SOMALITALK.COM

Warbixintii Dr. Bob Arnot
msnbc1.jpg (16395 bytes) Nin lahorkeenay Maxkamad Kutaal Muqdisho:
Sawirkan wuxuu hordhac u ahaa qoraal dheer oo kusaabsan Soomaaliya oo 18kii December kusoo baxay MSNBC oo uu qoray Dr. Bob Arnot, qoraalkaas ka akhri cinwaanka hoose Bringing order to Somalia, slowly
CIID MUBAARAK
. Hambalyada Ciida
. Eidmubarak.com
. Bluemountain.com
. Egreetings.com
. Greetings.yahoo
SAFAR SAMAFAL
Safar Mucaawino u raadin Ubadka Soomaaliyeed wuxuu maalmahaan ku aadanyahay Seattle iyo Minnesota GUJI.HALKAN
M U C J I S O O Y I N
mucjiso
VIRUS ALERT
Viruska Internetka kuwareegaysanaya Guji...
B A A F I N
Baafin: AYAAN ABDULQADIR HASSAN iyo DUNIYO ALI YOUSEF Guji...
Quraan
kitaab 114 Suuradod ee Qur'aanka Kariimka, (dhegeysi iyo arag) ka dhegeyso halkan
NOLOSHII SAXAABADA

Dhalxata Binu Cubeydillahi
WQ: Ibrahim Salah Aden

SAKADA MAALKA
Kitaabu Zakaat
WQ. Maxamuud Ufayn
V I D E O
. The Miracles of the Qur'an
Islamcity
. An In-Depth Look at Islam
CNN
SIIRADII RASUULKA
Tusmo | 1 | 2 | 3 | 4 | 5 | 6 | 7 | 8 | 9 | 10 | 11 | 12 | 13 | 14 | 15 | 16 | 17 | 18 | 19 | 20 | 21 | 22 | 23 | 24 | 25 | 26 | 27 | 28 | 29 | 30
SAXAABADII RASUULKA
1 | 2 | 3 | 4 | 5 | 6 | 7 | 8 | 9 | 10 | 11 | 12 | 13 | 14 | 15 | 16 | 17 | 18
SOONKA | RAMADAN
1 | 2 | 3 | 4 | 5 | 6 | 7 | 8 | 9
Duruusta Ramadaanka: 1aad | 2aad | 3aad | 4aad | 5aad | 6aad
SAKADA MAALKA
1 | 2 | 3 | 4 | 5 | 6 | 7 |
SOOMAALIDA K/AFRIKA
Xaqiiqda Qarsoon ee Soomaalida Koonfur-Africa [2aad]
Soomaalida kudhaqan Koonfur Afrika inkasta oo ay yihiin dad shaqaysta, hadana... KA.AKHRI.HALKAN Dec 20

Home | FreeWebs | Email | TellFriends | Search | Feedback | Allah Is Great
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SICIID.CALI.AXMED COLUMN

Dagaalka Argagixisada Iyo Soomaaliya…….Faalo (2)

WQ: Siciid Cali Axmed
Ottawa, Canada
saidahmed@usa.net 

Qaybtii 1aad - Ka akhri halkan

Qaybtii hore ee faaladan waxa aan ku falanqaynay asbaabaha ay cuskanayaan dadaka ku andacoonaya in ay Soomaliya tahay hoy ay ku dhuuntaan waxa loogu magac daray "argagixisadu". Waxa aan isku daynay in aan ku sugno in asbaabaha ay cuskanayaan qolooyinkaasi ay yihiin qaar wahmiya oon aan ku dhisnayn xujooyin cadcad. Hadaba hadii xujooyinkaasi ay yihiin qaar aan sugnayn, maxay yihiin asbaabaha kale ee keeni kara in Soomaaliya la duqeeyo, yaase ka masuula in Soomaaliya meelo badan oo aduunka ka mida looga arko wadan khatar ku ah (ku noqon kara) amaanka caalmka. Su’aalahaasi waa kuwa aan isku dayayo in aan kaga ku faalayno qaybta labaad ee faaladan.

Ujeedooyinka Duulimaadka Soomaaliya

Hadii Soomaaliya la duqeeyo iyada oo aan lagu soo cadayn eedaymaha loo soo jeediyay., waxaa lagu fasiri karaa falkaa (duqayntaa) in uu leeyahay ujeedooyin kale. Ujeedooyinka uu yeelan karo hujuumkaasi aniga aragtidayda waa arimaha soo socda oo wada jira ama midkoodba:

Baahinta Dagaalka Argagixisada: Madaxwaynaha Maraykanku markuu bilaabmayay dagaalka Afgaanistan waxa uu u sheegay shacbiga Marykanka in la dagaalanka "argagixisadu" uuna ahayn mid ku koobnaan doona wadanka Afgaanistan. Waxa uu sheegay in ay jiraan wadamo kale oo badan oo hoy u ah amaba taageera waxa uu ugu yeedhay "argagixisada". Waxaanu balanqaaday in wadamadaa lagu duuli doono. Si balanqaadka Bush uu u rumoobo waa in wadamadaa uu sheegay in ay aragigixisadu deganyihiin la weeraraa. Sida muuqata wadamada uu Maraykanku ku sheegay in ay argagixiso joogaan, Soomaaliya waa wadanka hadii uu duqeeyo laga yaabo in aanu la kulmin cadaadis kaga yimaada caalamka guud ahaanba khaasatana wadamada uu xulafada kula yahay dagaalkan. Sidaa daraadeed Soomaaliya waxa ay noqon kartaa mid hirgalisa balanqaadkii Bush ee ahaa in dagaalkani yahay mid caalamiya (international) isaga oo aan burbur ku iman midnimada wadamada isku bahaystay dagaalkan.

Ka Hortagid in Soomaaliya noqoto hoy argagaixiso: Waxa kale oo laga yaaba in ujeedada uu ka leeyahay Marykanku duqaynta Soomaaliya ay tahay in uu ka hortago in ay Soomaaliya u soo cararaan dadka ka soo qaxaya wadanka Afgaanistan ee ka tirsan ururka Alqaacida. Waxa ay aaminsanyihiin qaar ka mida dadka faleeya siyaasada Marykanku, hanjabaada uu Marykanku ku hanjabayo in uu duqayn doono Soomaaliya (amaba duqaynta uu duqeeyo) in ay keenayso in xubnaha alqaacida ay ka baqdaan in ay u soo cararaan Soomaaliya.

Aargoososho: Waxa ay aaminsanyihiin in badan oo Soomaalida ka midi in hadii uu Marykanku dagaal ku qaado Soomaaliya ay taasi tahay aargoososho uu Marykanku u aargudayo askartii kaga dhimatay dagaalkii 1993. Waqtigani waa waqtiga ugu haboon ee uu argoosashada hirgalin karo duruufaha jira awgood.

Yaa Masuul ka Ah??????

Maraykanku hadii uu ku duulo Soomaaliya ujeedadiisu waxa ay noqon kartaa ujeedooinkaa kor ku qoran amaba qaar kale oo qarsoonba. Mida ay doontaba ha noqotee waxa haboon in ay iswaydiiyaan dadka Soomaaliyeed cida sababta u ah xaalada ay ku sugantahay Soomaalidu?, Yaa keenay in ay soomaaliya noqoto meel indhaha aduunyadu ay ku soo jeedaan ?. Jawaabta su’aalahani waa ay dheeraan kartaa lakiin iyada oo kooban waxa aad odhan kartaa dhibaatadan waxa ka masuul ah:

Shacbiga Soomaaliyeed guud ahaan.

Ilaahay Waxa uu Quraanka ku sheeagay in umad hadii musiibo ku dhacdo ay tahay mid ay iyagu keensadeen. Waxa kale oo uu sheegay in ummad xaalada ay ku sugantay aanu badalin ilaa ay iyagu isbadalaan mooyee. Umada Soomaaliyeed iyada ayaa is dhigtay meesha ay taalo. Tafaraaruqa, walaaltinimo la’aanta, is nacycbka ku dhisan qabyaalada iwm, waa calaamada mujtamaca Soomaaliyeed, waana mida qayb wayn ka ciyaartay walina ka ciyaarayasa burburka ku yimid kayaanka ummada Soomaaliyeed iyo sharaftii ay ku lahayd bulshawaynta caalamka. Qoxootinimada, dagaalada iyo tuhunka maanta ina dulyaalana waa mid ka mida midhihii ay beerteen dadka Soomaaliyeed.

Siyaasiyiinta Sooomaaliyeed Qaarkood:

Soomaalidu iminka muddo 10 sanno aha ayaa waxa ay raadinayeen xal siyaadadeed oo soo afjara colaada dhex martay dadka Soomaaliyeed ee walaalaha ah. Sababta ay wax u hagaagi layihiin ee loo xalin layahay dhibaatadaa umada Soomaaliyeedna waa Ajendaha ay wataan qaar ka mida siyaasiyiinta soomaaliyeed. .Ajendahaasi waa mid ku dhisan masalaxad shakhsiyadeed. Masalaxada shakhsiga ahina waa ta keenatay in siyaasiyiinta Soomaaliyed qaarkood ay maanta aduunka ugu yaboohaan in Soomaaliya ay joogaan argagixiso(mid baa yidhi waxa jooga Soomaaliya 20000 oo "argagixiso" ah!!!!) iyaga oo taa ku raadinaya maslaxad yar oo shakhsi. Hogaamiyaha fiicani waa kii ku dadaala umadiisu in uu ka badbaado burburka ma aha ka u ekeena shacbigiisa dhibaato sida qaar ka mida siyaasiyiinteena.

Gabagabdii  faaladan waxa aan filli in ayna ka qarsoonayn mujtamaca aduunka in aanay Soomaaliya ahayn buqcad u baahan weerer iyo dhib cusub. Hadii duulaanka dhaqaalaha ee lagu soo qaaday Soomaalida loogu daro mid milatarina waxa aan shaki lahayn in burburka soo gaadhaya dadka Soomaaliyeed uu noqon karo mid adkeeya xaalada adag ee ay ku sugan yihiin dadka masaakiinta ah ee ku nool Soomaaliya. Sidaa daraadeed Mujtamaca Soomaaliyeed waxgaradkiisa iyo siyaasiyiintiisuba waa in ay ku dadaalaan sidii ay uga hortagi lahaayeen duqayntaa. Sidaas oo kale waa in arintani ay u noqoto mujtamaceena baraarug oo ay hurdada ka tosaan oo ay dhibaatada siyaasadeed ee dhexdooda taala si dhab ah u xaliyaan. Hadii Waxyaabaha dhacay aan shacbiga Soomaaliyeed ku cibra qaadan waxa aan ka biqi in aynu soo toosno waqti aan dhibta jirta wax laga qaban karayn.

Ilaahay umadeena khayrka ha waafajiyo.

Mahadsanidin

Faalada qaybtii 1aad - Ka akhri halkan

Siciid Cali Axmed
Ottawa, Canada
saidahmed@usa.net 

2001-12-31

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxaa leh ayna gaar u tahay qoraaga ku saxiixan.

XUQUUQDA QORAALKA: Copyright © SomaliTalk.com | SiciidCaliAxmed2001


WARARKA KALE
Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Kor/up
>> Usheeg Asxaabtaada
.


Xuquuqda Qoraalka / Copyright © SomaliTalk.com. All rights reserved. Privacy