Gogoldhig
Ilaa
iyo intii uu dagaalka Afghanistan bilaabmay bishii October su’aasha ay
iswaydiinayaan in badan oo ah dadka faaleeya siyaasada aduunku waxa ay ahayd
meesha uu Maraykanku duqayn doono Afgaanistaan ka dib. Jawaabta su’aashan waxa
ka jawaabi kara oo kaliya dadka uu gacanta ugu jiro qaraarka wadanka
Maraykanku iyo xulafadiisa u dhawdhaw.
Is Somalia Next Target for U.S.? BRUSSELS, Belgium (AP) -- A senior German official said Wednesday that the
United States had marked war-ravaged Somalia as the next target in its global
fight against Osama bin Laden's terrorist network, but Defense Secretary Donald
Rumsfeld said the report was ``flat wrong.''
The German official, speaking on condition of anonymity, said it is no longer
a question of whether to go after al-Qaida in Somalia, but only when and how.
That account was quickly denied in Washington.
``The German was wrong. He didn't mean to be, and he's probably sorry, but he
was flat wrong,'' Rumsfeld said.
More... | Dec 19, 2001
|
Sidaas oo ay tahay hadana waxa jirta
warar soo duulduulaya oo ka imanaya xagga Maraykanka iyo xulafadiisa kuwaas oo
sheegaya in ay jiraan wadamo dhawr ah oo laga yaabo in ay noqan
karaan kuwa uu Marykanku ku
sii jeedin doono xoogiisa marka uu ka soo dhamaado Afghanistan.
Wadamadaas
dhawrka ah waxa ka mida Soomaaliya. Maalmahan danbena waxa sii xoogaysanaysa
wararka sheegaya in Soomaaliya ay noqonkarto ta ku xigi doonta Afgaanistaan.
Dooda socota waxa aad moodaa in ay ka taagantahay (sida uu u sheegay Reuter nin
ka tirsan dawlada Jarmalka oo arkay qorshaha Marykanka) qaabkii looga hawl gali
lahaa Soomaaliya ee ma aha ma laga hawlgalayaa Soomaaliya.
Ma rabo markaa in aan
saadaaliyo in Soomaaliya duulimaad lagu qaadi doono iyo goorta lagu qaadi doono,
taas waqtiga ayaan u dhaafi laakiin su’aalaha aan doonayo in aan ku faaleeyo
maqaalkani waxa weeye laba su’aalood. Ta koowaad Soomaaliya ma tahay wadan “
argagixiso” degentahay oo khatar ku ah amaanka aduunka oo mudan in lagu duulo.
Ta labaadna waxa weeye, yaa u sabab ah in Soomaaliya noqoto mid maanta meelo
badan oo aduunka ah looga arko hoy “argagixiso” iyo in
ay khatar ku tahay amaanka aduunka. Su’aasha hore waxaan kaga jawaabi
qaybta kowaad ee maqaalkan ta danbena hadii Alle idmo waxaan ku eegi qaybta
labaad ee faaladan.
Soomaaliya
Ma tahay Hoy argagixiso
Wadama
reer Galbeedka ah qaarkood oo uu u horeeyo Marykanku, qaar ka mida wadamada
jiraanka la ah Soomaaliya sida Itobiya iyo waliba qaar ka mida siyaasiyiinta
Soomaaliyeed ayaa aaminsan in Soomaaliya ay tahay wadan
hoy u ah (ama u noqon karata) qaar ka mida ururada “argagixisada”
caalmku raadinayo. Ma garanayo daliilaha qarsoon ee ay
hayaan qolooyinkani laakiin daliilaha muuqda ee ay ku andacooyin waxaa
lagu soo koobi karaa:
1.
Soomaaliya waa wadan aan lahayn nidaam xoog leh oo ilaalin kara xuduudaka
iyo xeebaha dhaadheer ee Somaaliya. Tani waxa ay
fursad siinaysaa( ayay aaminsanyihiin) in argagixisada caalamiga ahi ay
wadan sidan oo kale ah hoy ka dhigtaan, sababta oo ah cid ogi ma jirto waxa ka
dhex socda wadankan oo kale. Duruufta noocan ah ee Soomaaliya ku suganthay ayaa
keentay in ay ka samaysmaan Soomaaliya (sida ay ku andacoonayaan) xerooyin lagu
tababaro “argagaxisada".
2.
Waxa ay aaminsanyihiin
in ururka Al-Itixaad uu yahay urur is bahaysi la leh ururka Al-qaacida oo ah
ururka uu Maraykanku ku tuhunsanyahay qaraxii ka dhacay wadanka Marykanaka. Waxa
ay ku andacoonayaan in Al-itixaad uu magan galiyo amaba magan galin karo
mustaqbalka madaxda ururadan la baadi goobayo.
3.
Usaama bin Laadin oo sheegtay in ururkiisa Al-Qaacida tababaray kooxohii
la dagaalamay Marykanka 1993, sidaas oo kale waxa uu sheegtay in qaar kamida,
kuwii dagaalkaa ka qaybqaatay ay ahaayeen
xubno ka tirsan ururkiisa Al-qaacida. Tani waxa ay daliil u tahay ayay
leeyihiin in Al-Qaacida uu Soomaaliya fadhiisimo ku leeyahay.
4.
In hujuumkii lagu qaaday safaaradaha Marykanka ee Nairobi iyo Tansania la
tuhunsanyahay in laga soo abaabulay Soomaaliya
Kuwaas
weeye daliilaha ugu xooga badan ee ay cuskanayaan qolooyinkani . U malayn maayo
si kasta oo ay Soomaalidu uga doodaan arimahaa kor ku sugan
ama ay isugu dayaan in ay qanciyaan aduunka in uu Marykanku dhagaysanayo,
waa hadii uu isku qanciyo in Soomaaliya ay khatar ku tahay nabadiisa iyo ta
caalamkaba amaba uu ujeedooyin kale oo qarsoon ka leeyahay Soomaaliya. Sidaas oo
ay tahay hadana waxa aan isku dayi in aan wax ka idhaahdo nuqdooyinkaa afarta ah
ee in badan oo wargaysyada caalmku iyo siyaasiyiin badani ay ku soo
celcelinayaan.
Nidaam
Dhaxe oo xoog leh ma jiro Soomaaliya:
Waa
run in aan Soomaaliya aanu ka jirin nidaam xoog leh oo ka war haya wadanka oo
dhan. Taas oo jirta hadana waxa la
og yahay in ay mandaqad kasta oo wadanka ah uu ka jiro nidaam ay isku waafaqeen
dadka ku nool mandaqadaasi. Tani waxa ay fududaynayasaa in la ogaado waxa ka
socda mandaqad kasta oo wadanka ka mida. Hadii ay jiraan markaa meelo ay ka
furanyihiin xerooyin lagu tababaro “argagixiso” waxaan shaki lahayn in ay u
muuqan lahaayeen xerooyinkaasi dadyowga deggan degaanadaa. Ilaa iminkana in
kasta oo la sheegsheegay in ay jiraan xerooyin lagu tababaro “argagixiso”ma
jiro daliil qudha oo la soo bandhigay oo cadaynaysa arintaa. Taa waxaa ka soo
horjeeda, in dad badan oo ah dadka
u kuurgala siyaasada Soomaaliya qaarkoodna ayba ka shaqeyeen wadanka ay ka
marag kaceen in wax xerooyin ah oo “argagixiso” lagu tababaraa aanay
wadanka ka jirin. Waxa ka mida dadkaa ergaygii u qaabilsanaa qaramada midoobay
arimaha Soomaaliya, ergayga Yurub u qaabilsan Soomaaliya, xoghayaha guud ee
qaramada midoobay, suxufiyiin iyo dad badan oo akadamiyiin ah.
Al-itixaad
iyo Siyaasada Soomaaliya:
Afrika, Islaamka iyo argagixisada
Dhegeyso Halkan(real)
ama halkan(windowsmedea)
Washington, DC - Kulan dheer oo lagagahadlay "Afrika, Islaamka iyo argagixisada" ayaa siweyn loogu falanqeeyey Soomaaliya, taas oo Khubaro Maraykan ah ay Kadigey in Lagudegdego Soomaaliya KA.AKHRI.HALKAN
|
Itixaadku
waa urur ka mid ahaa ururada Islaamiga ah ee Soomaaliya. Shaki ma laha in marar
ka mida 10 kii sanno ee tagay in uu isku dayay in uu xoog ku qabsado meelo ka
mida wadanaka soomaaliyeed taas oo aad odhan karto waxa uu kala mid ahaa
aragtidayda ururadii badanaa ee ku tartamayay ka talinta wadanka. Natiijooyinkaa
ka dhashay dagaaladaa uu galay itixaadku waxa ay keentay in uu dib
dhac ku yimaado dhismihii ururkaas. Runtuna waxa ay tahay in maanta
Soomaaliya aanu ka jirin urur xoog leh oo hubaysan oo la yidhaa Al-itixaad.
Hadii ay jirto iyo meesha ay ka jirto waa in la cadeeyaa inta aanay dhicin in la
duqeeyo dad masaakiin ah oo aan wax danbi gaysan. Midda kale ma la is
barbarbardhigi karo Talibaanka Afgaanistaan iyo Itixaadka Soomaaliya. Talibaanku
waxa ay ahaayeen nidaam u taliya shacbi iyo wadan dhan, laakiin itixaadku waxaan
odhan karnaa waa urur aanay jirin buqcad Soomaaliya ah oo uu saydaro ku leeyahay
amaba uu ka taliyo. Hadii markaa la rabo in duulimaad lagu qaado Itixaadka
su’aashu waxa weeye waa halkee halka uu ka taliyaa
si taliskaa looga burburiyo. Su’aal weeye aanay wali cadayn jawaabteedu.
Mida kale goorma ayay noqotay sharci in wadan loogu duulo sababtoo ah waxa ku
nool urur aan anigu u arko “argagixiso” iyada oo aanan wax daliil ah soo
bandhigin. Waxa aad moodaa in ay tani tahay munaafiqnimada siyaasada maanta
aduunka ka jirta.
Dagaalkii
93 Iyo Al-qaacida:
Qof
kasta oo Soomaaliya waa uu ogaa in dagaalkaasi uu ahaa mid dhexmray Jeneraal
Caydiid iyo ciidamadii Marykanka ee markaa doonayay in ay soo qabtaan jeneraalka.
Xuseen caydiid ayay ahayd inta uu ku celcelinayo Al-qaacida ayaa joogta
Soomaaliya in uu bal xaqiiqadan cadeeyo oo uu sheego in Jeneraalka iyo Al-qaacida
uu xidhiidh ka dhexeeyay iyo in kale.!!! Aragtidayda dagaalkaasi ma ahayn mid uu
ku danbeeyay Bani-laadin iyo kooxdiisu sababtoo ah xaqiiqooyinku sidaa ma sheegayaan. Bani
laadina ma hayn in uu sheegto falal aanu samayn.
Hujuunkii
Safaaradaha Maraykanka :
Tana wuxuun baan ka odhan ilaa iminka ma jirto daliil qudha oo sheegaysa in
dhacdooyinkaa laga soo abaabulay dhulka Soomaaliyeed. Waxa kale oo jirta in
dhamaan dadka lagu tuhunsan yahay in ay soo abaabuleen ama ay fuliyeen hujunkaa
aanu ku jirin qof qudha oo Soomaaliyi. Markaa hadii ay Cadaalada Marykanku aanay
ku tuhmin shakhsi qudha oo Soomaaliya inuu ka qaybqaatay dhacdooyinkaa, sidee
loogu andacoon karaa in falalkaa laga soo abaabulay Soomaaliya.
Gabagabadii
ma lihi Soomaaliya ma joogo qof “argagixiso” ahi. Waa ay joogi karaan sida
ay u joogaan wadan kasta oo ah wadamada caalamka ahba. Laakiin sabab uma noqon
karto duulimaad iyo faragalin lagu sameeyo shacbigaa. Hadii ay taasi sabab
tahayna waxa jira wadama badan oo ay tahay in ay Soomaaliya ka horeeyaan .
Su’aashu
hadaba waxa ay tahay ma jiraan asbaabo kale, yaase ka masuula in tuhunka
loo soo jeediyo Soomaalida. Qaybta labaad ee maqaalkan ayaan hadii Alle
yidhaa ku faalayn.
Siciid
Cali Axmed
Ottawa,
Canada
saidahmed@usa.net
2001-12-22
AFEEF: Aragtida qoraalkan waxaa leh ayna gaar u tahay qoraaga ku saxiixan.
XUQUUQDA
QORAALKA: Copyright © SomaliTalk.com
| SiciidCaliAxmed2001
WARARKA KALE