S o m a l i T a l k . c o m
Online Community
SHIIKE COLUMN
Socdaalkii dheeraa ee Shiike
Guji halkan
SICIID COLUMN
Dagaalka Argagixisada iyo Soomaaliya …Faaalo (1)
Guji...
INGIRIIS COLUMN
Habeen madow ayuu la wareegay..
Guji halkan
Qoraalkii Hussein Hagi
BURURKA MUUQDA EE INA SALAT HASAN
Guji halkan
SAAHID COLUMN
Qura,aanka iyo sayniska
Guji halkan
XAAMUD COLUMN
Ahmiyadda dhismaha masaajidyaada
Guji halkan
CALI-NUUR COLUMN
Taariikhda Soomaaliya iyo Xabasha
Guji halkan
SOMALI REFUGEES
Xaqooxiga Soomaalida ee Kenya iyo Yaman
Guji halkan
Qoraalkii Saciid Ciise
Qosolka Dhurwaaga ragba run u moodey
Guji halkan
MADAXWEYNAYAAL
Aadan Cabdullah Cusmaan
1 Jul 1960 - 10 Jun 1967
Cabdirashiid Cali Sharmaarke
10 Jun 1967 - 15 Oct 1969
Sheekh Mukhtar Maxammad Xuseen (Kusime)
15 Oct 1967 - 21 Oct 1969
Maxamad Siyaad Barre
21 Oct 1969 - 27 Jan 1991
Shirkii Jabuuti: Cali Mahdi Maxamad
29 Jan 1991 - ( 3 Jan 1997)
............
Cabdiqassim Salaad Xassan
27 Aug 2000 - Hadda
RA'IISULWASAARAYAAL
Maxamad Xaji Ibrahim Cigaal
26 Jun 1960 - 12 Jul 1960
Cabdirashiid Cali Sharmaarke
12 Jul 1960 - 14 Jun 1964
Cabdulrasaaq Xaji Xuseen
14 Jun 1964 - 15 Jul 1967
Maxamad Xaji Ibrahim Cigaal
15 Jul 1967 - 1 Nov 1969
Maxamad Siyaad Barre
1 Nov 1969 - Mar 1970
Maxamad Cali Samatar
1 Feb 1987 - 3 Sep 1990
Maxamad Xawaadle Madar
3 Sep 1990 - 24 Jan 1991
Cumar Carte Qaalib
24 Jan 1991 - 3 Jan 1997
...............
Cali Khaliif Galaydh
8 Oct 2000 - 28 Oct 2001
Xasan Abshir Faarax
12 Nov , 2001 - Hadda
XASAN ABSHIR FAARAX
Profile | CV

.Home | FreeWebsite | FreeEmail | TellFriends | Search | Feedback | News
w w w . s o m a l i t a l k . c o m

SOMALITALK NEWS
Ciise Dhollawaa oo keenay Saddexdii gabdhood

Saacadu markay ahayd 8:45 fiidnimo (26/12/01) ee waqtiga Melbourne waxaa Airport-ka Tuullamarine International Airport ka soo degay Ciise Mohamud Faarax (dhollawaa) oo wada saddex gabdhood oo Somaaliyeed oo u Puntland uga soo qaaday si degdeg si caafimaadka wax loogaga qabto dalka Australia Magaalada Melbourne. Waxaa halkaas Ciise iyo carruurta ku soo dhoweeyey dadweyne aad u fara badan oo reer Melbouurne ah, kuwaas oo aad uga murugooday dhibta ka muuqata carruurtaas yaryar, khaasatan gabadha yar oo iyada oo aan waxba galabsan xabbadi jirkeeda u geysatay dhibaato aan laga sheekayn karin.

Ciise wuxuu magaalada Melbourne ka ambabaxay 14/12/01 ka dib markuu isku dubariday qaabkii lagu keeni lahaa gabdhahaan (Aisha Isse Mohamed, Faduma Arab Said iyo Saida Abdi Mohamed) oo muda 6 bilood ah macaamiladoodu socotay kana dhalatay socdaalkii dheera ee uu Ciise ku tegay Dawlad goboleedka Puntland, halkaas oo uu geeyey dad dhakhaatiira iyo dadka maamula hayáda carruurta gacan ku hayntooda yeellan doonta. Ciise oo intuu maqnaa badankeed safar ku jiray wuxuu sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay in carruurtani hesho daaweyn heer sarre ah, wuxuuna mahadnaq gaara u celiyey dadweynaha Soomaaliyeed iyo kuwa Islaamka ah sida biniaadanimada ah ee ay ugala qaybqaateen hawshaan in kastoo ay jireen shakhsiyaad Soomaaliyeed oo isku deyey inay hawshaan carqaladeeyaan (faahfaahinta arrintaan gadaal ayaan idin kala socodsiin doonaa).

Dadweynaha akhrista Somalitalk waxaan la socodsiin doonaa wixii ku soo kordha carruurtaan xaalladooda. Sawirada ugu dambeeyeyna waa soo diri doonaa.

Waxaa soo diray

Cumar Mohamud Faarax (dhollawaa)
dhollawaa@bigpond.com
Tel: 613 9376 5486
Fax: 041 988 1826


Ciise Dhollowaa iyo Saddex Gabdhood oo Qalliin Degdega u Baahan oo Kasoodegey Melbourne

Somalitalk Dec 27, 2001 - Waxaa xalay 26ka December ka soo degey gegida dayuuradaha ee magaalada Melbourne, Ciise Maxamud Dhollowaa iyo sadex gabdhood oo yar yar ah oo uu ka soo qaaday magaalada Bosaaso.

Gabdhhaasi waxay kala yihiin Sucaad Cabdiraxmaan oo ah gabadha afka xabadu kaga dhacday, Caasho Ciise iyo Faadumo Carab oo labaduba u baahan in wadnaha laga qalo labadaba. Caruurtaas asbuucan wey nasanayaan, asbuuca soo socda ayaana la geynayaa cisbitaalka caruurta ee Royal Children Hospital ee magaalada Melbourne oo ah cisbitaalka lagu qalyo.

Sida loo soo dhoweyey iyo warkan oo faahfaahsan gadaal ayaan idiinka soo gudbindoonaa.

SomaliTalk | Dec 27, 2001

Updated: Dec 28, 2001

Safarkii Mucaawano Raadinta1 | 2


Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
Usheeg Asxaabtaada | Talo Bixin
Allah Is Great



Copyright © 2001 somalitalk.com. All rights reserved. Privacy


Saxaabada | Baro-HTML | Zakaat | Xajka | Sombeauty | Kids-Safety