Ardayda Soomaalidu heerkee bay kaga jiraan Xarumaha Waxbarashada Gobolkan Minnesota?.
Ardayda Soomaaliyeed oo
Mustaqbalkoodu ifayo
Janaayo 12, 2001
MINNEAPOLIS|MINNESOTA, USA. In dhawaytaba waxaan si xoogan isu waydiinayay sidee bay ardayda Soomaaliyeed ee Maraykanka ku dhaqani oga soo dhalaaleen halka iyo meeshii laga filayay, sida runta ah inkasta oo aan si hagaagsan loo tilmaami karin marka si guud loo eego heerka ama dabaqada ay ardayda Soomaaliyeed kaga jiraan dadaalka waxbarsho ee ka socda dalkan aanu
iminka ku dhaqanahay, oo isagu wejiyo badan leh, marka loo eego jaaliyadaha faraha badan ee ku dhaqan, kuwan oo ay
qolo waliba dadaal ba'an ugu jirto sidii ay markaa mar un u geli lahayd safka hore Jaaliyadaha farta lagu fiiqo, hadii ay markaa noqon lahayd xag dhaqaale ama waxbarasho.
Waxaan goor sii horaysay waraysi arintaa ku jeeda la yeeshay Madaxa Ururka arday Soomaalieed ee
Minnesota "MSSU" Mudane Samatalis Huseen Hayle, Waxa uu iigu waramay in ardayda Soomaaliyeed ee Minnesota ay maanta gaareen heerkii markaa laga filayay, ugu yaraan hadii aysan kaba horayn ayuu yiri waxa ay asaagood la qaybsanayaan waxa ay qabaan, tanina sida runta ah qalbigayga waxa ay ku dhalisay ama ku reebtay raynrayn wayn iyo yididiilo hagaagsan oo ku jeeda
mustaqbalka.
Waxaan is iri adigaaban war badan haynine tani malaha waxa ay qayb ka tahay talaabo horumar leh oo ay ardayda Soomaalidu xaga hore u qaadeen, Waxa kale oo uu madaxa ururku Sheegay, in arday Soomaaliyeed oo gaaraysa ilaa iyo 800 boqol oo arday ay maanta u xaraysan yihiin, ama ay fadhiyaan kuliyadaha waxbarashada sare ee Gobolkan Minnesota, hadii ay markaa noqon lahayd Jaamacadaha ama kuliyadaha waxbarashada sare ee heerka koowaad, tan oo buu yiri aanu kaga duwanahay Jaaliyado badan oo iyagu degan gobolka.
Sanad un kama aysan soo wareegin goortii gabadh iyaduna ka mid ah gabdhaha Soomaaliyeed ee Gobolkan, ay usoo hoydan magac iyo muunad Ummadda Soomaaliyeed markii ay qofka labaad noqotay, mid ka mid ah kuwa ugu caansan Dugsiyada sare ee Gobolkan Minnesota, Gabadhan oo magaceeda la yiraahdo
Nagi Cabdulaahi Maxamed, tan oo uu gudoonsiiyay ninka madaxda ka ah gobolkan oo isaga qudhiisu ka baxay isla Schoolkaa, arintan dad badan oo aan anigu ugu horeeyo wa aysoo jiidatay indhahooda, waxa ayna noqotay arin aad iyo aad loogaga helay oo in badan oo Soomaalida ahu ay u
riyaaqday.
Intaa oo keliya ma aha, waxaa iyaguna sidoo kale jira arday badan oo dhigata dugsiyada Hoose/Dhexe ee gobolka oo iyaguna sidaasoo kale soo hoyay guulo waawayn, ardayda kuliyadaha waxbarashada sare ayaa iyagu intooda badan waxa ay heleen ama la siiyay Waxbarsho markaa Bilaash ah, oo ay hay'ado dowli ah iyo kuwa aan doowli ahaynba bixinayaan, tan oo ay ku heeleen dadaalkii waxbarasho ee ay muujiyeen xiligii ay ku jireen dugsiyada sare, waxaa la odhan karaa waxa ay tani asataan u tahay dadaalka xooga badan ee ay ku talaabsadeen iyo waqtiga ay geliyeen si ay u higsadaan ujeedooyinkoodaa hagaagsan.
Waxaa kale oo aan aad ola yaabay mar uu ii sheekeeyay nin dhaliiyaro ah, oo isagu arday ka ah mid ka mid ah dugsiyada sare ee Gobolka, Waxa uu yiri "nin macalin ii ahaa ayaa I waydiiyay sababta aan sidan ugu dadaalayo" Anigu waxaan isu haystay in aan ahay nin dadaalkiisu aad u yar yahay wuxuu yiri "waan la yaabay sida aad waxbarashada ugu
xidhxidhteen" Macalinkii waxa uu galay sheeko dheer oo uu ka waramay dadkii qaxootiga ahaa ee yimid dalkan iyo sida ay qoli waliba xalkeedu ahaa hadalkiisii waxa uu kusoo gabagabeeyay
"Waan ogahay sababta dadaalkan wayn idin ku dhaliyay, waxaad soo aragteen wax dhaliinyarda carigan ku dhalatay aysan iyagu arag, dagaal, rafaad iyo darxumo oo dhan, markaa macne wayn bay idiin samaynaysaa in aad aragtaan khayrka halkan yaala haday waxbarasho noqon lahayd ama
shaqadaba."
Waxa ay aad u hadal hayaan dad badan oo u dhashay wadankan marka aad la kulanto, lacagahan faraha badan ee ay u dirayaan dadku, eheladooda ku dhaqan dunida inteeda kale gaar ahaan dalkii aynu ka nimi ee Soomaaliya…iyo weliba dadaalka waxbarasho, kan ay ku talaabsadeen maanta arday badan oo Soomaaliyeed, waa marka laga hadlayo gobolkan Minnesota.
Aniga oo taa ku raad jooga ayaan bilaabay in aan bal soo maro dhamaan dugsiyada Hoose/Dhexe iyo kuwa sareba, si markaa bal aan aniga iyo adiguba u ogaano heerka ay gaarsiisan yihiin ardayda Soomaaliyeed ee Gobolkan Minnesota.
Waxa uu noqday Schoolkii ugu horeeyay ee aan soo maray maanta Pillsbury School oo isagu ka mid ah dugsiyada hoose ee Gobolkan Minnesota, kan oo si gooni ah loogu barto Sayniska, Xisaabta, iyo Technology-ga. Waxaan halkaa kula kulmay arday Soomaaliyeed oo ay da'doodu u dhaxayso 5jir ilaa 14jir, kuwan oo ku kala jira Fasalka koowad ilaa iyo fasalka lixaad ee uu ka kooban yahay Dugsigaa.
Dugsigan waxaa dhigta arday ka kala timi ilaa iyo 50 dal oo dunida ah, Kenya, Soomaaliya, Sudan, Zair, Kambodiya, China, Japan, Lous, phili, iyo kuwa kale oo farabadan, waxa sida badan xooga la saaraa, Math, Science, iyo Technology, tan oo ujeedada ka dambaysaa ay tahay sidii ay awood ugu yeelan lahaayeen ardaydu marka ay dhamaystaan xiliga waxbarashadooda in ay u gudbaan, Kuliyadaha gaarka u ah maadooyinka Science-ka iyo Math-ka, oo ku sii il daran carigan aan imika ku suganahay.
Dr. John Googins, oo isagu ah madaxa Dugsiga, ayaa subax walba marka uu jedinayo Erayga Aroorayada ku fura salaanta mid ka mid ah 50kaa dal ee ay ardayda Schoolka dhigataa ka kala yimaadeen, subaxa Soomaalida waxaan maqlaa
Asalaama Calaykum, halka subaxa Yahuuda uu ku salaamo Shaloom, sidaasoo kale ayuu jaaliyadaha kalena ugu salaamaa mid ka mid ah subaxyadaa salaantooda, tan ayaa ah waxa sida goonida ah uu ugu faano Dugsiga Science-ka, Math-ka iyo Technology-ga ee Pillsbury.
Waxa uu Schoolku leeyahay.
Xanaanada Caruurta oo maalinta oo dhan ah iyo mid gelin ah. Barnaamij gaar oo loogu tala galay ardayda uusan af-ingiriisku ahayn luqadooda koowaad, sida Hmong-ka iyo Soomaalida.
Barnaamijyo u gaar ah qooysaska, Daryeel gooni ha oo loogu tala galay ardayda sida goonida ah Ilaahay hibada u siiyay
Xanaanada Caruurta, tan ay doowladu leedahay, Waxbarashada Gaarka ah oo iyana loo qoondeeyay ardayda ay si wax ka yihiin.
Qunsuliyada ardayda. Barnaamijyada lagu soo bandhigo qaabka araga.
Qalabka Schoolku leeyahay.
Xarun wayn oo cilmi baaris tan oo ay u dhanyihiin dhamaan qalabka loo baahanyahay, sida Computer Lab, oo Internet-kuna ku xiranyahay.
Waxa uu dhinaca ku hayaa dhismaha beerta Windsom, iyo garoonka Ciyaaraha. Bandhig Science-ka, oo xili xili loo qabto.
Abaal marinta macalinka ku gulaysta in uu qayb ka qaato Barnaamijka loogu magac daray horumarinta Science-ka iyo Xisaabta.
Damaanad qaad ku jeeda, abaal marinta macalin walba oo tayo hagaagsan muujiya, waa marka laga hadlayo tan ku jeeda Science-ka iyo Xisaabta.
Maalin si dhan loogaga sheekeeyo dhamaan ardaydaa kala duwan dalalkii ay ka yimadeen iyo dhaqankooda.[PEDS].
Ardayda dhigata School-ka Pillsbury ayaa gaaraysa marka laga bilaabo xanaanada Caruurta ilaa iyo fasalka 5aad 604, kuwan oo ay dhalashadoodu kala tahay
sidan.
No. |
Nooca |
Tirada |
1 - |
Afrikan |
45% |
2 - |
Asia |
11% |
3 - |
Amerikanka
dhaladka ah |
4% |
4 - |
Isbaanish |
4% |
5 - |
Amerikanka Cadcad |
35% |
Macalimiinta iyo kuwa saacideeyaba waxa ay gaarayaan 90 qof, kuwan oo 69% haysta shahaadoyin sare, oo la xidhiidha madaada ay markaa dhigayaan.
Waqtiga daraasada Schoolka ee maalin kasta waa 345 daqiiqo, ama 5 Saacadood iyo 45 Daqiiqo. Ardayda ayaa waqtigooda intiisa badan waxa ay ku qaataan Akhriska af-ingiriisida iyo xalinta qaybo badan oo ka mid ah xisaabta. Waqtiga inta soo hartana waxa ay xooga saaraan Science-ka, Cilmiga Bulshada, Technology-ga, Caafimaadka, Farshaxanka iyo Maadada Jimicsiga.
Intaa waxaa soo raaca barnaamij si gooni ah loogu tala galay ardayda markaa uusan ahayn af-ka ingiriisidu af-kooda hooyo, ama luqadooda koowaad, kuwan oo laga saacideeyo sidii ay u gaari lahaayeen kuwa asaagood ah ee dhigta Schoolka, ardaydan waxaa u dheer fasaalada Joogtada ah ee ay qaataan maalin walba, kuwa kale oo dhinac socda, kuwan oo lagu dhisayo aqoontooda si ay isku filaasho oga gaaraan dhan walba, barnaamijkan oo lagu magacaabo [ELL] English Language Learner. Adeegan isaga ah waxa hela oo keliya arday qiyaastii gaaraysa 28% tirada ardayda dhigata Schoolka, Waxa ay wax walba ku qaataan afkooda hooyo, si markaa ay u tagaan fasalkooda iyagoo fahamsan waxa uu macalinku ka hadlayo.
Adeegan ELL-ka waxaa ka shaqeeya, hal xidhiidhiye, sadex macalin iyo laba kalkaaliye, Kuwan oo si joogta ah ugu hoowlan sidii ay u gudan lahaayeen xilkaa dhabarka loo suray.
Dugisga Pillsbury, Maamulka iyo macalimiintuba waxa ay aaminsanyihiin in ardaygu waxbaran karo, hadii markaa uu si joogta ah u yimaado Schoolka, Hadii ay shaqeeyaan ardaydu inta awoodooda ah, hadii ay xaliyaan shaqada aqalka ee Schoolka laga soo siiyo, waxaan shaki ku jirin sida ay ku warameen khubaro badan oo taa aqoon dheeraad ah u leh in ay waxbaran karaan, maalin una ay gaari doonaan halka ay higsanayaan..
Bal u fiirso dabagal lagu sameeyay mudo afar sano ah ayaa tilmaamaya in intii u dhexaysay sanadihii 1997 - 98 ay 72% ardayda Schoolka ka maqnaayeen in kabadan sideed cisho, 1998 - 99-kiina tiro intii xoogaa kabadan oo ahayd 77%, 1999 - 2000-kiina isla tiradaa un 77%, tan oo la isla qiray in ay dib u dhac wayn ku keeni karto waxbarashada ardayda.
Schoolka Pillsbury ayaan ardayda ugu dulqaadan wax ka badan 8 maqnaansho, oo aan cududaar lahayn, ardayda ay tani ku cadaato ayaa inta badan ay dhibaato oga timaadaa, sidii ay markaa daraasadoodaa u sii dhamaysan lahaayeen.
Mar aan wax ka waydiiyay Maryan Cali oo iyadu macalimad ka ah Dugsigaa sida ardayda Soomaaliyeed ay waxbarashada ku yihiin, waxa ay ii sheegtay in aradayda Soomaaliyeed ay imika u muuqanayaan kuwo mustaqbalkoodu ifayo, Marka si guud looga hadlo bay tiri maryan ardayda Soomaaliyeed kuwa aanu Jaamacada isla dhigano iyo kuwa aan wax u dhigaba waxa ay u muuqanayaan in ay Soomaali meel ay joogtaba usoo hoyayaan magac iyo muunad, waanan rajaynayaa in ay taasi dhacdo.Waxaa kale oo aan isaguna kula kulmay halkaa nin dhaliinyaro ah oo Soomaalida reer Minneapolis intooda badani ay yaqaanaan,
Maxamuud Wardheere oo isagu hada ka hor mar u dhowaadey in uu noqdo duqa magaaladan Minneapolis, Wardheere waxa uu saacidaynayay goortaa aan la kulmay qaar ka tirsan aradayda dhigata Schoolka, Isaguna sida Maryan ayuu aad ugu rajo waynaa in ay ubadka Soomaaliyeed usoo hoyi Doonaan guul wayn ummaddooda
Fiiro Gaar Ah.
Hadii ay Jiraan warbixino aad hayso kuwan oo la xidhiidha ama ka waramaya waxbarashada gobolka aad joogto, ama dalka aad ku sugantahay fadlan isku day in aad kusoo hagaajiso Eimailkan, aqoon@somalitalk.com
anaguna waxaan isku dayi doonaa in aan gaarsiino dadka ku sugan dunida ee markaa iyagu ku hadla
Af-Soomaaliga, haddii Allah ogolaado.
SheriffOsman Pillisbury Math, Science, And Technology. editor@somalitalk.com
Dhamaan Xuquuqda Sawirada iyo qoraalkaba waxaa Iska leh
WWW.somaliTalk.com
Gabdhaha Soomaalida ee dhigta Dugsiga Sare ee Mankato oo waxbarashada guul ka gaarey
Warbin uu wargeyska Mankato kadiyaariyey gabar Soomaaliyeed oo guul kagaartay waxbarashada
AKHRI.HALKAN
Shirweynihii Soomaaliyeed ee Minnesota oo si weyn Looga Soo qaybgalay
Warbixintii shirkii Soomalida ee Xalay laguqabtay Minneapolis oo lagu tilmaamay kii ugu ballaaraa oo lagu qabto meel kabaxsan Soomaaliya..
AKHRI.HALKAN
AF-SOOMAALIGA OO QARKA USAARAN KASUULIDDA LUQADAHA AFRIKA
Dhibaatooyinka hor leh ee Soomaalida qarnigan waxaa kamida Afkooda oo... AKHRI.HALKAN
FAAFIN: SOMALITALK | Janaayo 13, 2002
DISTRIBUTED VIA SOMALITALK.COM
|