Make your own free website on Tripod.com
S o m a l i T a l k . c o m
Online Community
SHIIKE COLUMN
Socdaalkii dheeraa ee Shiike
Guji halkan
SICIID COLUMN
Dagaalka Argagixisada iyo Soomaaliya …Faaalo (1)
Guji...
INGIRIIS COLUMN
Habeen madow ayuu la wareegay..
Guji halkan
Qoraalkii Hussein Hagi
BURURKA MUUQDA EE INA SALAT HASAN
Guji halkan
SAAHID COLUMN
Qura,aanka iyo sayniska
Guji halkan
XAAMUD COLUMN
Ahmiyadda dhismaha masaajidyaada
Guji halkan
CALI-NUUR COLUMN
Taariikhda Soomaaliya iyo Xabasha
Guji halkan
SOMALI REFUGEES
Xaqooxiga Soomaalida ee Kenya iyo Yaman
Guji halkan
Qoraalkii Saciid Ciise
Qosolka Dhurwaaga ragba run u moodey
Guji halkan
MADAXWEYNAYAAL
Aadan Cabdullah Cusmaan
1 Jul 1960 - 10 Jun 1967
Cabdirashiid Cali Sharmaarke
10 Jun 1967 - 15 Oct 1969
Sheekh Mukhtar Maxammad Xuseen (Kusime)
15 Oct 1967 - 21 Oct 1969
Maxamad Siyaad Barre
21 Oct 1969 - 27 Jan 1991
Shirkii Jabuuti: Cali Mahdi Maxamad
29 Jan 1991 - ( 3 Jan 1997)
............
Cabdiqassim Salaad Xassan
27 Aug 2000 - Hadda
RA'IISULWASAARAYAAL
Maxamad Xaji Ibrahim Cigaal
26 Jun 1960 - 12 Jul 1960
Cabdirashiid Cali Sharmaarke
12 Jul 1960 - 14 Jun 1964
Cabdulrasaaq Xaji Xuseen
14 Jun 1964 - 15 Jul 1967
Maxamad Xaji Ibrahim Cigaal
15 Jul 1967 - 1 Nov 1969
Maxamad Siyaad Barre
1 Nov 1969 - Mar 1970
Maxamad Cali Samatar
1 Feb 1987 - 3 Sep 1990
Maxamad Xawaadle Madar
3 Sep 1990 - 24 Jan 1991
Cumar Carte Qaalib
24 Jan 1991 - 3 Jan 1997
...............
Cali Khaliif Galaydh
8 Oct 2000 - 28 Oct 2001
Xasan Abshir Faarax
12 Nov , 2001 - Hadda
XASAN ABSHIR FAARAX
Profile | CV

.Home | FreeWebsite | FreeEmail | TellFriends | Search | Feedback | News
w w w . s o m a l i t a l k . c o m

SOMALITALK NEWS
9 QOf ayaa Kudhintay Dagaal Kadhacay Xamar

mogadishu fighting (Jon Resnick/MapInfo-Reuters)
Heavy fighting broke out in the Somali capital Mogadishu late December 28, 2001 killing nine people, including three civilians caught in crossfire as policemen battled heavily armed militias.. The fighting pitted militiamen loyal to businessman Abdi Ribad against the police forces of Somalia's Transitional National Government (TNG). Both sides used machine guns, assault rifles and rocket propelled grenades.
Dec 29, 2001 - Wararka ka imanaya magaalada muqdisho ayaa sheegay in ay 9 qof ku dhinteen dagaal xalay ka dhacay muqdisho.

Waxaa warku intaas ku daray in dagaalkani dhexmaray booliska DKG iyo malaysiyo daacad u ah ganacsade, welina ma cada sabata dagaalkan.

Sida ay werisey hay'adda Reuters, ganacsadaha malaysiyadiisu ay dagaalka la galeen booliska DKG waxaa lagu magcaabaa Cabdi Ribad.

Suuqa xoolaha ayaa shacab aad u argagaxsani xalay kabaxeen, halkaas oo ahayd meesha dagaalkani ka dhacay, waxaana halkaas ku dhaawacmay ilaa 17 qof. Maanta oo sabti ah waxaa warkusheegay in suuqa xooluhu uu deganyahay.

Waxaa warku sheegay in dadka dhintay oo sagaal qof ah ay kala yihiin: Afar booliska ah, labo Maleysiyada ah, iyo saddex shacab ah oo ku dhintay rasaasta is-dhaafeysey.

Sida ay soo werisey BBCda qaybta Afrika u qaabilsan, Taliyaha booliska DKG Cabdi Xassan Cawale Qeybdid ayaa sheegay in ciidankiisa lasoo weeraray oo ay soo weerareen maleysiyo sharci-darro ah si ay u abuuraan kala dambayn la'aan [sharci la'aan], waa sida warku u dhigaye.

Waxaa wararku sheegayaan in labada dhinacba ay taakulayn radsadeen, isla mar ahaantaana laba kale oo boolis ah ladiley iyagoo kusii jeeda goobta dagaalka kadib markii dhexda loo galay.

ENGLISH.VERSION: Nine Killed as Heavy Fighting Erupts in Mogadishu Reuters
Nine killed in Somalia shoot-out BBC Africa


Qiso yaableh!
MAXAY GALABSATAY MIMMI?

Daacuun Lagusheegay Soomaaliya

Sid ay soo werisey BBCda qaybta u qaabilsan wararka banaadir iyo nawaaxigeeda ee loo yaqaan BBC Monitoring Service kuna soo baxda shabakada Financial Times ayaa sheegtay in magaalada kutaal K/Soomaaliya ee Gendershe ay toban (10) qof u dhinteen cudurka daacuunka. Warku waxa uu intaas ku daray in aqoonyahanada iyo caaqilada qabaa'ilku ay ku baaqeen mucaawino degdega si dhibaatadaas caafimaad wax looga qabto.

Cuntayaraan Ba'an oo Lagasoo Sheegay Koonfurta Soomaaliya

Hay'adda qaramada midoobey u qaabilsan cuntada ee lagumagcabo World Food Program (WFP) ayaa sheegtay in ilaa NUS-MALYAN (500,000) qof oo kusugan Koonfurta Soomaaliya ay qarka u saaranyihiin macaluul daran cunta yaraan awgeed.

Waxaa warku sheegay in ay ugu darantah GOBOLKA GEDO oo carruurta kayar shanta sano ay hayso nafaqa-xumo aad udaran.

Waxaa wararku sheegeen in dhibaatooyinkaas ay sababeen arimo badan oo ay kamid yihiin: Abaar, sicir barar, iyo xoolaha soomaalida oo cunaqabatayn lagaga soo rogey in loo iibgeeyo Carabaha waxa ay uguyeereen Rift Valley disease awgeed. Taas oo sababtay in qoysas badan aysan kasoo adeegankarin suuqa, halkaas oo carruurbadi la il-daranyihiin macaluul.
ENGLSIH.VERSION: Food Shortage Acute in Southern Somalia, U.N. Warns

Ugu Yaraan 11 Qof ayaa Kudhintay Dagaal Kadhacay Muqdisho - Dec 27

Wararka ka imanaya magaalada muqdisho ayaa sheegay in ugu yaraan 11 qof ay ku dhinteen dagaal dhexmaray Ciidan daacad u ah Cumar Maxamed maxamuud oo dhowaan heshiis Kenya kula saxiixday DKG iyo ciidan daacad u ah Muuse Suudi Yalaxow oo arintaas kasoo horjeeda.

Sida warku sheegay waxaa dagaalkani qarxay kadib markii Cumar MM uu kusoo laabtay Muqdisho oo ay dad badan isku dayeen in ay soo showeeyaan.

Waxaa warku sheegay in ay dagaalkaas ay ka qayb qaateen in kabadan 10 gawaarida pickups loo yaqaan iyo in badan oo dabley ah.

Cumar MM wuxuu dib u dhigay safarkiisii maadaama garoonkuu ku soo degilahaa uu dagaal kasocdey, laakiin Axmed Xasan Caddow oo daacad u ah Cumar MM ayaa sheegay in ciidankiisu ay garoonka gacanta ku dhigeen.

Warkaan oo faahfaahsan ka akhri cinwaanka hoose:
ENGLISH.VERSION At Least 11 Killed in Somalia AP Dec 27, 2001

December 27, 2001


Maraykanka oo Xanibaadii Kaqaaday Lacag horay looga Xanibay Shirkad Soomaaliyeed

Sida ay soo werisey mid kamida Jariidahaha ugu afkadheer ee kasoobaxa magaalada Minneapolis oo lagu magcaabo pioneerplanet, Wasaarada maaliyada Maraykanka ayaa xanibaadii saaray ka qaaday $50,000 ee ay leedahay shirkad xawilaad Soomaaliyeed oo lagu magcaabo Somali Global Service . Lacagtaas oo November 7, 2001 lagu xanibay amar kasoo baxay Maraykanka.

Bile Sugulle oo lah lahaanshaha shirkadaas ayaa aad ugu farxay arintaas, waxana uu sheegay in markii horeba lagu khaldamay shirkadiisa oo u magac dhow shirkad kale oo kamid ahayd liiska maraykanku soo saaray ee shirkadaha laga xanibay maaliyadooda. Waxaana uu Bile sheegay in uu bilaabayo sidii u dib ugu dhisi lahaa sumcadii shirkadiisa.

Dhanka kale wuxuu dadaal ugu jiraa sidii loogu siideyn lahaa $50,000 oo uu sheegay in looga xanibay wadanka isutaga imaaraadka carabta.

Sida uu soo weriyey wargeyska pioneerplanet, madax sare oo katirsan Maaliyada Maraykanka ayaa sheegay in Bangiyada Maraykanku xanibeen $971,000 , taas oo badankeeda ay lahayd al-Barakaat, oo xafiisyo kuleh Boston, Minneapolis, Seattle iyo Columbus, Ohio. Guud ahaan, sida saraakiisha kasocda Wasaarada Maaliyada maraykanka ay sheegeen, waxaa maraykanka iyo wadamo kaleba ay xanibeen in kabadan $44 million laga soo bilaabo weerarkii Argagixisada ee sept. 11, waa sida warka pioneerplanet u dhigaye.

Warkaan oo faahfaahsan ka akhri cinwaanka hoose:
ENGLISH.VERSION: MINNEAPOLIS: Feds free up firm's assets pioneerplanet Dec 27, 2001


Usheeg Asxaabtaada | Talo Bixin
Allah Is Great



Copyright © 2001 somalitalk.com. All rights reserved. Privacy


Saxaabada | Baro-HTML | Zakaat | Xajka | Sombeauty | Kids-Safety