SomaliTalk.com
Online Community
MADAXWEYNAYAAL
Aadan Cabdullah Cusmaan
1 Jul 1960 - 10 Jun 1967
Cabdirashiid Cali Sharmaarke
10 Jun 1967 - 15 Oct 1969
Sheekh Mukhtar Maxammad Xuseen (Kusime)
15 Oct 1967 - 21 Oct 1969
Maxamad Siyaad Barre
21 Oct 1969 - 27 Jan 1991
Shirkii Jabuuti: Cali Mahdi Maxamad
29 Jan 1991 - ( 3 Jan 1997)
............
Cabdiqassim Salaad Xassan
27 Aug 2000 - Hadda
RA'IISULWASAARAYAAL
Maxamad Xaji Ibrahim Cigaal
26 Jun 1960 - 12 Jul 1960
Cabdirashiid Cali Sharmaarke
12 Jul 1960 - 14 Jun 1964
Cabdulrasaaq Xaji Xuseen
14 Jun 1964 - 15 Jul 1967
Maxamad Xaji Ibrahim Cigaal
15 Jul 1967 - 1 Nov 1969
Maxamad Siyaad Barre
1 Nov 1969 - Mar 1970
Maxamad Cali Samatar
1 Feb 1987 - 3 Sep 1990
Maxamad Xawaadle Madar
3 Sep 1990 - 24 Jan 1991
Cumar Carte Qaalib
24 Jan 1991 - 3 Jan 1997
...............
Cali Khaliif Galaydh
8 Oct 2000 - 28 Oct 2001
Xasan Abshir Faarax
12 Nov , 2001 - Hadda
XASAN ABSHIR FAARAX
Profile | CV
BOOSAASO, SOOMAALIYA
bosaso Eeg Sawirkan oo Weyn
Sawirkan wuxuu muujinayaa Boosaaso oo kamid meelaha ay maraan buuraha silsilada Golis Guji...
NAKURU, KENYA
Madaxweynaha Kenya Daniel Arap Moi, Hassan Abshir Farah (B) iyo Jama Ali Jama (M) oo maanta Dec 24 sawirkan lagaga qaaday iyagoo jooga nakuru Kenya
Akhri halkan
masjid Masjidka Odense
masjidswed Masjidka Sweden
Axmad Xirsi oo isu sharaxay Doorashooyinka Degmooyinka Denmark
November 2001

.Home | FreeWebs | Email | TellFriends | Search
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
WARARKA MAANTA

CAJALKA CUSUB EE UU DUUBAY USAMA BIN LADEN

Photo | Al Jazeera TV
Cajalkii fiidiyowga ahaa ee uu Usama Bin Laden duubay, lagana soo daayay markii ugu horeysay galabnimadii maanta (dec 27) Taleefishinka laga leeyahay dalka Qatar ee Al-Jazeera ayaa beeniyay warar maalmahan la isla dhex marayay, kaasoo sheegayay inuu dhintay wadaadka sida ba’an ay Mareekanku u raadinayaan ee la yiraahdo Usama Bin Laden.

Madaxa tifaftiraha Kanaalka Al-Jazeera Ibrahim Hilaal ayaa wakaaladda wararka maanta 27/12/2001 u sheegay in Kanaalka Al-jazeera uu soo gaaray cajalka labo maalmood kahor, iyadoo uu ka yimid xagga dalka Pakistan, qofkii sidayna aan la garanayn. Wuxuu Ibrahim Hilaal sheegay in sida cajalka loo duubay aynan wanaagsanayn, taasoo u suurto gelin weysay in la duubo mar labaad.

Dhinaca kale, afhayeen u hadlay aqalka cad ee Mareekanka Scott McClellan ayaa cajaladda ku tilmaamayinay tahay "borobogaando argagaxiso".

Cajalka oo 33 daqiiqadood soconayay, hase ahaatee loo badaniyo in la duubay 2 usbuuc kahor ayaa wuxuu Usama Bin Laden ku nuuxnuuxsaday wax uu ugu yeeray naceybka gunta dheer ee galbeedka ay u maleegayaan guud ahaan muslimiinta, wuxuuna isagoo arrinkaa ka hadlaya yiri:


CNN: Video | TEXT

kadib saddex billood weeraradii barakeysnaa ee lagula dagaalamayay kufriga caalamiga, dagaalkii lagaga soo horjeeday kufriga Mareekanka, wax u dhow labo billood kadib weeraradii kirishtaanka ba’anaa ee lagu qaadayay Islaamka, waxaa nala gudboonaaday inaan ka waranno qaar ka mid ah caddeymaha dhacdooyinkaas. Waxay caddeeyeen dhacdooyinkaas arrimo dhowr ah oo muhiim ugu ah muslimiinta, waxaa si cad u soo if-baxay in galbeedka guud ahaan, iyadoo Mareekanku ugu horeeyo naceybka kirishtaanimo ee ay u hayaan Islaamka ee aan la tilmaami karin".
CBC: TEXT

Wuxuu Usama Bin Laden tusaale u soo qaatay wax uu ugu magac daray "naceybka aadka u gunta fog ee kirishtaanimo" ee mareekanka, wuxuuna yiri "naceybkaas wuxuu sababay ciribtirka degmooyin say u dhan yihiin denbi la’aan, iyo barakac dad gaaraya malaayiin", wuxuuna Usama intaa raaciyay "ma kuwa noocaas baa dadka ugu yeeraya insaaninimo, ma kuwaas baa dadka ugu yeeraya xorriyad, waxaan aragnay denbiyadooda dhab ahaaneed, insaanka waxaa ku filan iyadoo ay disho firir madfaceed, mareekanka naceybka ay u qabeen Dhaliban iyo muslimiinta ayaa wuxuu sababay in walaalaheen lagu soo rido madfac uu halkii mid culeyskiisu dhan yahay 7 ton". Wuxuu kaloo yiri "Mareekanka haddey heysan lahaayeen caddeymo dhab ah oo tusinaya in kuwii ka danbeeyay falkii qaraxyada ay ka soo jeedaan Yurub, sida ciidamada Ayreshka oo kale, waxaa la heli lahaa waddooyin fara badan oo lagu dhammeeyo mushkiladda, hase ahaatee markuu arrinku noqday keliya malo ku wajahan dunida Islaamka waxaa soo if baxay naceybka qurmoon ee dhabta ah, wuxuuna naceybkii kirishtaanimo si cad uga muuqday dunida Islaamka."

Dhacdooyinkii 11-ka sibteembar ma ahan waxaan ka ahayn ka-jawaabid laga jawaabayo dulmiga joogtada ah ee lagu hayo caruurteena Falastiin, Ciraaq, Soomaaliya, koonfurta Sudan iyo meelo kale sida Kishmiir iyo Aasaam" ayuu yiri Usama, isagoo intaa raaciyay "waxaa dadka la gudboon inay hurdada ka toosaan, inay u kacaan siday u heli lahaayeen xal la xiriira musiibadan cabsida gelisay guud ahaan dadka".

Bin Laden wuxuu soo qaatay qaraxii lala beegsaday safaaradda Mareekanka ee Nayroobi, Kenya sannadkii 1998-kii, wuxuuna yiri "markii kuwii weeraray, waxaan rajeynaynaa in loo aqbalo inay yihiin shuhado, markay dhalinyartii ay wax ka yar 2 ton ay isku qarxiyeen Nayroobi, waxay mareekanku yiraahdeen "waa argagaxiso, waa burbur weyn".

Usama Bin Laden oo markuu hadlayay xirnaa direeska milatertiga, dhinaciisa bidixna ku tiirsanaa qoriga Kalashnikofka ayaa wuxuu tiriyay degmooyinkii la baabi’iyay denbi la’aan, wuxuuna yiri " imisa degmooyin ayaa denbi la’aan la burburiyay!, imisa..imisa.., haddaan tirino malaayiintii dad ee la barakiciyay, kuwaasoo hoy u noqday teendhooyinkii laga taagay Pakistan iyadoo wax denbi ah ayan gelin, keliya malo qura ayeey mareekanku ku qaadeen dagaal aad u qaraar. Waxaan aragnay denbiyadooda dhab ahaaneed".

Wuxuu Usama intaa ku daray  "waxaa soo baxay wasiirka gaashaandhiga mareekanka oo leh dagaalkan waa waxaynu xaq ugu leenahay, ma waxay xaq u leeyihiin inay ciribtiraan shucuub idilkeed?! Maalmo kahor waxay duqeeyeen siday sheegteen goobo ay leeyihiin Al-qaacida meesha la yiraahdo Khuust, waxay masjidka la beegsadeen madfac, waxayna yiraahdeen waxay u dhacday si qalad ah, kadib markii arrintii loo kuurgalay waxaa caddaatay inay culumadii degganaa degmada Khuusta ay waqtigaas tukanayeen
Jalaluddiin Xaqqaani
salaadda taraawiixda, waxayna lahaayeen kulan salaadda taraawiixda kadib iyagoo kulanka uu goob joog ahaa geesiga mujaahidka sheekha la yiraahdo Jalaluddiin Xaqqaani, kaasoo ka mid ahaa mujaahidiintii horeysay ee la dagaalamay ciidamada Ruushka, sidoo kale diiday inuu mareekanka qabsado Afghanistan, waxay duqeeyeen masjidkii iyadoo muslimiintiina tukanaya, waxaana ku dhintay 150 qof xeelad iyo awood toona ma lihin hadduusan Eebbe noo kaalmeyn, wuuna nabad gelay Sheekh Jalaluddiin waxaana Eebbe ka rajeynayaa inuu barakeeyo cumrigiisa, waa kaas naceybkooda dhab ahaaneed".

Wuu sii waday hadalkiisa oo wuxuu yiri "kani ayaa ah naceybkii gunta dheeraa ee kirishtaanimo", isagoo digniin u jeediyay kuwa isaga ku sheegaya inuu yahay argagaxiso, wuxuuna yiri "ha ku baraarugsanaadaan kuwa ku celcelinaya hadallo aysan ogeyn ciribteeda danbe, kuwaasoo leh waxaan cambaaraynaynaa argagaxisada", wuxuuna ku yiri kuwaas "innagu argagaxisadeenu waxay ku wajahan tahay Mareekanka"isagoo dagaalkaasina ku tilmaamay inuu yahay mid ay isaga dhicinayaan dulmiga, si mareekanka ay u joojiyaan kaalmada ay siinayaan Israel oo uu yiri, waxay laayaan caruurteena.

"Mareekanka iyo in badan oo ka mid ah madaxda galbeedka waxay ku celceliyaan in Xamaas iyo ururka Jihaad ee Falastiin iyo ururrada kale ee dagaalama waxay ugu yeereen inay yihiin ururrada argagaxisada, hadduu noqday is-difaacii argagaxiso, haddaba maxaa mashruuc ah?, is difaaceennu kama duwana dagaalka walaalaheen ay ka wadaan Falastiin sida Xamaas, waxaan u dagaalamaynaa inay kalimada towxiidku kor noqoto, kalimada gaaladana hoos noqoto, iyo inaan dulmiga ka qaadno kuwa tabarta daran ee Falstiin iyo kuwo kaleba" ayuu yiri Usama, wuxuuna ugu danbeyntii hadalkiisa ku soo gabagabeeyay gabay uu ku amaanayo dhalinyartii ka danbeeyay qaraxyadii ka dhacay Mareekanka, kuwaasoo siduu sheegay qaadeen wadiiqadii Nebi Muxammad (scw).

Mareekanka waxay Usama ku tuhmayaan inuu ka danbeeyay qaraxyadii ka dhacay New York iyo Washington 11-kii sibteembar 2001, waxaana qaraxyadaas ku dhintay kumanaan kun oo qof. Inkastoo mareekanku si aad leh u raadinayo Usama Bin Laden, haddana ilaa iyo hadda gacantooda ma soo gelin, iyadoo ay weeraradii mareekanka ee lagu qaaday Afghinasitan ay ku dhinteen kumanaan kun oo reer Afhanistan ah. Dad khubaro ah oo indha-indheeya siyaasadda ayaa wel-wel ka muujiyay inay cajaladdan Mareekanka fursad u siin karto inuu ku dhiirado weeraro lagu qaado dalal kale oo uu mareekanku ku tuhmayo inay joogaan kuwo uu ugu magac daray inay yihiin "argagaxiso".

Waa markii saddexaad ee Kanaalka Al-jazeera sii daayo cajalad xanbaarsan dhanbaal uu leeyahay wadaadka sida xad-dhaafka leh saxaafadaha magaciisa u hadal hayso ee Usama Bin Laden. Markii ugu danbeysay ee cajalkiisa uu kanaalka Al-jazeera sii daayo waxay ahayd bishii dhoweyd ee Nofeembar ee sannadka 2001.

11 qof ayaa kudhintay Dagaalkii xamar - Guji... Dec 27

Waxaa iskudubaridey: Ibrahim Salah
ibra88@hotmail.com
Odense, Denmark

December 28, 2001


WARARKII AFGHANISTAN:
1 | 2 | 3 | 4 | 5 | 6 | 7
10Beri.Ramadaan.Kadib | Goorma.lagayaabaa.in. | Axmed.Xirsi | Geelle.iyo.Ra'iisulwasaare | Welwelka.Carruurta | Jaaliyada.Som.Odense | Waraysi.Mohamed.Deeq | Wafti.yimid.Denmark | Daraasad.Muslimka.USA | Talo.Muslimiinta.Minnesota | Qubuuraha.Muslimiinta | Xalka.Carruurta.Qurbaha | Islaamnimada.Siciid | Guushii.Islam.Amin | Qaraxyo.Kadahac.USA
SIIRADA RASUULKA SCW:
Tusmo | 1 | 2 | 3 | 4 | 5 | 6 | 7 | 8 | 9 | 10 | 11 | 12 | 13 | 14 | 15 | 16 | 17 | 18 | 19 | 20 | 21 | 22 | 23 | 24 | 25 | 26 | 27 | 28 | 29 | 30
SAXAABADA 1 | 2 | 3 | 4 | 5 | 6 | 7 | 8 | 9 | 10 | 11 | 12 | 13 | 14 | 15 | 16 | 17 | 18
SOONKA: 1 | 2 | 3 | 4 | 5 | 6 | 7 | 8 | 9
SAKADA: 1 | 2 | 3 | 4 | 5 | 6 | 7 |
Duruusta Ramadaanka: 1aad | 2aad | 3aad | 4aad | 5aad | 6aad
Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Kor/up
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
Tue, Dec 28, 2001


Copyright © 2001 somalitalk.com. All rights reserved. Privacy


Saxaabada | Baro-HTML | Zakaat | Xajka | Sombeauty | Kids-Safety
Dr.Osman | Dr.Ibrahim | PMA | Codka-Aamusanaha | Guryasamo
Saahid | Umuuraha-Islaamka | Abshir-Abshir | SRG | BCCP | SPR
Caddaawe | Leyla | SSC | Ingiriis | Soyan | YusufOsman