SIYAASIGA
SOOMAALIGA AH EE AAN RABNO YAA INOO HAYA??!!
Fahad Yaasiin Xaaji Daahir
fahadsom@hotmail.com
Soomaaliya
waa dal caynkee ah? Waa dad sidee ah? Noloshoodu waa qaabkee? Sidee ayey dadku
isgu xiran yihiin? Siyaasiga Soomaaliga ah muxuu dheer yahay ama ka hooseyaa
marka loo eego siyaasiyiinta kale ee Caalamka?, ma nin wax bartaybaa? Mise waa
waxa uu ka soo baxay Jaamacadda “Waaya Araggnimada” ? Ee la yiri M.S.Barre
ayaa ka soo qalin jabiyey? Siyasiga aan rabno ma tilmaamo ayuu leeyahay? mise
waa hadba ninka isa soo saara ee aan u naqaanno Ninkarmeedka? Maanta
yaan u baahanahay? Mawadaad diinta noo mariya? Mise Sheekh Siyaasada iyo
diinta isku dhex dara? Mise Siyaasi aan diinta xitaa istijada ka aqoon? Haddii
aan cinwaanka qoralkan ka dhigtay Siyaasiga waa kuma waxa aan su’aalo badan
iska weydiin doonnaa Siyaasiga Soomaaliga tilmaamaha uu leeyahay.
Marabo
in aan ka sheekeeyo macnaha erayga Siyaasi iyo waxa laga rabo qofka doonaya in
uu Siyaasi noqdo ama in uu iska dhigo, Soomaali hadaan nahay Siyaasigeena sidee
ayuu ku yimaadaa? Waa su’aal aan mudo badan is weydiinayey lakiin aanan ilaa
iyo hada helin jawaab iga haqabtirta, waxaan kala sheekeystay aritan Siyaasiyiin
farabadan oo Soomaali ah iyo Aqoon-yahanno tiro leh lakiin kuma
aanan oon bixin, maanta akhristayaasha ayaan rabaa in ay iga siiyaan
jawaab ay ku qanci karaan aniga iyo dadka ila midka ah ee yaaban.
Waxaan
akhriyey taariikh nololeedka Madaxda dunida intooda badan, waxan ogaaday in
badankood ay ka qalin jabiyeen Jaamacaado waliba ah kuwa la xiriira Siyaasada,
makra laga reebo Jon Mejar oo la ii sheegay in uusan ka qalin jabin Dugsi-Sare ,
lakiin kala talo wacan kuwa badan oo Jaamiciyiin ah,
markii aan damcay in aan ogado taariikhda Siyaasi-yiinteenna waxa uu ahaa
midka ugu aqoonta badan askarinimo mid darajo fiican ka gaaray, sida Janeraal
ama Koloneyl , Diinta Islaamka ayaa iyadu Siyaasi ku macneysay in ay tahay kala
maareynta dadka diintooda iyo dunyadoodaba.
Su’aashii
aan kor ku qoray bal aan idiin soo badhigo, Ragga horbooda Siyaasiyiinta
Soomaalida ayaan bal tusaale kabixin doonaa illeen iyaga ayaa dhib aan marnaba
dheef lahayn nagu haya.
Hadaba
Siyaasiga Soomaaliyeed tolow ma Aden Gabiyowbaa
ee aan 1997 ku arkay Yamen , waxaan su’aalay, diinta mataqaanaan
Ragiinaan Soodarana halnin oo diinta lug ku leh idin kuma jiree sideed diinta
ugu dhaqmeysaan? Su’aashaa waxay ku timid mar uu isagu igu yiri diinta anaga
qorshaha ayey noogu jirtaa! Jawaabta ila akhri!: Wadaadadu waa laba qaybood, kuwa
aniga iga warsuga iyo kuwa raba in aan ka warsugo, kuwa raba in aan ka warsuga
waa dhalin-yarada, kuwa aniga iga warsugayana waa waa odayaashii hore!, waxaan
ugu jawaabay hadde kuwii kaa warsugayey xitaa midina idin kalama socdo, inta is
xanaajiyey ayuu igu yiri Diinta aniga Gabar aan aqaan ayaan weydiiyaa iyada
ayaana ii sheegta salaadana waan tukadaa , wey igu adkaatay in aan sii weydii
Gabadhaas waxa ay tahay.
Intii
an lafidhinay ayuu maagay Dowlada Taalyaaniga!! waxaan su’aalay maxaad uga soo
horjeeda Talyaaniga? Wuxuu igu jawaabay beesha aan aniga ka dhashay ayey
necebtahay!. Hadaba Siyaasiga aan rabno ma nooca Gabyoowbaa??
Siyaasiga
Soomaaliyeed ma C/Laahi Yuusuf iyo Cusmaan
Caato markii ay dirireen kadib oo waliba kaftan ka bilowday hadalkooda oo
ay isugu goodiyeen in ay kala qabsan doonaan Gaalkacayo, oo uu kolkii uu
hadalkii ka taag-taagmey ay isku afgarteen in ay foolxuma tahay in ay labadooda
isku gacan qaadan, lakiin ay kukala bixi doonaan Galkacayo, marumeysaneysaa
haddii isla maalintaa ay laba qof ku dhimatay Galkacayo! hadana markii ay iyaga
isu dhoollo cadeeyeen uu dagaalkii joogsaday !!, koley aniga waxaa halxiraale igu
noqday nooca ay ahayd fariintii ay u kala tabiyeen taageera-yaashooda.
Siyaasiga
Soomaaliyeed ma Xuseen Caydiidka ilaa iyo
hada aysan cadeyn in uu shaqadiisii ka soo fakaday iyo in uu iyagaba howl u hayo,
inuu askari Marey-kanka ah noqday ayaa lagu hayaa baalkiisa taariikheed oo
waliba isaga ay latahay sharaf uu ku gorgortami karo, waxaan ku jiray dad
farabadan oo magaca Jaaliyadeed isugu yimid ee uu u khudbeeyey uuna u shegay in
markii ay Baydhabo qabsadeen uu halkaas ugu tagey ilaa 300 kumbiyuutar, hadaba
si uu noo tuso aqoonta uu dheer yahay Soomaalida ayuu nagu yiri , waad ogtihiin
in Soomaaliya aan laga heleyn qof yaqaaanna kombiyuutarka taasi waxa ay igu
khasabtay in aan isku wado howsha Madaxweyne-nimada iyo baaridda kombiyuutaradan.
Isma
uusan weydiin Jaaliyada aad u khudbeyneyso sow suura gal ma’ahan in ay ku
jiraan injinerro xaga Kombiyuutarka ah?!, taasi dhib weyn iguma hayn waayo qofka
dibadaha ku soo korey sidiisoo kale wey la’ahaan kartaa in Soomaaliya aan laga
heleyn qof aqoontiisa oo kale leh, waxaase iiga siidaran markaan weydiiyey
ururada Islaamiga ah ee kajira Soomaaliya inaad la dagalameyso ayaad maalmahan
faafise ee maxaa kajira? Marka aan su’aashaa weydiinayey waxaan gacanta ku
sitay wargeys ka soobaxa Masar oo uu ku yiri, waan la dagaalameynaa ururada
Islaamiga ah ee kajira Soomaaliya! , sidii aan u filayey jawaabta ee ahayd waan
iri waana sameyn, ama ma dhihin oo waa been abuur , ayuu
inta is qosolsiiyey iigu jawaabay, adinka Siyaasada mataqaanaan ma
ogtahay! Arintan waxay ahayd laba Gabdhood oo wariyayaal Reer Masar ah ayaa
rabay in ay igu diraan Dowlada Marey-kanka saas ayaan u iri hadalkaas! Jawabtii
intaa ayuu ku soo koobay , ma hubo ireyga adinka Siyaasada ma taqaanaan in uu
aniga igu waday iyo in uu Jaaliyada oo dhan ula jeeday, Siyaasigga aan rabo
tolow tan Xusen Caydiid oo kalaa miyaa , saadarteed hala yaabin hadaladii aad ka
maqashay ee uu maalin dhawayd kalahaa Idaacada BBCda , waxase haboonaan lahayd
in uu “Xuseen” xusuusnaado in eebbe sadax nimco isugu daray , waa tan horee
in uu yahay wiil dhalin yaro ah oo haddii uu hada iska nasto uu yeelan karo
shacbiyad mustaqbalka ah! Waa tan labaaadee ma Caafimaad xuma sida Siyaasiyiinta
kale taasina waxa ay sabab u noqon kartaa in ay san jiri wax ku dadajinaya in uu
hada madaxweyne noqdo! Waa tan sadaxaadee waxa uu leeyahay dhalasho Mareykan ah
taasoo aan ula jeedo in noloshiisa uu sii dabaran karo oo lama mid ahan kuwa
Siyaasada Soomaaliya kaliya uu dakhli nololeed u yahay .
Siyaasiga
Soomaaliyeed ma Muuse Suudiga raba in dib
loogu noqdo 1991, oo ay beel waliba halgankii dib ka soo bilowdo, taasna waxa uu
sabab uga dhigayaa in uu isagu ciyaarta dhawaan ku soo biiray uuna hubo haddii
lagu soo celiyo kubada garoonka ciyaarta in uu isagu koobka qaadi doono , waa
imaamka labada Xaram ee Makka iyo Madiina , waxay la tahay in uu isagu maanta
yahay Cali Mahdi oo jooga 1992, uuna u baahan yahay Caydiid uu la tartamo si
Muqdisho uu isagu ugu soo haro.
Xaaji
Muuse waa wadaad Diinta yaqaan, wuxuu sameynayana aysan marnaba ka ahayn Jahli,
sida isaga ay latahay haddii aan (QODDIISA!!!)
wax laga siin dhulka in aan nabad loogu naalooneyn , xusuusteyda wali waxaa ku
sii haray 1998, aniga oo maalin Jimcaha ku tukuday Masjidka weyn ee Sh.Cali
Suufi ayaan banaanka u soo baxay iyadoo nin ay dadku leeyihiin waa waalan yahay
uu sheekeynayo anigase ila caqli badnaa, waxaa la weydiiyay,
su’aashuna saan ayey u dhigneyd ( ARROY
MUUSE SUUDI XOW AHAAY) jawaabtii uu bixiyey ninkii waallaa waxay noqotay
( XOW AHAAN LAHAAY MADFACIISAA DAKADA GAAREE)
dadkii dhamaan wey wada qosleen! jawaabtaas waxaan ka fahmay in Siyaasiga
Soomaaligu uu yahay ninkii wax un dhibi kara , hadaba Siyasiga aan rabno ma
Muuse oo kalaa.
Siyaasiga
Soomaaliga ma Jaamac Cali Jaamacbaa oo ah
ruug caddaa Soomaaliyeed intii uu dhibku jirayna ku noolaa dibadaha, markii uu
muddo soo nastay isaga iyo reerkiisii diiftii haysana ay ka ba’day dib ugu soo
noqday dalka Soomaaliya si uu daacada isaga bi’iyo , kadibna hada qayb ka ah
loolanka Siyaasadeed ee haatan ka jira Soomaaliya , halkii ay manta Soomaali u
baahneyd in kuwii hore laga dhaadhiciyo in ay is ku tanasulaan in kuwa cusub
nalagu abuuro sow balo gor leh ma’ahan, tankale ee meesha taala waxa weeye C/Laahi
Yuusuf intii uu haystay Goboladaas dhiig Siyaasadeed kuma daadan lakiin markii
malabkii uu isagu shinida ka ahaa lagu qabsaday uu abaabulay in uu dhiig ka
daadiyo Goboladaas isaga oo isleh saad ugu listay laguuguma hanbeyn.
Maalintii
uu Garawe weerarayey waxaan joogay Galkacayo oo aan safar ku ahaa dadkii aan ku
shekeysanay magaaladaas waxaan ku qancinayey in maanta ay haboontahay in Jaamac
Cali Jaamac uu u noqdo Lodon, sababtoo ah C/Laahi qof
waa dili karaa haddii uu wax waayo laakiin Jaamac sida wax loo dilo mayaqaan
haddii uu jago waayo wuu iska laaban karaa, taasna waxaan ku darayey Jaamac Cali
waa muwaadin Ingiriis ah lehna jinsiyado kale oo uu ku xamalan karo , lakiin C/Laahi
mayaqaan Ganacsi aan ka ahayn ayuutada
laga dhex dhalaaliyo Siyaasada..
Siyaasiga
Soomaaliyeed ma C/Laahiga siduu 1978 qoriga
uqaatay amaba sida saxda ah hadba da’dii curdanka ahba qoriga u dhiiba si uu
hamuuntiisa Siyaasadeed ugu gaaro , ilaa iyo hadana aan umuuqan goorta uu ka
nasan doono halgankiisaan aan laga miro dhalin misana aan laga webxin ,
Madaxwey-nenimo haddi uu inkabadan 20-sano u dagaalamayey kuna qanci la’yahay
inuu saxad sano Madaxweynaha Bunt-laind ahaa , hadana hiil iyo hooba
diyaar ula ah in ay nafta kabaxdo isaga oo Madaxweyne ah. Taasna waxaa ka sii
daran Islaan Maxamedkii maalintii isaga ladoortay BBCda uga dhaartay in si xaq
ah loo doortay, maanta inkastoo uu san sidii oo kale u dhaaran hadana isaga ayaa
jagadii ka xayuubiyey oo Jaamac Cali Jaamac ku sooryeeyay. Hadaba Siyaasiga aan
rabno ma noocca C/Laahibaa.
Siyaasiga
Soomaaliyeed ma C/Qaasimbaa markii si
leylatul qadar ahaan ah uu ku helay jagada Madaxwey-hana Soomaaliya , waxaan
shaki ku jirin in isaga iyo Mudane Ismaaciil Cumar Geelo ay horey iskula sii
ogaayeen qalqaalinta in C/Qaasim loo baadi goobo in uu noqdo Madaxwey-naha
Soomaaliya , intaas dhibtu kama taagna, Muqdisho markii looga soo dhaweeyey si
isaga iyo mucaarad-kiisiiba ay u qaadan waayeen , ilaa iyo hadana uu ku faano
marka uu marag u raadinayo in dadku ay nin sidiisoo kale ah ay u bukeen ,
Neyrobi ayuu ugu khudbeeyey Jaaliyadda Soomaalida waxa uu u sheegay sida loo soo
wariyey isaga in
Maxaxweyne Bil Kilinton uu daawanayey sidii looga dhaweeyey Muqdisho!!!,
laakiin waxaan anigu ka xumahay in Madaxweyne C/Qaasim uu waayey wax qabad ka
badan in uu ka helay Dowlada Marey-kanka marka laga reebo in Kilinton uu CNNka
ka daawadey sidii loo soo dhaweeyey.
Intaas
aan soo shegay ma’ahan halkii aan u socday , Muqdisho markuu yimid
Qabqab-layaashii dagalka oo dhan waxa uu arkay Cayayaan ay sahlan tahay in la
buufiyo iska daa in lala xaajoodo’e, BBCda waxa uu ka yiri maalmalhaas ,
mucaarka dowlada waxa ay doonayaan in aan la fariisto kadibna ay yiraahdaan
annaga iyo dowladii wan is fahmiweynay.
Hadalkaas
waxa uu yiri malaha isaga oo wali lasii indha-daraarsan sidii shacabka
Soomaaliyeed oo dhan ugu soodhaweeyeen Muqdisho , iyo isaga oo ismooday
M.S.Barre oo jooga bilowgi toddobaatanadii, Rabise muxuu qadaray in uu Neyrobi kula
shiro Mowliid Macaane oo aan isleeyahay maalintaa kahor ma’aqoon , iyo Cusmaan
Caato oo naftiisa kaliya ka wakiil ah , talo iyadaa kugu nool horaa loo yiri ,
Siyaasiga aan rabno ma nooca C/Qaasimbaa.
Siyaasiga
Soomaaliyeed ma Jen, Maxamed Abshir oo kalaa
ee Bilowgii 1998, markii la dhisayey Bunt-land ee lagu dhisayey Garawe, waa
tii ay isa soo sharaxeen isaga iyo C/Laahi Yuusuf , waa tii uu ku guuleystay C/Laahi
Yuusuf , taladii uu Jen Maxamed Abshir qaatay waxa ay ahayd mid aan lagu aqoon
dhaqanka Siyaasi-yiinta Soomaalida , waa kii isaga caraabay ee kaba dhoofay
dalka , dadka qaar waxa ay u haysteen in uu yahay nin jilicsan oo
aan cadkiisa goosan Karin , daliilna waxa ay ka dhigteen muu dagaalamo ama uu
qaso haddii uu isagu noqon waayey ninka cadka
wada cunaya , aniga maalmahaas waxaan joogay Garawe oo aan safar degdeg ah ku soo
maray dad badani waxay lahaayeen anagu qof marabno ee maamul ayaan u jeellanahay
, hadaba nooca Siyaasi ee aan rabno ma Jen Maxamed Abshir oo kalaa ,
Siyaasiga
Soomaaliyeed ma Cali Khaliif Galayr oo kalaa
, haddii uu ahaa R/W/Soomaaliya sida uu ku magacownaa ama R/W/ Carta , sida
dadka qaar ay latahay oo uu ku madax adkaadey Madaxwey-nihiisii sidii isaga oo
jooga dalkii uu wax ku soo bartay , lagu yiri lama shaqeyn kartid Kacaanka
Barekeysan ee tareenka isaga har , ku
jawaabay, Hawraarsan iyo gudoon , waliba raaciyey
diyaar in uu yahay la shaqaynta iyo taageerida DKMG , ah.
Siyaasada
Soomaalida wali tanaasul laguma arag oo hadda Cali Khaliif tanaasul Siyaasi ah
marag uma ahan ee waxa uu marag uu yahay qanaacada
uu muujiyey haddii uu waayey jagadii uu isku haleynayey , dadka qaarse waxa ay
latahay in mustaqbal sare oo Siyaasi ah uu leeyahay Cali Khaliif haddii uu saan
ku sii socdo.
Siyaasiga
Soomaaliya ma DKMG ahbaa, ee had iyo jer ku
celcelisa in ay tahay dowlad dib u heshiisiineed , lakiin yaabku waxa uu yahay
laba arimood , shuruuda ay shirarka ku yimaadaan oo ay midi kow ka tahay in aan
lagala hadlin laba jago oo kala ah Madax-weynaha iyo R/Wasaaraha , arinta kale
shirarkooda waxa ay kula meereysanayaan rag iskaba tayo yar, dooni mayaan in ay
la fariistaan raga dhibta keeni kara , midina meesha kama marna oo ah Soomaaliya
wixii la isku hayey ma jagada Wasiirnimo ayey ahayd mise Madaxweyne kol idhaha
ayey ahayd .
Taa
waxaa ka sii daran DKMG ah labadeeda gole raga ka tirsan waa magacyo wada cusub
oo aan ku khasbanahay in aan xafidno , su’aashu waxa ay tahay kuwii hore ee
aan magacyadooda xafidnay ayaan si aan wax u kala deeqsiino la’ayn kuwan
xageen wax uga keeneynaa??!!! [TIMIRTII
HORABA DAB LOO WAA]
Waxaan
filayaa in aan su’aalaha badiyey wali kuwa kale ayaa maankeyga ku sii jiri,
waxaase iigu daran Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle , mahadi hakaga gaadhee
howshii uu inoo qabtay , su’aashuse waxay tahay shirki Carta waxaa lagu furi
jiray dib u heshiisiinta Soomaalida sadex arimood ayaa saldhig u ah , gogosha oo
ay dhigeen Reer Jabuuti , go’aanka oo ay leeyihiin Soomaalida , Beesha
caalamka oo kamideysan arinta Soomaaliya , sow idin lama ahan in sadaxdaas qodob
ay ka hirgaleen gogoshii ay fidiyeen walaalaheen Rer Jabuuti , intii kale ay
noqotay hal bacaad lagu lisay.
Haddii
uu jiro akhriste akhriyey su’aalahan oo jawaab cad ka bixin kara Siyaasiga aan
rabno, wey u baahan yihiin aniga iyo dadka ila midka ah , waana quud dareynayaa
in aan helo jawaab taabo gal ah oo dalka Soomaaliya tayo iyo talo u noqota.
Bilowgii
Ramadaanka ayaan safar ku soo maray Hargeysa ilaa Yarawe iyo goobo kamid ah
Bunt-land qoraalkii safarkaas diyaarintiisii ayaan wadaa waana idiin soo qori
doonaa Idan-Alle.
Fahad Yaasiin Xaaji Daahir
fahadsom@hotmail.com
FAAFIN: SomaliTalk.com | December
2