada jaaliyadda Soomaaliyeed ee meel wada deggan

6. Guunaanad.

Waxaan ku soo gunaanadeynaa inaan mar labaad is xasuusino muhiimadda iyo qaayaha uu leeyahay in la helo urur mideysan oo aqlabiyad buuxda ka haysta dadweynaha Soomaaliyeed ee ku nool Wellington. Waxaa lagama maarmaan ah inaan isku guubaabino sidii xawliga iyo ahmiyada loo qabay urur mideysan uusan u hakan.

Sidaas darteed waxaan si sharaf leh idinkaga codsaneynaa in si dhaqso badan aad waraaqdaan nooga soo jawaabtaan , noogana soo jaahil bixisaan dhibaatada aan kor ku soo sheegnay gaar ahaan waxaan jecelnahay in aan helno jawaabtiina inta u dhexeysa 7-10ka bishan Janaayo iydoo qoraal ah si aan ugu war celino dadkii soo cawday.

Wabilaahi Towfiiq

Saxeex:

. Cabdilahi Cisman Xusseen oo deggan xafadda Karori ...
. Muqtar Cabdiqadir (Kaabbo) oo deggan Brooklyn ....
. Cabdiqadir Farax Cali oo deggan xafadda Aro Valley ...
. Maxamed Cilmi (Yontoy) oo deggan Brooklyn ...

Waxaa Somalitalk soogaarsiiyey Maxamud DACAR, Welligton
darman102@hotmail.com

Janaayo 9, 2002

Aragtida qoraalkaan waa mid u gaara qorayaasha ku saxiixan.


FAAFIN: SOMALITALK.COM | 2002


MACLUUMAAD

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Kor/up
>> Usheeg Asxaabtaada


Copyright © 2002 somalitalk.com. All rights reserved. Privacy


Saxaabada | Baro-HTML | Zakaat | Xajka | Sombeauty | Kids-Safety