.


SOMALITALK.COM | Home | FreeWeb | FreeEmail | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m

IQRA RADIO
Warbixin Ku Saabsan Idaacada IQRA FM - Nairobi Kenya:-

asad Warbixintii Asad Cadaani
acadaani@yahoo.com
Nairobi, Kenya

Janaayo 10, 2002

Saacadu markay tahay 2:00 duhurnnimo ee geeska afrika waxaa xaafada Islii ee Nairobi Kenya dhagahaaga ku soo dhacaaya Idaacad Af-Soomaali ku hadlaysa ,Idaacadaas oo dhamaan dad weynaha Soomaaliyeed ee Nairobi ku nool oo lagu qiyaaso tobanaan kun si joogta ah oo xiisaleh u dhagaystaan ,isla markaana ay ka helaan wararka dalka iyo dibadaba gaar ahaan kuma Soomaaliya khuseeya oo ay idaacadu xoogga saarto .

Ridwaan Xaaji C/wali, Weriye kamida idaacada IQRA FM
Laanta AF-Soomaaligu waxay maalin walba hawada ku jirtaa hal saac 2:00 ilaa 3:00 ,taas oo u suurta gelisay Soomaalida Nairobi ku dhaqan inay wararka aduunka si baaxad weyn u la socdaan , xilligaa aynu soo xusnay saacadu markay gaadho Xaafada Islii waxay in’dhahaagu qabanayaan dad tukaamada hortooda iyo meelkasta oo idaacadi ka baxayso ku xoonsan ,xataa taxi-siilayaasha ayaad arkaysaa oo ay u wada saaran tahay.

Idaacada IQRA waxay tartan kula jirtaa Laanta AF-Soomaaliga ee BBCda ,gaar ahaan wararka aduunka iyo kuwa Soomaalida oo marka shir lagu qabto Nairobi ama meel kale oo aduunka ka mid ah isla markaana khuseeya Soomaalida,IQRA si deg dega ayey u soo gaadhsiisaa Soomaalida ku dhaqan Nairobi wararkaas, intaas waxaa u sii dheer waraysiyo dhaadheer oo ay siyaasiyiinta Soomaalida la yeeshaan oo aanay Idaacada BBCdu awood u lahayn waqtigoo ku yar awgii inay sii dayso ayey IQRA siidaysaa.

Idaacadan waxaa ka shaqeeya wariyaaal Soomaaliya caanka ahaa oo raadyow muqdisho ka soo shaqeeyey xilligii dawladii hore ee Soomaaliya sida Max’med Aadan Xirsi (TEERA), Yaasiin Ciise Wardheere, C/qaadir Max’med Mursal iyo Khadiija Mayoow Abuukar , waxaa kaloo iyaguna ka shaqeeya Ridwaan Xaaji C/wali iyo Axmed-Yaasiin Max’med Sooyaan .

Waxaa Idaacada IQRA FM la furay markii ugu horaysay 27 july ee sanadkii 2000. sababta loo furay waxay ahayd in la helo Idaacad ka duwan Idaacadaha kale ee dalkan, taas oo xooga saarta barnaamijyada diinta Islaamka, wararka caalamka oo tafaasiil ah iyo barnaamijyo marba lagaga doodo waaqica taagan.
Daarta Xarunta u ah Idaacada IQRA FM, Nairobi, Kenya

waxay Idaacadu wararka iyo barnaamijyada ku tebisaaluqadaha:-1-Ingiliish 2-Kiswahili 3-Soomaali 4-Urduu. Shaqaalaha guud ahaan ka sheqeeya Idaacada waxay tiradoodu tahay 30 qof oo isugu jira wariyayaal, farsama yaqaano iyo caawiyayaal.

Waxaa agaasime guud ka ah Idaacada Sh. Axmed Khaliif Maxamed oo horay u ahaa waziir kuxigeenka wazaarada warfaafinta kenya isla markaana ah xoghayaha guud ee ururka muslimiinta ee marka lasoo gaabiyo loo yaqaano (SUPKEM), waxaana ku xigeen u ah Cali Aadan Maxamed.

Laanta Afka Soomaaliga waxaa markii uugu horaysay si rasmi ah loo nidaamiyay oo loo furay 18 sept sanadkii 2000, waxaana ka sheqeeya 6 wariyayaal oo kala ah:

  1. Maxamed Aadan Xirsi Terra oo haatan ah madaxa Laanta Af-Soomaaliga
  2. Yaasiin Ciise Wardheere
  3. Ridwaan Xaaji Cabdiweli
  4. Cabdi Qaadir Maxamed Mursal
  5. Axmed Yaasiin Maxamed Sooyaan
  6. Khadiijo Mayoow Abuukar.
Agaasiimaha idaacada IQRA FM, Shiikh Axmed Khaliif

Barnaamijyada laanta AF-Soomaaliga ka baxaa waxay ka kooban yihiin.

  • warka maalin walba 15 daqiiqo
  • barnaamijyo gaar ah oo inta badan lagu waraysto siyaasiyiinta aqoonyahanada iyo wariyayaasha.
  • todobaadka iyo caalamka islaamka
  • afrika iyo todobaadka
  • waxyaabaha ay qoraan wargaysyada caalamka iyo kuwagudaha
  • faaqidaada todobaadka iyo aduunka
  • isniinta iyo isboortiga
  • kaymaha nolosha
  • waxbarashada
  • barnaamijka caafimaadka
  • barnaamij diini ah oo layiraahdo(mawduuca jimcaha)
  • casharka tafsiirka quraanka oo maalin walba baxa.

Asad Cadaani Ibraahim (Isxabaal)
Nairobi, Kenya
acadaani@yahoo.com

Janaayo 10, 2002


FAAFIN: SOMALITALK.COM | 2002


QORAALADA CADDAANI:
1 | 2 | 3 | 4 | 5 | 6 | 7 | 8 | 9 | 10 | 11 | 12 | 13 | 14 | 15
MACLUUMAAD

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Kor/up
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
MASJIDKA ABUBAKAR
abubakar Mashruuca Masjidka Abubakar
Warbixin kusaabsan halka uu marayo Mashruuca Abubakar As-Saddique ee Minnesota Ka akhri halkan
TAARIIKH SOOMAALI KOOBAN

1,500 BC Fircoonkii laoranjirey  Seankhane Menthuhoteps IV ee Thebes ayaa sahan safar badeed usoodiray xeebaha Soomaaliya, kuwaas oo loo aqoonjirey dhulkii uduga "The Land of Punt."

7-900 AD Carab  iyo Beershiyaan [Persians] ayaa xiriir layeeshay jaaliyaadihii kunoolaa xeebaha Saylac, Muqdisho, Marka iyo Baraawe.

1528-35 AD Ahmed "Gurey" ayaa dagaal lagalay Abyssinians isagoo siweyn isaga difaacay ilaa ay usoo hiiliyeen ciidan hubaysan oo Bortuqiis ah [Portugese musketeers].

1889 Kadib markii ay heshiis  galeen Suldaano iyo Ingiriiska  ayuu Woqooyiga Soomaaliya ka dhaqangeliyey Somaliland.

1894 ayaa heshiiska loo yaqaab "Tripartite Accord" waxaa wada garey Ingiriiska [Great Britain], Talyaaniga [Italy], iyo Itoobiya [Ethiopia], kaas oo kusaabsanaa dhulka Soomaaliya. Talyaaniga waxaa lasiiyey dhulka soo eegaya badweynta Hindiya oo waagii dambe loo bixiyey Italian Somaliland. Heshiiskaasu wuxuu aqoonsaday in Mililikh [Menelik] uu qaato dhulka galbeed ee Soomaaliya ee loo yaqaan Ogaden.

1899 Maxamad Cadulle xasan ayaa la dagaalamay wadaamada Ingiriiska [British], Talyaaniga iyo  Ethiopia.

1940 Talyaaniga ayaa qabsaday dhulkii ingiriisku qaatay ee Somaliland, qabsashadaasi muddo badan masii jirin.

1947 Waxaa la asaasay xisbigii dhallinyatada Soomaaliyeed ee SYL [Somali Youth League], oo ahaa xisbigii siyaasiga ahaa ee ugu horreeyey Soomaalida cusub.

1950 Qaramada Midoobey [UN] ayaa dhulkii talyaanigu haystey ogolaatay xorimo gaarsiin oo uu talyaanigu sii hayo.

1955 Ingiriiska ayaa gobolka loyaqaan Reserved Area (Ogaadeenya) iyo Hawd kuwareejisey Itoobiya.

1960 bishii  June 26keedii ayaa Somaliland kaxorowdey xukunkii Ingiriiska. bishii   July 1deedii isla sanadkaas ayaa Soomaaliya intii uu Talyaanigu siihayey xorowdey oo ay labadaas qaybood midoobeen.

1961 ayaa lasharciyeey isku taggii labadii qaybood ee Soomaaliya markas xorta kanoqotay.

1970 Xukunkii shacabku soo doortay ayaa latuuray, waxaana la wareegey militari.

1976 Waxaa la asaasay xisbigii Hantiwadaaga kacaanka Soomaaliya [Somali Socialist Revolutionary Party - SSRP]

1977 Waxaa Ogaden kudagaalamay Soomaaliya iyo Itoobiya. Sannadkii 1978 ayaa Soomaaliya dib u giratay, waxaana sannadkii 1988 heshiis nabadeed kala saxiixday Soomaaliya iyo Itoobiya, laakiin Soomaaliya kama noqon sheegashadii Ogaadeenya.

1978 bishii December 26keedii ayaa Addis Ababa  lagu asaasay  SSF [Somali Salvation Front].

1980 bishii October 21keedii ayaa wadanka Soomaaliya lageliyey Heegan [State of Emergency].

1981 bishii April 6deedii ayaaLondon, UK  lagu asaasay SNM [Somali National Movement].

1988 ayaa la asaasay USC [United Somali Congress].

1990 Bishii December ayaa dagaal kaqarxay Muqdisho, Janaayo 1991 ayaa siyaad Barre kabaxay Muqdisho, kadib markii ay dagaal kagahoryimaadeen USC. Dawladii Militariga ahaydna kudhacday.
ISHA.QORMADAN



Copyright © 2002 somalitalk.com. All rights reserved. Privacy


Saxaabada | Baro-HTML | Zakaat | Xajka | Sombeauty | Kids-Safety