S o m a l i T a l k . c o m
Online Community
MADAXWEYNAYAAL
Aadan Cabdullah Cusmaan
1 Jul 1960 - 10 Jun 1967
Cabdirashiid Cali Sharmaarke
10 Jun 1967 - 15 Oct 1969
Sheekh Mukhtar Maxammad Xuseen (Kusime)
15 Oct 1967 - 21 Oct 1969
Maxamad Siyaad Barre
21 Oct 1969 - 27 Jan 1991
Shirkii Jabuuti: Cali Mahdi Maxamad
29 Jan 1991 - ( 3 Jan 1997)
............
Cabdiqassim Salaad Xassan
27 Aug 2000 - Hadda
RA'IISULWASAARAYAAL
Maxamad Xaji Ibrahim Cigaal
26 Jun 1960 - 12 Jul 1960
Cabdirashiid Cali Sharmaarke
12 Jul 1960 - 14 Jun 1964
Cabdulrasaaq Xaji Xuseen
14 Jun 1964 - 15 Jul 1967
Maxamad Xaji Ibrahim Cigaal
15 Jul 1967 - 1 Nov 1969
Maxamad Siyaad Barre
1 Nov 1969 - Mar 1970
Maxamad Cali Samatar
1 Feb 1987 - 3 Sep 1990
Maxamad Xawaadle Madar
3 Sep 1990 - 24 Jan 1991
Cumar Carte Qaalib
24 Jan 1991 - 3 Jan 1997
...............
Cali Khaliif Galaydh
8 Oct 2000 - 28 Oct 2001
Xasan Abshir Faarax
12 Nov , 2001 - Hadda
XASAN ABSHIR FAARAX
Profile | CV
BOOSAASO, SOOMAALIYA
bosaso Eeg Sawirkan oo Weyn
Sawirkan wuxuu muujinayaa Boosaaso oo kamid meelaha ay maraan buuraha silsilada Golis Guji...
NAKURU, KENYA
Madaxweynaha Kenya Daniel Arap Moi, Hassan Abshir Farah (B) iyo Jama Ali Jama (M) oo maanta Dec 24 sawirkan lagaga qaaday iyagoo jooga nakuru Kenya
Akhri halkan

.Home | FreeWeb | Email | TellFriends | Search | Feedback | Allah Is Great
w w w . s o m a l i t a l k . c o m

SOMALITALK NEWS

MAXAY GALABSATAY MIMMI?

Qiso yaableh!

Eebow ilaali Mimmi.

Mimmi tumay ahayd? Magacu magac soomaaliyeed maaha iyo suaalo kale ayuu qofka qisadan akhristaa durbadiiba is weydiin karaa . Wixii Soomaaliya ka dhacay uma baahna sharaxaad dhowr iyo toban sano ka dib, ruux kasta oo soomaali ah iyo in badan oo ajnabi ah ayaa maanta khuburo ku ah "dalkii la odhan jiray SOOMAALIYA"iyo wixii ka dhacay.

Ruuxba wax baa amakaag iyo wax aanu weligii iloobin ku reebee. Waxa aanan weligey ilaaween dhacdadan xanuunka badan ee aan halkan ku qoray. Qisadani waa qiso yaab leh, mucjiso ah, ku tuseysa awooda Eebe, iyo waxashnimada aan caqligalka aheyn ee bini_aadanku ku kici karo. Aan soo koobee akhristow dhacdadani waxay ku saab santahay gabadh yar oo soomaali ah. Markaan leeyahay gabdhayar waxaa lagayaabaa in aad u fahantid innan jirta waŽxoogeey, ilaa dhowr sano iwm. Arrintu sidaa ka duwane ee bal ila dhuux.

Mimmi daŽdeedu waxay ahayd marka dembigan aan lahay qiilka laga galay wax ka yar BIL. Sanadku waa 1992, waxaa lagu jiraa xiligii aragtida xumaa ee soo maray taariikhda Soomaaliya. Idaacadaha dunidu waxay carabka ku hayeen ceeryaamada madow ee ku habsatay dalkii horaantii 70-yadii, lagu tilmaami jiray in uu tusaale wacan u noqonkaro dowlado farabadan oo Afrika ah. In kastoo caruur badan oo aan tiro lahayn ay ku leŽdeen dagaaladii sokeeye oo aynu warkooda ka dheregsanahay, haddana waxa Mimmi ka duway caruurta kale waxaad ka dhadhansan kartaa gabadha magaceeda MIMMI.

Markii uu bilaabmay birmadkii dunidu u tafa-xeydatay Soomaaliya ee uu hogaaminayay Mareykanku kaas oo loogu magacdaray Restore hope, waxaa gurmadkaa ka qeybgalay dalal aad u badan, waxaana ka mid ahaa ciidamo ka yimi Nayjeeriya. Waxay haddaba maalin iyaga oo oo kujira howlgal ka socday magaalada Muqdisho la kulmeen dhacdadan:

Waxay iyaga oo ag maraya haamaha qashinka lagu rido maqleen dhawaaq aan caadi ahayn " xaaaaaa, xaaaaa", kadib waxay is weydiiyeen war dhawaaqan aan caadiga aheyn muxuu ahaa. Iyaga oo yaaban ayeey qooraan- sadeen haantii qashinka. waxaa ka buuxa qashin aad u qadhmuun oo nooc walba isugu jira, way siiyara eegeen iyaga oo aad u xiiseeynaya in ay arkaaan meesha codku ka imanayo. Daqiiqado ka dib waxay ishoodu qabatay wax ay la qadhqadheen. Gabar yar oo GAWRACAN hase ahaatee weli neefsaneysa Eebow adaa weyn. Iyaga oo qaylinaya ayey la soo boodeen iyaga oo isku dhiira gelinaya weli way nooshahay,weli way nooshahay.

Waxay sidegdeg leh u gaarsiiyeen dhakhtar ay dawlada Iswiidhan (SWEDEN) ka furtay Muqdisho, dhakhtarkaas oo ay dawlada iswiidahn kaga qeybgeleysey gurmadkii restor hope. Isla markiiba waxaa isugu yimi dhakhaatiirtii swidhiishka ahaa waxaana bilaawday badbaadintii Mimmi. Waxayna maratay qaliin qaatay saacado, waxaana loola cararay wadanka Kenya oo ay ku gasahay qaliinkii labaad.Ugu danbeyntii waxaa loo soo duuliyey dalka iswiidhan halkaa oo ay ku heshey daryeel aan loo kala hadhin. SuŽaasha aan is weydiiyay ilaa haddana aan is weydiiyo waxay tahay Maxay galabsatay gabadhan yar ee sebiga ahi?

Magaca Mimmi hadaba xaguu ka yimi? Sida aad fahmi kartid cid taqaana gabdha magaceeda ma jirin, mana jiro hadda. Gabadha yar waxaa xilkeeda qaaday dhakhtaradii iswiidhshka ahaa ee Muqdisho kaa soo qaaday, iyagana ayaa magaca u bixiyey. Magaca Mimmi-na wuxuu ka yimi maalintii la helay ayaye eegeen magacyada ku haboon in ilmaha loo bixiyo waxayna u dooreen magaca Mimmi. Mimmi waxay noqotey ilmihii ugu caansanaa ee wakhtigaa. Dad aad u tiro badan ayaa arjiyo u soo qortay si ay u korsadaan gabadha yar. Meel ay ku danbeysey ma sheegi karo. Laakiin kuma ilaawi doono. Waxa aan hayaa sawir cadaan iyo madow ah oo 1992 ka goostay joornaalka layiraahdo Expressen oo ka soo baxa dalka iswiidhan, kaa soo dhowr maqaal ka qoray Mimmi.

Eebow ilaali Mimmi.

Fadlan haddi aad heysid wax akhbaar ah ku saabsan Mimmi ila socodsii.

GUJI HALKAN SI AAD U BAARTID MIMMI [search mimmi]

waxaa qoray: Liiban Shariif
Liiban@spray.se
Stockholm Sweden

2001-12-30

 AFEEF: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan.


Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
Usheeg Asxaabtaada | Talo Bixin



Copyright © 2001 somalitalk.com. All rights reserved. Privacy


Saxaabada | Baro-HTML | Zakaat | Xajka | BilicdaSom | Kids-Safety