Make your own free website on Tripod.com
S o m a l i T a l k . c o m
Online Community
MADAXWEYNAYAAL
Aadan Cabdullah Cusmaan
1 Jul 1960 - 10 Jun 1967
Cabdirashiid Cali Sharmaarke
10 Jun 1967 - 15 Oct 1969
Sheekh Mukhtar Maxammad Xuseen (Kusime)
15 Oct 1967 - 21 Oct 1969
Maxamad Siyaad Barre
21 Oct 1969 - 27 Jan 1991
Shirkii Jabuuti: Cali Mahdi Maxamad
29 Jan 1991 - ( 3 Jan 1997)
............
Cabdiqassim Salaad Xassan
27 Aug 2000 - Hadda
RA'IISULWASAARAYAAL
Maxamad Xaji Ibrahim Cigaal
26 Jun 1960 - 12 Jul 1960
Cabdirashiid Cali Sharmaarke
12 Jul 1960 - 14 Jun 1964
Cabdulrasaaq Xaji Xuseen
14 Jun 1964 - 15 Jul 1967
Maxamad Xaji Ibrahim Cigaal
15 Jul 1967 - 1 Nov 1969
Maxamad Siyaad Barre
1 Nov 1969 - Mar 1970
Maxamad Cali Samatar
1 Feb 1987 - 3 Sep 1990
Maxamad Xawaadle Madar
3 Sep 1990 - 24 Jan 1991
Cumar Carte Qaalib
24 Jan 1991 - 3 Jan 1997
...............
Cali Khaliif Galaydh
8 Oct 2000 - 28 Oct 2001
Xasan Abshir Faarax
12 Nov , 2001 - Hadda
XASAN ABSHIR FAARAX
Profile | CV
BOOSAASO, SOOMAALIYA
bosaso Eeg Sawirkan oo Weyn
Sawirkan wuxuu muujinayaa Boosaaso oo kamid meelaha ay maraan buuraha silsilada Golis Guji...
NAKURU, KENYA
Madaxweynaha Kenya Daniel Arap Moi, Hassan Abshir Farah (B) iyo Jama Ali Jama (M) oo maanta Dec 24 sawirkan lagaga qaaday iyagoo jooga nakuru Kenya
Akhri halkan

.Home | FreeWebsite | FreeEmail | TellFriends | Search | Feedback | Allah Is Great
w w w . s o m a l i t a l k . c o m

SOMALITALK NEWS
Radio Toronto oo Waraysi Layeeshay Jamac Cali Jamac

December 29, 2001

Raadiyaha Codka Beesha Soomaalida (CBS) ayaa  waraysi layeeshay Jaamac Cali Jaamac (JAJ) oo jooga Nairobi. Waanakan waraysigii:

Mudane JAJ habeen wanaagsan. JAJ - fadlan soo mara mansabada aan idin ka mudanahay haddii aad doonaysaan inaan idiin waramo. [Qosol] laugh...President JAJ, habeen wanaagsan. After this minor diplomatic gaffe - the interview begun. [kaftankaan diblomaasiyadeed kabacdi waraysigii ayaa bilaabmay.]

CBS - JAJ waxaan la soconaa inaad ka qeybgashay xafladdii ugu dambeysay ee shirkii Nairobi, maxaa ka mid ah qodobadii aad ku heshiiseen?

JAJ - BRR - Annagu shirka kama qeyb gelin, waxna kama saxiixin. Casumaad aan ka helnay madaxweynaha Kenya ayaan ku nimid Kenya.

jcj iyo xasan abshir REUTERS | Nakuru, Kenya December 24, 2001
Xasan Abshir Faarax iyo Jaamac Cali Jaamac oo markii sawirkan laqaadayey (dec 24, 2001) joogey Nakuru, Kenya.

CBS - JAJ ma waxaad leedahay kama qeyb qaadan, mana tegin madashii shirka, mana taageerin arrimihii la isku afgartay?

JAJ - imaqal ayaan ku iri. Shirku annaga nama khuseeyn. SRRC iyo DKMG ayuu u dhexeeyey. Waa jirtaa inaan ka hadlay gabagabadii shirka anigoo sheegay in Puntland ay diyaar u tahay dib u dhiska qarankii somaaliyeed, balse u ahaado mid ku dhisan system federal ah.

CBS - JAJ haddii aan u soo laabanno halkaas iyo Puntland waa sidee xaaladda guud, gaar ahaan dhinaca nabad gelyada ee gobolka?

JAJ - Dhibkii aad maqasheen ee ka dhacay Garoowe wax ka dambeeyay ma jiraan. intii dhimatay Allaha u naxariisto.

CBS - Mudane JAJ, dhowaantan ayaad magacowday dhowr wasiir, welina waxaan la soconna in qaar kale magacowgoodu ku dhiman yihiin. Caasumaddii Garoowe waxay gacanta ugu jirtaa A/lahi Yusuf, Maamulkaagu weli ma gaarin Gobollada P/land oo dhan. Miyeysan ahayn deg deg dhinacaaga ah inaad u gudubto dhismaha iyo dib u heshiisiinta Somalia ayadoo colaadda ka taagan gobolka ay weli holcayso?

JAJ - Adeer labadaba waan isku wadaynaa

CBS - Jaamac, haddii aan dib ugu laabto is maandhaafka siyasadeed ee u dhexeeya adiga iyo A/lahi Yusuf, maxaad xal u aragtaa, sideese loo soo afjari karaa is maandhaafka?

JAJ - walaal aniga iyo A/lahi is maandhaaf nooma dhexeeyo. Aniga iyo Madaxweyne ku xigeenka waxaa nala ku doortay si waafaqsan sharciga P/land. Waad la socotaa Ergo ka badan 400 + inay codkooda dhiibatay. Tartan democratic ah ayey u dhacday. A/lahi iyo kooxdiisa ayaa sharciga ku tumatay. Diyaar ayaan u ahay inaan sharci ku kala baxnno haddii loo baahdo. Somaliye horay ayey u aragtay in jajuub iyo xoog aanay guul soo hoyiyeen.

JAJ aad ayaad u mahadsantahy - wakhtigaaga qaaliga ee caawa aad nasiisay.

Idinkaa mudan.

[Courtesy of] Codka Beesha Soomaalida - Toronto

December 29, 2001
ISHA:
Wargal jooga Toronto


Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
Usheeg Asxaabtaada | Talo Bixin



Copyright © 2001 somalitalk.com. All rights reserved. Privacy


Saxaabada | Baro-HTML | Zakaat | Xajka | BilicdaSom | Kids-Safety